Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click here - The History of  Somaliland  

SADEXDII MADXWEYNE EE SOMALILAND GUUSHA U SO HOYEY

Diabetes - Maxaad ka taqaan cudurka Macaanka?   

Tariikhda somaliland marka aad dib ujaleecdo iyo xoriyadii loo soo maray halgankii dheeraa ee shacabka somaliland u babac dhigeen dawladii siyaad bare ayaa waxaa tariikh lama ilawaana ka qatay sadexda madaxweyne ee kii ugu horeyeey uu ahaa MARXUUN CABDIRAXMAAN AXMED CALI oo isagu xukunka kala wareegey SNM 18/5/1991
 

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Hadaba marxuun cabdiraxmaan axmed cali oo ahaa siyaasi ruug cadaa ah ayaa markii uu la wareegey xukunka dalka ayaa waxaa uu la kulmay ururo kala qayb ah waxaa uu ku dadaalay sidii uu maamul adag uga dhalin lahaa una sameyn lahaa hub ka dhigis iyo xeryo cidan taas oo waqti ku qadatay xukunkiisi isaga oo sameyeey golha guurtida golahaas oo xoog saray sidii loo midaynlahaa maleeshiyooyinka dawladana gacanta loogu wareejin lahaa hubka nasiib daro wuu ku guleysan wayey waayo xiligaas oo ahaa xili anay dawladu waxba ka qaban karin hub ka dhigista hase ahatee golaha guurtido wey ku dadaashay sidii loo xareyn lahaa maleeshiyoyinka talooyin badana wey soo jeediyeen isaga oo magacabay wasiiro badan ayaa hadana waxaa beel kasta la yaabaneyd hubkiina u dhiiba dawlada iyada golaha guurtidu markii dambe bilabeen wayii gelin xoog leh oo ay si sharafa isugu soo dhoweyeen dawladii iyo maleeyshiyooyinki

hadaba dawladii uu marxuun cabdiraxmaan axmed cali waxay ka howl gashay gobolada somaliland oo dhan isaga oo ay dawaldu u badnayeen dagaal yahanadii SNM waxaa isla markaa lagaadhay in doorasho cusub la galo si isbedel midho dhalaa uga dhaco dalka waxaa doorshadii  lagu qabatay borama 1993 taas oo jagada madaxweyna nimada ku guuleystey MARXUUN MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL.

marxuum maxamed xaji ibraahim cigaal markii uu la wareegey xilka madaxweyne nimo ee lugu soo caleema saray borama waxaa uu sameyey weji cusub iyo mamul kaas oo uu golhii guurtida uu ku adkeyey in ninkasta oo qori keensada la qoro boliska iyo milateriga mushaharna loo bilaabo si uu dawalada uga mid noqdo iyada oo aad ufududaatay in maleshiyoyinki oo dhami ka qayb qataan dawaldii hubkiina gacanta u soo galay dawladii isaga oo ka qay geliyey dawalada hagamayaashii SNM oo dhan ayaa waxaa isna ka hor yimi dagaal so keeye oo ku yimi is fahan sanaan dhincayada belaha iyo dawalada taasina waa mid ku timadaada mamulkasta oo cusub marka la sameynaayo waayo khaladka hore wuxuu saxaa ka danbe

hadaba waxay dawladii xoog uga shaqeysey gobolada dalka oo dhan waxaa uu soo afjaray dagaladii sokeye ee dalka ka dhacay isaga oo ahaa hogaan nabdeed ayuu ku guleystey inaaney somaliland mardanbe anay ka dhicin dagaalo sokeye waxaa uu u kura geli jiray beelha waxaa uu kala tashan jirey golha guurtida waxaa uu sameyey nidaam beelo barlamaan ah waxaa uu adkeyey amaanka jamhuuriyada somaliland waxaa uu ubababac dhigay siyasad kasta oo somaliland lugu kala babi nayo waxaa uu habeen walba ka war heyn jiray cida ku lidka ah somaliland waxaa isga laf ahaan tiisu qaban jirey jagada wasaarada arimaha dibada isaga oo toos dawalad walba ula xidhiidhi jiray ka dibna wasiirkiisa arimaha dibada ayuu udiri jiray .

hadaba marxuunku waxaa uu iska ilaalin jiray cadowga somaliland isaga oo guul weyn gadhsiyey jamhuuriyada somaliland isaga oo i su soo dhoweyey belihii somaliland oo dhan waxaa uu dhegeysan jirey .suldaanka beesha.caqilka.iyo ninkasta oo rayi wada waxaa lagadhay dorashadii 1997 taas uu ku guleystay marlabaad xilka madaxweyne nimada isaga oo shacabka somaliland dacad u ahaa waxaa uu shadheyey golihiisa wasiirada waxaa uu bedeley madaxweyne ku xigeenkiisa taas oo ay yimadeen dhamaan hayadihii UN ay somaliland u soo if baxaday calaamka isaga oo ku dadalaya waxqabadkiisa isaga oo raadinaya in ictiraaf deg dega la helo ayuu waxa uu ku soo casumi jiray barlamaanka mareykanka waxaa uu dagaal xogan ku hayey cidkasta oo tiraahda somaliweyn raadiya ayuu oran jirey anagu dawalad rasmiya ayaanu nahay hadaanu ic tiraaf weyno ugajoon meyno ictiraaf xilikasta hanugu qatee waanu sugi

isaga oo ahaa ruug cadaa siyaasi ah ayuu waxaa uu ku baqay in uu ku heshisiiyo kooxaha konfurta jamhuuriyada somaliland isga oo ku baqay in uu hargeisa shir ugu sameyn doono ayaa waxaa ogadey madaxweynaha jabuuti in madaxweynaha somaliland uu ugu baqay shir dib uheshisiin ah konfurta waxaa uu madaxweynaha jabuuti ka degey dalka masar isga oo uu la kulamay jamacada carabta  ayuu yiri waxaan doonayaa inaan somaliya shir ugu qabto jabuuti jamacada carabtu waxay ugu jawaabtay sidee xidhiidhkiinu yahay somaliland waxaa uu yiri somaliland aad ayaanu xidhiidh wacan u lenahay isla markiiba waxaa uu u yedhey madaxweynaha waxaa uu ujediyey ajandaha uu wato madaxwenehenina waxaa uu yiri anagu somaliland hadaanu nahay waxa anu madasha shirka ku iman doonaa naga oo ah jamhuuriyada somaliland taasna cumar gele wuu diiday waxaa uu yiri anigu somaliya oo aad ka mid tihiin ayaan shir u qabanayaa taas oo madaxweneheenu ka soo cadhoodey oo uu weliba yiri hadaba somalidaad u yedheysid u yeedho oo ilahay hakula garab galo dawlada jabuuti oo isla markiiba soo ereday wakiilki somaliland u fadhiyey jabuuti

taas oo ay dawalada jabuuti iyadu arima siyasadeed ka laheyd somalia ayuu madaxweneheenu si cad u qadacay shirkaa somaliland shacabkeedu mawqif adag ka istagay iyad oo ay ku danbeysey shirkii fashilaad

waxaa uu marxuum maxamed h cigaal ku guuleystey isaga oo dalka dastuur xalaal ah u sameyey waxaa uuu kale uu sameyeey xisbiyo xalaal ah oo si xor ah ugu tar tama xukunka dalka waxaa uu aad iyo aad u eegi jirey siyasada somaliland waxaa uu gaadhsiyey heer lugu soo hal qabsado somaliland sidey nabada ku heshey hala raadiyo

hadaba waxaa uu uga tegey shacabka somaliland siyasad tagan moqif cad dastuur dhisan xisbiyo dimuqraadi ah oo ilaa maanta somaliland ku dhaqanto waxaa uu geriyoodey ala ha naxariistee isaga oo udadaalay shacabkiisii

waxaa xilkii la waregey madaxwene ku xigeen kisii madaxwene DAHIR RIYAALE KAHIN oo aan isna ka dhicin marxuum maxamed ibrahim cigaal oo ahaa ninka keliya ee uu kala tashado somaliland ninka ku xidhan golaha gurtida nin og suladanada dhaqanka somaliland waxaa uu halkii ka sii wadey koobkii nabada waxaa uu ku guleystey doorsha xalaal ah madaxwenenimada waxaa uu dhaliyey midhihii xibiyada oo bislaadey waxaa uu ku guuleyste tartanka doorshada barlamaanka wuxuu kor u sii kiciyey xidhiidhka arimaha dibada wuxuu xidhiidh adag la sameyey dawaladaha jaarka ithobiya wuxuu mwqif adag siyey gooni isku tagaa somaliland shirkii kenya waxaa ka ilaaliyey cadowksta oo ku soo dhex dhuunta shacabka somaliland waxa uu ku dadalay in sool soo xero gasho taas oo ay u surta geli weydey iyada oo belihii kukala qaybsameen laascanood isga oo ku dadalay inaan dagaal lugu qadin shacabka lascanood isga oo direy suldaano la xidhiidha belahaas taas oo ay maqif adag ku cdeyeen in las canood ku kala qaybsan tahay somaliland iyo butland dawalada somaliland na ay ka taxdireyso inay dagaal ku qaado

hadaba madaxweynaha jamhuuriyada somaliland dahir riyaale waxaa uu beesha calamka wax ka bedeley mowqifkii ay amin sanayeen waxaa uu wax ka bedely JAMACADA CARABTA.UN IYO EEC AOU iyoUSA oo iyagu u arkayey inaaney barlamaanku u suura geleyn somaliland markii ay sura gashayna uu madaxwenuhu ku helo bilad dahaba waxaa uuna maanta si cad u cadeyey goaankii gurtidu ka dalbatay ee khilaafku ka soo kala dhex galay jagada gudoomiyaha barlamaanka oo uu sidacada ugu hanbaleyeeyey gudoomiyaha cusub waxaa taarikh lama ilawaana galay sadexda madaxwene iyo sadexda xisbi..UCID.KULMIYE.UDUB oo iyagu maanta looga fadhiyo ictiraaf deg dega xisbiga keena


alaa mahadleh
wakiilkii hore somaliland kuwait

Cabdrisaaq Meecaad
   - mecaad@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE