Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Waxaan dhawaan booqday maxaabiista dalka Somaliland gaar ahaan kuwa ku xidhan jeelka Mandheera oo aad uga fog saxaafada iyo booqashada dadka degan magaalooyinka hargeysa iyoBurco, qaarkoodna aanay lahayn ehel iyo qaraabo soo booqata ama awoodi karta boqashadooda.

Somalilandfuture) Hadaba inkastoo aad looga qayliyo xaalada maxaabiista oo ay dhawr jeer ka hadleen hay,adaha xuquuqda Aadamaha qaabilsan iyo saxaafaduba, ay jireena masuuliyiin ka soo hadlay jeelasha xaaladooda xilliyo kala duwan oo kaga hadlay saxaafad jamhuuriya iyo haatufba sida Boqor Cismaan Buurmadow markii uu xidhnaa iyo qaar kaloo badan oo iyagu laftoodu ahadhibane. 

Hadana waxaan aan la arag hore ama aan lagu soo gudbin saxaafada xaalada dhabta ah ee ay maxaabiistaasi ku sugan tahay ka hadal mooye. Hadaba waxaan aad uga naxay xaalada dhabta ah ee ay kujirto Somaliland dadka ay xukumeen oo qaarkood u dhintay silic iyo dhibaato ka soo waajahday Somaliland qaarna ay iminka qarka u saaran yihiin geeri aan la miisaami karin.  Waxaan ka codsanaynaa dhamaan reer Somaliland in ay culays saaraan masuuliyiinta qaranka Somaliland oo ku mashquulay u jawaabista mucaaradka ilaawayna danta guud iyo masuuluino waxa ay tahay oo aanay jirin cid ilaalinaysa xuquuqda muwaadinka reer Somaliland ee xidhan cid ku tumanaysa mooyee.

Sawirkan waxaanu u soo qaadnay si qarsoodi ah oo aan naloo fasixin, waxaa kaloo jirta haddii lagaa dareemo in aad saxaafada kasocoto laguuma sii daynayo jeelsha ama laguuma ogolaanayo in aad gashid si aad u ogaato xaalada dhabta ah.  Waxaan qabaa in jeelka Hargeysa ee uu ka hadlay Boqor Cismaan yahay jano.  Sawirkani waa nin maxbuusa oo buka oo intii uu ku jiray jeelka wax ka noqday maskaxda oo inta la xidhay aan haysan daryeel ee dhex jiifa jeelkaisaga oo ka xidhan gacmaha.

Fadlan haloo kaco maxaabiista oo xaaladooda wax ahalaga qabto, waxa isna jiray maxbuus jeelka Berbera ku dhintay cimilada oo aad u saraysay awgeed intii aan la xukumin, soona xidheen guddida nabadgelyadu waa sida qoyskii sheegay, oo markii meel si wacan uga qaato hawada waayey geeriyooday.  Masuuliyiinta jeelka oo hore awx looga waydiiyay arrinta waxay sheegeen in aan hadalkaa qoyska waxba ka jirin ee uu iskii ugu timi geeridii xaqa ahayd. 

Cabdilaahi Maxamuud Cali

Somalilandfuture.com 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE