Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA 

   Click here - The  History of  Somaliland

Madaxweyne Riyaale oo maanta la kulmay shirkada shidaalka ee dalka Norway ee la yidhaah Stat Oil

 Depression is increase in Somalis  - Do you know What causes depression?  

SDWO (Norway) Madaxweeynaha somaliland oo soo gaadhay magaalada Oslo ee dalka Norway maalintii shalay ee 14ka December ayaa xalay fiidkii ka baxay magaalda isagoo u sii jeeda magaalao la yiraadh Stanvanger oo ka  xigta dhinaca koonfureed magaalada Oslo.  Madaxweynahu waxa uu halkaas saaka ka bilaabay wadahadaladii uu la lahaa shirkada shidaalka ee State Oil ee magaaladda Stanvanger ee dalka Norway.


Waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay madaxa shirkadda state oil oo la filayo in ayisku afgartaan wadahadaladaasi.

Dhanka kale waxaa qado sharaf u sameeyay jaaliyada magaaladda stavanger oo si heer sare ah u soo dhaweeyay,waxaana la filayaa in wafsigu ku soo noqdo magaaladda oslo si uu madaxweeynuhu u qaabilo Jaaliyadda Norway khaasatan Oslo.

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Weftigan ayaa wax ku jira Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Du,aale oo sida la sheegayo u baqoolidoona dalka Beljimka si uu idaacad uga soo iibiyo, iyadii oo la sheegay inuu halkaas u tegayo soo rarida idaacada cusub, hase yeeshee warar lagu kalsoonayahy oo aanu helnay ayaa noo xaqiijiyey in aanay idaacadu diyaarba ahayn oo xukuumada laga sugayo inay soo shubto lacagta idaacada oo ah 192 kun oo dollar, ka dibna ay warshadu bilaabidoonto badhtamaha bisha January 2006 samaynta idaacada.

Waxa kale oo weftiga Madaxweynaha ka mid ah Marwada Madaxweynaha Marwo Huda oo wararku sheegayaan in ay iyadu u sii gudbidoonto magaalada London oo uu ku suganyahay wiil ay dhashay oo jaamacad kaga jira magaalo dhanka waqooyiga ka xigta London oo la yidhaah Manchester.

Madaxweynaha ayaa isaga la filayaa in horaanta todobaadkan uu u gudbidoono dalka Jarmalka oo sida uu madaxweynahu sheegay halkaa Ilkana lagaga saaridoono qaar cusubna loo gelindoono,  isla markaasna kulamo la yeelandoona madaxda dalka Jarmalka. 


Weriye Madaale
Oslo Norway

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE