Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

  - Allow yaa Cigaal uga warama - Caawa waxa taagan. Gabay - By. Raadyow ma qaloocshe

Halkani waa Raadyow ma Qaloocshe oo aydun uga barateen inuu wararka dunida idnka dibiriyo, laakiin akhyaartiisa indhaha buurbuuranow manta wuxuu idin huluuqsiinayaa Gabay geedkaa le’eg. Gabaygaasi waa ereyadii Asli internet (Abwaan Cali Carab)  by A. A. Garas

 

Allow yaa Cigaal uga warama – Caawa waxa taagan

Allow yaa wax lama caasiyee  - Caadka uga qaada

Allow yaa cibaarada jirtiyo – Muuja cirifkeeda

Waa tuu ciyaal iyo ka dhigay – Camadoo kala’e

Caynkay wakiilladu faleen –  Yaa warka cadeeyay

 

Cabdilaahi in Dhoolayarii – Curad is moodayay

Ee Ceel-Afweyn goostay iyo – Ceeri iyo xiisba

Cuqdad baay u buuxeen – Ragguu sii camaalaye

Cashadii wedkii ku cuskadaa – Cawda loo jaraye

Isna inuu ciriid kulul fadhiyo – Caaw yaa u tebiya.

 

Cashadii Rayaaluu lahaa  - Cidi danayn mayso

Ee uu codkiisaba ka dhigay – Ciyow dhawaaqaaya

Carradaba inuu keli xukumo – Caawa yaa u tebiya.

 

Inuu Qaybe caranaayo oo – Coobo karinaayo

Oo uu cirkaa sare u baxay – Caawa yaa u tebiya

 

C/Qaadir ina jirdee -  Coofka kor u taagay

Ee golaha caynkuu rababa - Ugu ciyaaraayey

In cimaamadii lagala degay - Caawa yaa u tebiya

 

C/Qaasim inuu Jamac yare – Cudur u soo dhiibay

Oo caadi ugu dul deggay – Gegidan ceegaagta

Oo uu caara-dhuub iyo rasaas – Ciiro kaga yeelay

Oo cashuur guratadii – Carartoo yaacday

Oo uu diyaarado cawaray – Caawa yaa u tebiya.

 

In Xaashiguu celin jree – Meel cidlo ah taagay

Ee uu culays wuxuu lahaa – Laba cod gaadhsiiyay

In wasaarad sare loo cayimay – Caawa yaa u tebiya

 

Maaliyadii cirri baa ku dhacay – Cidi ilaaweyne

Haddaad weel camiran aad ogayd – Ma laha caanteyne

Raggii caymarada ruugi jiray – Caato socon waaye

Iyana kama cunaan – Ruux kalena kama casuumaane

Cawilkaad ogayd baa ku helay – Cay wadaniyeede

Isna in aanu cid u joojineyn – Caawa yaa u tebiya

 

Cabdi Dahir dabadaa - Inuu camal xumaan muujay

Oo uu colkaad ururisiyo - Culimadii jiidhay

Oo uu xisbigii cururuq galay - Caawa yaa u tebiya

 

Saleebaankii caynkaad ogeyd – Laysku cudud belay

Ee cadhada lagu kala tegee - Laga carowsiiyay

Wuxuu cago-gubyoodaba – Inuu Udub ku soo biiray

Oo uu casuumado ka dhigay  - Caawa yaa u tebiya

 

Aqalkii caddaayee – Dadkaba laga cilaalaayay

Ee qofkii caddeyn toosa wadan – Laga ceshiinaayey

In ciyaalo hoos yaacayaan – Caawa yaa u tebiya.

 

Cumar Geelahaad caaydhisee – Cadan in weyn  dhaafay

Inuu soo rogaal celiyayoo – Cuunka dhinac joogo

Ceel-gaal inuu soo dhaafiyo – Caawa yaa u tebiya

 

C/Laahi ina Yuusufkii – Carar ku dheeraaday

Ee laga cabsoon jiray – Markuu helo ciwaankaaga

Caynaba inuu soo duldhigay ciidan – Caawa yaa u tebiye

 

Suldaanaduu waxbadan ciijiyee – Caga juglaynaaye

Aan laga cabsoon jirin – Hadday camal is qaadqaado

In siyaasadii lagu cakiray – Midiba qayb cuurtay

Oo ay codbixintii galeen – Caawa yaa u tebiya

 

C/Qabi Garaadkii inuu  - Cawl la miranaayo

Oo kaymo laga caagay iyo- Meel cidl ah joogo

Ceel doreed inuu hadal hayana – Caawa yaa u tebiya

 

Cawlna kama dambayn – Maalintuu ciidda hoos maraye

Waa tii cambaar lagu dhuftiyo – Caabuq gooniye eh

Ciirsila ma joogaan – Hadduu caawa noolyahaye

Isagana cabudhin wixii ku dhacay – Caawa yaa u tebiya

 

Xaajigiii ciroobe haddana – Midaba cayn meeyay

Ciyaartii dhawayd maalintii – Laysku cayntaarshay

Kubadii carceertee – Darbado culus ku soo laaday

Inuu goolka caadi ugu dhigay – Caawa yaa u tebiya

 

Xasan  waxa codkii loola hadhay – Curuq u sii yiile

Ceelkii Berbera iyo dholbaa – Loogu ciil qabaye

Isagana cadbaa lagu tuhmiyo – Calafka qaarkiiey

Isagana inaan cidi u bixin – Caawa yaa u tebiye

 

Doorashadii canbuul bay ahayd – Amase caal-waaye

Cadamigii la magacaabay baa – Cayn kalow rogaye

Cuqaal baaba maamulaysay iyo – Culimaa udiine

Inta cuud ku maqan baa ka badan -  Ciida jareereede

Iyadana inaan cidi ku dhiman – Caawa yaa u tebiya

 

Carabtaad necbayd waxa qabsaday – Collaan la koobayne

Cirkaa lagaga soo degay – Sidii qoladii reer Caade

Ciraaq iyo Saddaam baan laheyn – Curadadoodiiye

Caymad buu ku maqan yahay – Raggii calanku saarnaaye

Caamir Muuse erey kuma dhiciyo – Cadan kuwii yiile

Coday iyo Qusaygii la dilay – Cidi ma aasayne

Carafaad kolay tahay – Hadday wada cabaadeene

Maxamuud Cabaas kala batiyo –curukii Shaaroone

Intay manta kala cabanayaan – Caawa yaa u tebiya

 

Caaridnimo raggii diidi jiray – Hadal cadaantaada

Carab dalab leh iyo bay arkeen – Kala caloolyowe

Cisi iyo Allaa sharaf lahoo – Cidi ka weynayne

Inay calan-castii ay dartaa – Cadho wareegayso

Ay calaacal ku ooyayaan – Cidima kuu sheegtay

 

Caasimaddu siidbay haraad – Uga cabsootaaye

Sidiibay ula wada ciiran tahay – Dad iyo ceeryoone

Cadadkooda lama koobi karo – Cuurka wada yaale

Carabtiyo nasaaradu ka badan – Cal iyo buuraha’e

In caagado kuyuu lagula jiro -  Caawa yaa u tebiya

 

Ciidamadu sidii bay hadhuudh  - Ugu casheeyaane

Canjeerada kolay tahay ma jirto – Calaf ay quutaane

Wax cadabiya mooyiye – Ma arag ruux ka caafiya’e

Cutubyada waxa hagga – Ninkii caarifee adag’e

C/Samad inuu taliye yahay – Caawa yaa u tebiya

 

Cayn-na maaha BBC dii – Codadka dheerayd’e

Ciduun baa is magacowday – Bay cawda la hayaane

C/Salaanba naga jooji iyo – Cige laftiisiiye

Cabdille Xasankii laga gudbay – Dib u cusbeeyeene

Cilad raagtay bay soo fadheen – Sida carruureede

Wuxuu Cawke yare dumar na baray – Caawa yaa u tebiya

 

Usaam-ba sidii buu u yahay – Cayngal baadiye’he

Celiyayda mooyiye ma jiro – Caawinuu helaye

Cilaaqaadkii Yurub kala jariyo – Carabtii reer shame

Maraykaankii waa kaa cadibay – Caasiga ahaaye

Canbihii bislaadiyo ka didi –Canabkii tuuraaye

Cawarkii sucuudi carabiyee – Caawin jiray gaalka

Inuu meel cidhiidhiya ku riday – Caawa yaa u tebiya

 

Caanood Riyaalihii tagee – Calanka loo taagey

Carruuriyo ciroolaba markii – Sacabka loo coogay

Casar gaaban goortay ahayd – Ama cadceed hoose

Ee uu cirfiid ku habsadiyo – Cadowyo mooryaani

Adimada inay ciirsadeen – Caawa yaa u tebiya

 

           

Nin Cadiin qudhqudhiyaba  - Marbay cidi ka jiidhaaye

Cosobsiga raggii guran jiriyo – Cobosha laalaada

Ee aan cisayn jirin khalqiga – Lana cashuureynin

Carshigaa maruun lagaga iman – Maal ninkii cunaye

Cuqubadu ma sii socota iyo – Culuq la doonaaye

Camam badan wixii naga maqnaa – Caadil noo dhiciye

Inay ganacsatadii cabanayaan – Caawa yaa u tebiya

 

Waatay wax badan kugu cuneen – Culuunteeni kama soo durdurin

Karin caleen weyne – Cilmi iyo aqoontaa lahayn caadi wow tebeye

Nimankii cannaanaha badnaa – Bidhiq ma caanayne

Citiraaf inaan weli la helin – Caawa yaa u tebiya

 

Cali waran cadana siduu yahaan – kuu cabirayaaye

Isagiyo Cawaalba – Cidlay ununufaayaane

Carruuruhu ma qaateen – Waxay camalka moodeene

Codkii qaajee soo baxaan – Caawa leeyahaye

Caatada riyaha lama qashiyo – Cawlka joogsadaye

Ceesaan nin loogaa war ma leh – Ceebna waa u halise

Caaniyo baruurbaa nin raga – Caafimaad tare’e

Haddii aad sad culus doontaan – Idinma caynaye

Iyagana inay cududay dani – Cidi ma kuu sheegtay

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE