![]()
Qaybe iyo qardoofooyinka uu u geystay Somaliland Geeridii Cigaal kadib
Dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey, masraxa doodaha siyaasadda Somaliland waxa magaciisu si weyn uga muuqday Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Waxa shilalka saarnaa oo si weyn loo qaadaa dhigayey shaqsiyaddiisa siyaasadeed ee ku wajahan mowqifkiisa Somaliland-nimo. Sadarrada hore ee saxaafadda Somaliland, ayaa laga dheehanayey hummaagga shaqsiyad-siyaasadeed ee Mudane Qaybe oo ceeryaamo dabooshay ku shaqlantahay. Gaar ahaan boggagga hore ee wargeysyada ka soo baxa Hargeysa waxa ay xambaarsanaayeen warar dhiilo ah oo sawiro xajiin leh ku xardhay magaca Md. Qaybe, oo ah mid ka mid ah saddexda masuul ee ugu mudan uguna meeqaan sarreeya milgaha Madaxtinimo ee Qaranka Somaliland. Wararkaas oo dareeno kala duwan iyo doodo kulul oo weerar iyo difaacba isugu jiray waxa biyo-shubkoodu ku aroorayey in mowqifka Md. Qaybe aanu ahayn mid aaminsan madaxbannaanida goonni isu-taagga Somaliland iyo horumarkeeda dawladnimo.Wargeyska “MAANDEEQ” oo ah shan maalinle ku hadla magaca xukuumadda, ayaa war uu daabacay Sabtidii, September 6, 2003, waxa uu dareen ka bixiyey qorshe ay ku hawlan yihiin Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo wargeysku sheegay in ay u ololaynayaan “In xildhibaannada Golaha Wakiilladu codka kalsoonida ah u qaadaan Md. Qaybe oo lagaga xayuubinayo haybadda Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiillada, marka uu furmo kalfadhiga maalmo yari ka hadheen ee Golaha.”
Wargeysku waxa uu tibaaxay mudaneyaasha u ololaynaya kalsooni ka xayuubinta Qaybe, in tallaabadani ka dambaysay iyaga oo ku eedeeyey Md. Qaybe, in mowqifkiisu ka horjeedo qaddiyadda Somaliland, iyaga oo sheegay in socdaal Guddoomiyuhu dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta uu kaga qaybgalay shirar iyo kulamo uu ku dibin-daabyeynayey qaddiyadda Somaliland, iyaga oo sheegay in uu halkaas kula kulmay dad cadowga Somaliland ah.
Hase yeeshee, eedaymaha ay mudaneyaashu u jeediyeen Md. Qaybe, waxa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan. Md. Axmed Maxamed Aadan, oo ku caan dabin-ka-boodka saxaafadda, had iyo jeerna lagu yaqaan in magaciisa ama saxeexiisa uu ka ilaaliyo qoraalada siyaasadeed ee xasaasiga ah ee saamaynta ku leh mowqifkiisa Somaliland, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray habeen hore Isniintii, waxa uu ku deedafeeyey eedaymaha ay ku cambaareeyeen mudaneyaasha la sheegay in ay qalqaalinayaan xil ka xayuubintiisa.
Warsaxaafadeedkaas, waxa wargeysku xusay in Md. Qaybe qalinkiisa ka ilaaliyey in uu isagu gacantiisa ku saxeexo, balse cid kale oo metelaysay ay magaciisa ku saxeexday. Warsaxaafadeedkan oo uu Qaybe ku yidhi; “Waxaan ka xumahay in wargeyska MAANDEEQ fidiyey dacaayado igu eedaynaya in aan Imaaraadka Carabta dhawaan ku soo galay shirar lid ku ah jiritaanka Somaliland. Eedayntaa oo ah been abuur.” Qaybe is-difaaciisa eedaymahaas intaas ayuu ku koobay, isaga oo aan warsaxaafadeedkiisa ku caddayn sabab kale oo safarkiisa Imaaraadku ku saabsanaa. Haddaba, si looga garnaqo dareenada falalka dambiilenimo ku eedaynaya Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada iyo is-difaaciisa, waxa muhiim ah in dib loo raaco sooyaalkii taariikheed ee saddex iyo tobankii sannadood ee Somaliland ahayd Qaran madaxbannaan, ee ka dambeeyey go’aankii goonni isu-taagga lagu xaqiijiyey Burco, 18kii May, 1991kii. Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), waxa uu ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee u dambeeyey ee dawladdii Soomaaliya ee Digtaatoorkii Maxamed Siyaad Barre, ee la riday horraantii sannadkii 1991kii Markii ay Somaliland ku dhawaaqday goonni isu-taaggeeda ay madaxbannaanideeda dib ugala soo noqotay midowgii Soomaali-weyn, isla markiiba, Md. Qaybe oo u dhashay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, waxa uu ka soo horjeestay goonni isu-taagga Somaliland. Waxa uu geed-dheer iyo geed-gaabanba u fuulay sidii uu u fashilin lahaa go’aankii goonni isu-taagga Qaranimo iyo aayo-ka-tashiga ummadda Somaliland. Qoraalo tiro badan oo uu ku baaqayo in Somaliland aanay wax jira ahayn iyo in aan loo aqoonsan dawlad madaxbannaan, ayuu muddadaas iyo wixii ka dambeeyey uu Qaybe u kala qoray dawladdaha caalamka, Qaramada Midoobay, iyo ururada kale ee goboleed iyo kuwo caalami ahba. Isla markaana, waxa uu door weyn ka qaatay, qaban-qaabadii iyo ka qaybgalka shirar kala duwan oo ku saabsan dib-u-heshiisiinta kooxaha dagaalka iskaga soo horjeeday ee Soomaaliya, ee lagu guul-darraystay in dib loogu dhiso dawlad Soomaali-weyn oo loo dhan yahay. Shirarkaas uu Qaybe ka qaybgalay waxa ka mid ahaa shirkii Soodare, Itoobiya ee sannadkii 1996kii. Mowqifka ka dhanka ah Somaliland ee Md. Qaybe uu ugu ololaynayey beesha caalamka in aanay aqoonsan madaxbannaanida iyo goonni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee saxaafadda dunida uu ku bandhigay waxa ka mid ah waraysi uu siiyey wargeyska “Washington Report” oo wargeysku ka diyaariyey warbixin dheer, waxa uu Md. Qaybe ku caddeeyey sida uu uga soo horjeedo madaxbannaanida Somaliland.
Warbixintaas waxa uu Qaybe kaga been sheegay go’aankii goonni isu-taagga Somaliland ee beelaha Somaliland oo isu dhammi ay ku gaadheen 18 May, 1991kii, waxaanu Qaybe u sheegay wargeyska: “In dadka Somaliland intooda badani ka soo horjeedaan goonni-u-goosiga Somaliland, oo ay tahay isku day qabiilka Isaaqu ay ku doonayaan in ay awoodda ku boobaan.” Sidoo kale warsaxaafadeed laga soo saaray Waaxda Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Xoghaynta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York, 2 February 1994kii, waxa lagu sheegay in kulan dhexmaray Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) iyo Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay ee xilligaas Dr. Boutrus Ghali, waxay isku waafaqeen in midnimada Soomaaliya tahay muqadas, isaga oo Qaybe sheegtay in uu isagu wakiil ka yahay gobollada Sool iyo Sanaag. Labadaas warbixinood oo aanu soo turjunay iyaga oo ku qornaa afka Ingiriisida faahfaahintoodu waxay u dhignayd sidan: “Wargeyska “Washington Report” weriyahooda arrimaha Bariga Dhexe oo la yidhaahdo Mr. Greg Noakes, ayaa kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland ee hadda Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) dalka Maraykanka 1994kii, waqtigaa oo uu u tagay halkaa si uu uga hawlgalo hor-istaagga qaddiyadda goonni isu-taag ee Somaliland, taas oo uu kulamo kala yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay iyo Maraykanka.
Md. Qaybe, oo u warramayey weriye Greg Noakes, wuxuu u sheegay in uu ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee ugu dambeeyey ee taliskii burburay ee Siyaad Barre, kadibna loo doortay Gole u hawlgala arrimaha gobollada Sanaag iyo Sool. “Aqlabiyadda dadka deggan dhulkii la odhan jiray Somaliland way ka soo horjeedaan goonni u goosashada, dhaqdhaqaaqa madaxbannaani doonka ahina waa isku day qabiilka Isaaqu ku boobayaan awoodda. Isaaq waa waxoogaa Somaliland ahaan ku nool gebi ahaantood maxmiyaddii Ingiriisku gumaysan jiray, halka ay gobollada muranku ka taagan yahay ay afar qabiil oo kale ku fidsan yihiin Soomaaliya inteeda kale,” sidaa waxa yidhi Qaybe oo u warramayey wargeyska Washington Report. Qaybe, waxa kale oo uu u sheegay wargeyskan in arrinta goonni u goosadku yahay arrin ku kooban qabiil qudha, balse ay MAYA “Leeyihiin qabaa’ilka kale, isla markaana doonayaan in ay iyagu gaarkooda u maamushaan ammuurahooda ilaa iyo inta laga soo dhisayo dawlad dhexe,” ayuu yidhi Qaybe. Waxa kale oo uu beeniyey fikradda ah, in qalalaasaha ka sii socda caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho iyo Kismaayo ay horseedeen in ay gooni isutaagaan xataa inta aan qabaa’ilka Isaaq ahayn, isaga oo yidhi; “Marka laga tago khilaafka dhexdooda ah, waxa dheer iyada oo dhammaan qabaa’ilka kale ka soo wada horjeedaan goosashada Somaliland, waayo, Soomaaliya oo la kala qaybiyaa, waxay inta badan ee ku nool Somaliland ka jaraysaa kuwo kale oo la qabaa’il ah oo ku nool Koonfurta, waana arrintaa mida isku xidhay qabaa’ilkaa.” Isaga oo Qaybe sii iftiiminaya suurtagal la’aanta madaxbannaanida Somaliland waxa uu sheegay wargeysku in xataa Isaaq laftiisu ay isku khilaafsan yihiin Dekedda Berbera iyo Hargeysa-ba oo ilaa iyo heer jilibo ah, taas oo uu ku tilmaamay xataa mid aanay meelahaasi faraha ugu jirin xukuumadda Cigaal oo aanay ka joogin, kana jirin Boolis iyo Maxkamado toona, “Markaa wuxuu dul fadhiyaa meel fawdo ah, halka la moodayo in degenaansho ka jirto,” ayuu yidhi Qaybe. Isaga oo u cuskanaya daliil sida aanay xaq ugu lahayn goonni isu-taagga Somaliland, wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba ay horjoogsadeen xaqa aayo-ka-talinta gobol ka mid ah Qaran jira, isaga oo tusaale u soo qaatay isku daygii Soomaaliya ee qaddiyadda Ogaadeeniya ay ku doonayso in ay ku soo bandhigto xaqa aayo-ka-talinta, balse ku diideen mujtamaca caalamku. Waraysiga Qaybe siiyey wargeyskan oo aad u dheer, qaybo ka mid ahna aanu idiinka soo qaadnay waxa uu wargeysku ku caddeeyey in muddadii uu socdaalka ku joogay Maraykanka uu kulamo la xidhiidha madaxbannaanida Somaliland kala yeeshay madaxda sare ee Maraykanka qaarkood oo ay ku jireen xubno ka tirsan Koongarayska, Safiirrada Qaramada Midoobay u jooga dalalkooda qaarkood, saraakiisha Qaramada Midoobay iyo Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay, Boutrus Qaali, kuwaas oo uu gacanta u geliyey farriintiisii oo ahayd in isku day kasta oo aqoonsi oo ay la yimaadaan canaasiirta goonni u goosadku lagu diido. Dhinaca kale, waxa lagu caddeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay oo uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud 2dii February, 1994kii, in Xoghayaha Guud la kulmay xubno ka socday gobollada Sool iyo Sanaag, taas oo uu Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ku hadlayey afka kooxdaasi uu u caddeeyey in midnimada Soomaaliya tahay mid muqadas ah.” Hase yeeshee, sannadkii 1997kii, markii uu dhammaaday shirweynihii beelaha Somaliland ee Hargeysa, ee mar kale dib loogu doortay Madaxweynenimada Somaliland, Madaxweynihii geeriyooday Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa Cigaal u yeedhay Qaybe, kadib markii uu ugu ballanqaaday in uu u magacaabi doono Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Markii uu Qaybe yimi Somaliland, waxa isla markiiba loo magacaabay xilkii uu Cigaal u ballanqaaday oo uu ilaa hadda hayo. Hase yeeshee, inkasta oo Cigaal xilkaa culus u magacaabay Qaybe, haddana waxaa muuqatay in aanu kalsooni siyaasadeed ku qabin. Taasina waxa ay soo dedejisay in madmadow iyo khilaaf soo dhexgalo xidhiidhkii wada-shaqayneed ee labada masuul. Khilaafkaas ayaa sababay in Cigaal daciifiyo awooddii maamul ee Golaha Wakiillada iyo hoggaamintiisii siyaasadeed.
Waxaanu Qaybe ka dhigay nin ka xidhan oo aan wax talo ah iyo awood-toona ku lahayn hoggaaminta Golaha uu madaxda u yahay iyo talada dalka. Muddadii shanta sannadood ahayd ee uu la shaqaynayey maamulkii Cigaal, waxa uu Qaybe ku dhammaystay dibad wareeg iyo bukaan-socodnimo, isaga oo niyadjab weyni laciifiyey ayuu Md. Qaybe waxa uu inta badan ku laalnaa socdaal dibaddeed, oo Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta uu ugu maqnaa, isaga oo mar-walba marmarsiinyo ka dhiganayey in uu xannuunsanayo, una baahan yahay fasax caafimaad, si uu Cisbitaal dibaddeed ugu socdaalo. Waxase jirtay, dareeno Madaxweyne Cigaal iyo masuuliyiinta xukuumaddiisu ay ka qabeen Qaybe mar kasta oo uu socdaal dibadda ugu baxo. Waxa jiray tuhuno badan oo laga qabay in uu Qaybe xidhiidho badan la leeyahay qaar ka mid ahaa madaxdiii sare ee ay ku wada jireen Rajiimkii Barre, oo ay ka mid yihiin rag siyaasiyiin ah oo ay isku beel ka soo jeedeen, oo si weyn uga soo horjeeda goonni isu-taagga Somaliland. Tibaaxo ka soo baxay xubin Guurti ah oo ka mid ah Odayaasha aad ugu dhawaa Madaxweynihii geeriyooday ee Cigaal, ayaa waxa uu Odaygaa Guurtida ahi iftiin ka bixiyey mar ay duqay Guurti uu ka mid ahaa isku dayeen in ay Cigaal uga ergeeyaan khilaafka isaga iyo Qaybe, waxa uu sheegay in Cigaal ka diiday maslaxaddii ay ula tageen waydiiyey Cigaal “Maxaa isku haysaan adiga iyo Qaybe?.. maadse adigu dulqaad-samaysid, maadaama aad Madaxweynihii tahay ninka odayga ahna [Qaybe] aad soo dhaweysid.” Odayga Guurtida ah oo ka hadlay jawaabtii Cigaal u celiyey Odayaasha, waxa uu yidhi; “Maanta wuu innaga hooseeyaaye, Allaah ha u naxariistee waxa uu nagu yidhi, aniga iyo isagu [Qaybe] waxba iskuma hayno…waxase jira wax aanaan ka heshiin karin…waa go’aankii aad idinku [Odayaasha Guurtida Beelaha] Burco ku gaadheen…waa masiirka iyo madaxbannaanidaSomaliland…go’aankaas waxaan ogahay in aanu Qaybe ku qanacsanayn oo qodaxyeyniyo qardoofaynteeda ku foogan yahay. Waxa aanu su’aalnay miyaad hubtaa, mise waa tuhun iyo wax lagaaga sheegay? Waxa uu yidhi; Maya’e waxaan hayaan caddaymo badan oo ay ka mid yihiin biilkii telefoonadiisa, oo ay ku dhan yihiin magacyada raggii uu la hadlay, telefoonaddii, iyo mid walba inta minit ee uu la sheekaysanayey iyo wixii ay ku wada hadleen…iyo dukumentis kale oo khuseeya arrimo kale oo siyaasi ah,” ayuu yidhi. La soco qormo kale oo ku xidhiidhsan arrinta Md. Qaybe iyo dareenada ku xeeran eedaymaha loo jeediyey.
Qaybe iyo qardoofooyinka uu u geystay Somaliland Geeridii Cigaal kadib.
Haddaba, Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), isaga oo muddo badan aan ka ag dhawaan Qasriga Madaxtooyada, khilaafkii huursanaa ee isaga iyo Cigaal u dhexeeyey awgeed, waxa uu markii u horreysay foodda geliyey Madaxtooyada Somaliland goor casar ah oo ahayd maalin Jimce ah, kuna beegnayd 3dii May, 2002. Waa maalintii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Allah ha u naxariisto’e uu ku geeriyooday Cisbitaal ku yaal magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika. Markii uu soo dhacay warkii dhiillada lahaa ee geerida Madaxweynaha, ayaa Md. Qaybe waxa uu ka mid ahaa madaxdii Goleyaasha Qaranka ee iyaga oo murugaysan ku qamaamay Qasriga Madaxtooyada. Kulankii galabtaa ka dhacay Madaxtooyada ee lagaga arrinsanayey geerida u soo hoyatay Qaranka Somaliland, waxa lagu gaadhay guddoonkii taariikhiga noqday ee isla caweyskii habeenkii Jimce, Md. Daahir Rayaale Kaahin, loogu dhaariyey xilka bannaanaaday ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa se xusid mudan, in Qaybe ku tar-sheegto in uu ahaa maskaxda ka dambaysay go’aanka Distooriga ahaa ee Madaxweyne Rayaale loogu cumaamaday xilka hoggaaminta Qaranka. Markii Madaxweyne Rayaale muddo bil keli ah ku fadhiyey kursiga Madaxweynaha ayaa Qaybe, waxa uu muujiyey tallaabooyin firfircooni ah oo uu mayalka ugu qabtay hoggaaminta Golaha Wakiillada. Isla markaana waxa uu gacan bir ah ku qabtay Guddoominta fadhiyada Golaha, oo uu muddo dheer ka maqnaa, waxaanu si rasmi ah salka ugu nageeyey kursigii dheeraa ee Shirguddoonka Golaha oo aanu hore marna saani ugu jimicsan, muddo dhawr sannadood ah oo gacantii Cigaal hoosta ka maamulaysay Golaha Wakiillada. Md. Qaybe, markii uu xukunkii Golaha gacantiisa ku soo dabbaalay ee madax-jebiyey mudaneyaal badan oo hore Baarqabbo u ahaa, ayaa waxa uu miiska soo dhigay qorshe u qarsoonaa, oo ku saabsanaa ajandeyaal uu ku doonayey in uu ku gilgilo Madaxweyne Rayaale iyo maamulkii curdinka ahaa. Ajandeyaasha uu Golaha soo hordhigay waxa ka mid ahaa “In Madaxweyne Rayaale uu Golaha Wakiillada soo hordhigo barnaamijkiisa siyaasadeed ee maamulkiisa cusub.” Qorshaha Qaybe, soo bandhigay oo dood iyo muran badan ka dhexabuurtay mudaneyaasha ayaa iftiimisay ujeeddada Qaybe ka lahaa oo ahayd in uu Madaxweyne Rayaale u muujiyo in uu yahay ninka keli ah ee gacantiisa ay ku jirto awoodda Golaha Sharci-dejinta, si uu ugula gorgortamo talada siyaasadeed ee dalka, gacanna ugu yeesho ka arriminta majaraha siyaasadda dalka. Tallaabooyinkaa Qaybe, waxa ay soo dedejiyeen madmadow iyo ismaan-dhaaf durba soo dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha. Markaa kadib, Qaybe, oo aan hore wax awood ah ugu lahayn talada hoggaamineed ee beeshiisa, waxa uu Faraskiisa u kooraystay sidii uu talo ugu yeelan lahaa arrimaha siyaasadeed ee beesha uu ka soo jeedo ee gobolka Sool. Isaga oo ka faa’iidaysanaya mowqifka xag-jira ee Garaadada Somaliland diidka ah, ayaa Qaybe waxa uu xidhiidh wanaagsan iyo talo-wadaag la samaystay qaar ka mid ah Garaadada gobolka Sool ee sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda goonni-isu-taagga dawladnimada Somaliland. Is-fahamka uu Qaybe la yeeshay Madax-dhaqameedyada beeshiisa ayaa daaha ka fayday, qorshe uu ugu hawlgalay in uu xadhkaha u sii kala furo xidhiidhka horeba u murugsanaa ee beesha gobolka Sool iyo maamulka xukuumadda Somaliland. Qorshaha qarsoon ee Md. Qaybe, waxa uu si cad u soo shaac-baxay horraantii bishii December, 2002, maalmo yar ka hor weerarkii uu ka samato-baxay ee lala doonayey in dilo Madaxweyne Rayaale, markii isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ay socdaalka ku tageen magaalada Laascaanood, ee gobolka Sool, 7dii December, 2002. Laba toddobaad ka hor intii aanu Madaxweynuhu u socdaalin Laascaanood, ayaa dawladda Somaliland waxa ay laba Guuto oo ciidan ah u geysay degaanka tuulada Adhi-caddeeye oo ka tirsan degmada Laascaanood, halkaas oo dagaal dhimasho iyo dhaawacba geystay uu ka aloosnaa laba beelood oo ka mid ah beelaha wada degga gobolka Sool, ciidankaas oo loo geeyey halkaa si loo joojiyo dirirta labada beelood ka dhex-socotay. Hase yeeshee, ciidanka halkaa la geeyey, waxa ka qayliyey Garaaddada beesha Sool. Iyaga oo sheegay in ciidanka Somaliland ee halkaa la geeyey ay beeshoodu u aragto in cabudhin iyo ujeeddooyin cago-juglayn ah loo dul-dhigay degaanka beesha Dhulbahante, joogitaanka ciidankaasina ay ka dhalan doonto khatar nabadgelyo xumo. Saska iyo diidmada Garaadadu ka muujiyeen ciidankaas, waxa mowqifkooda la wadaagayey Axmed Maxamed (Qaybe), diidmadooda ciidanka halkaa la geeyey waxa ay xukuumadda iyo ra’yiga guud ee dadweynaha Somaliland intiisa kale u arkayeen in ay ka dambayso aragti ku salaysan Somaliland diidnimo oo Garaaddada iyo Guddoomiye Qaybe ay ka midaysan yihiin in ciidanka Sool u ruqaansaday uu horseed u yahay maamulka Somaliland oo ku lugo-fidsanaya gobolka Sool.
Waqtigaas Md. Qaybe, ayaa Madaxweyne Rayaale ugu tegay xafiiskiisa, waxaanu ka dalbaday in uu dib uga soo celiyo ciidanka Qaranka ee gobolka Sool la geeyey, isaga oo Madaxweynaha ku wargeliyey in dadka degaankaasi ay dareen sas leh oo nabadgelyo-xumo ah ka qabaan ciidankaas. Hase yeeshee, tibaaxo laga soo xigtay kulankaa waxa ay sheegeen in Madaxweynuhu u caddeeyey Qaybe, in ciidanka aan halkaa loo geyn dhibaato abuur iyo khal-khalin nabadgelyo, balse loo geeyey si ay u kala dhexgalaan beelaha dagaalku u dhexeeyo ee degaankaas. Waxa kale oo Madaxweynuhu u sheegay Qaybe, in ciidanka halkaa lagu geeyey codsi uga yimi qaar ka mid ah Madax-dhaqameedyada degaankaas dirirtu ka jirtay. Balse, Md. Qaybe, kuma uu qancin hadalka Madaxweyne Rayaale. Waxa ay Jamhuuriya caddaymo ku haysaa, in Qaybe, saacado kadib kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay telefoono uu kula xidhiidhay qaar ka mid ah Garaadada beesha ee Laascaanood ku sugnaa, waxaanu ku abaabulay in ay u hawlgalaan bayaan ay wadajir u soo saaraan oo digniin kulul xambaarsan oo ay xukuumadda Somaliland kaga dalbanayaan in ciidankeeda ay kala soo noqoto degaanka beesha Dhulbahante. Bayaankaas markii ay diyaariyeen Garaadadu, ayaa mid ka mid ah Garaadada sida ba’an uga soo horjeeda jiritaanka Somaliland, waxa uu telefoon kula soo xidhiidhay Jamhuuriya. Garaadku waxa uu ku wargeliyey wargeyska; “Bayaan ay soo saareen sagaal Garaad oo beesha Dhulbahante ah, oo ugu baaqaya maamulka Somaliland in ay dib ugala baxaan ciidanka ay geeyeen degaanada Dhulbahante, ayaanu idiin soo diraynaa ee jariiddadda ku soo saara.” Garaadku, waxa kale oo uu Jamhuuriya u sheegay in bayaanka Garaadadu soo saareen ay ku soo hagaajinayaan Qaybe, kadibna uu Qaybe soo gaadhsiin doono wargeyska. Maalin kadib markii Garaadku la soo hadlay wargeyska, ayaa Md. Qaybe uu goor casar ah oo ahayd 2dii December, 2002, Jamhuuriya soo gaadhsiiyey bayaankii Garaadadu soo saareen. Bayaankaas waxa uu wargeysku daabacay December 3, 2002. Iyada oo uu taagan yahay dareenkii ka dhashay bayaanka Garaadadu ku diidanaayeen ciidamada Somaliland ee Sool la geeyey, ayaa Madaxweyne Rayaale isu diyaariyey in isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ay booqasho ugu kicitimaan Laascaanood. Xubnaha weftiga ee Madaxweynuhu qorsheeyey in ay raacaan, waxa ka mid ahaa Md. Qaybe. Hase yeeshee, Md. Qaybe oo markii hore oggolaaday in uu ka mid noqdo weftiga Madaxweynaha, waxa uu qorshihiisii raacitaanka Madaxweynaha beddelay, markii saacado ka hadhsanaayeen socdaalka weftiga, oo uu sheegay in aanu safar geli karayn. Sida ay caddaynayaan tibaaxo la hayo, Qaybe wuu ka warhayey in aan weftiga Madaxweynaha lagu soo dhaweynayn Laascaanood iyo in la weerari doonaba. Hase yeeshee, waxa lala maaganaa weftiga ee uu warkeeda hayo, waxa la sheegay in aanu wax digniin ah ka bixin oo aanu Madaxweynaha talo ka siinin xaaladaha jira. Balse, waxa uu go’aansaday in uu naftiisa oo keli ah ka joojiyo halista soo wajahnayd, sidaa ayuu kaga hadhay socdaalkii Madaxweynuhu ku tagay Laascaanood, 7dii December ee weerarkii lala beegsaday Ilaahay ka badbaadiyey. Weerarkaa Laascaanood, waxa uu ku habsaday Madaxweynaha iyo weftigiisa waqti saacaddu ahayd 3:00 maalin-nimo, markaa kadib, Md. Qaybe, isla maalintaas waxa uu Laascaanood telefoon kula hadlay dhawr jeer, saacadihii u dhexeeyey 4:00 galabnimo ilaa 9:00 caweysnimo. Telefoonadaas midkood waxa uu kula sheekaystay mid ka mid ah Garaadada Laascaanood joogay, markii Madaxweynaha la weeraray. Waxaana la dareensan yahay in Qaybe iyo Garaadku ay ka wadahadlayeen weerarka dhacay. Hase yeeshee, habeenkaas, abbaaro 8:00 caweysnimo oo weriye Jamhuuriya ahi uu Qaybe oo joogay gurigiisa Hargeysa telefoon ku weydiiyey waxa uu war ka hayo weerarka Laascaanood iyo weftiga Madaxweynaha waxa uu sheegay in aanu wax war ah ka hayn haba yaraatee, Laascaanood-na aanu la xidhiidhin. Weerarkaa foosha-xun ee lagu qaaday Madaxweynaha isaga oo marti ku ah magaalada Laascaanood, oo cid kasta oo maqashay ay ka naxday, cid walibana ay cambaaraysay, ayaan Qaybe iyo Garaadadii reer Sool ee gurigooda lagu weeraray Madaxweynaha Somaliland, midkoodna wax jawaab kama bixin. Gaar ahaan Qaybe, oo ah ninka ugu miisaanka culus xubnaha beesha Dhulbahante ee ku jira dawladda Somaliland, ayaan haba yaraatee afkiisa laga maqal in uu cambaareeyo mashaqada Laascaanood kaga dhacday Madaxweynaha, isaga oo iska ilaalinayey in warbaahinta laga maqlo dareen uu kaga xunyahay arrintaas oo diiwaanka u gashay, iyo iyada oo dhammaan mudaneyaasha iyo madaxda kale ee beeshiisa kaga jira Goleyaasha dawladda Somaliland ay saxaafadda ku cambaareeyeen weerarka Laascaanood kaga dhacay weftiga Madaxweynaha. Taas oo keli ah, ma aha, balse Md. Qaybe, taariikhda laguma hayo, mar keli ah isaga oo difaacaya qaddiyadda dawladda uu ka tirsan yahay ee Somaliland. Saxaafadda dalka iyo warbaahinta dibadda midna weli laguma arag isaga oo ka hadlaya oo leh Somaliland goonni-isu-taaggeedu waa xaq. Qoraal iyo af midna laguma hayo Qaybe oo taageeraya qaddiyadda Somaliland. Xataa wufuudda shisheeye ee caalamka ka socda, ee xaqiiq raadinta u yimaadda Somaliland, waxa la ogyahay kulamada wadajirka ah ee ay la yeeshaan in aanu kala qaybgelin, waanu ka cudur-daartaa, taas oo muujinaysa in madal loo dhan yahay laga maqlo afkiisa arrin taareeysa qaddiyadda Somaliland. Balse, waxa dhacday oo caddaymaheeda la hayaa marar badan oo weftiyo shisheeye ah uu keligii qol aan ciddi ku wehelin ku qaabilay, kuwaas oo marar dambe la ogaaday dareeno aan wanaagsanayn oo Somaliland ay ka bixiyeen warbixinaha ay diyaariyeen saraakiisha shisheeye ee uu la kulmay. Si kastaba ha ahaatee, Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxa la filayaa Khamiista berrito ah in uu socdal ugu ambabaxo dalka Maraykanka. Haddaba, socdaalka uu Qaybe waqtigan ugu kicitimayo Maraykanka ayaa laga bixiyey dareeno shaki leh. Iyada oo badhtamaha bishan September, uu New York ka furmayo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa xogo lagu kalsoon yahay waxa ay tibaaxayaan in Qaybe oo mar ahaa Danjire dawladdii burburtay ee Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay in socdaalkiisan uu la xidhiidho si uu talooyin iyo warbixino ku saabsan xalka mushkiladda Soomaaliya oo shirka hadda lagaga hadli doono uu u gudbiyo Diblomaasiyiin badan oo saaxiibadiis ah oo jooga New York. Iminka uun ma aha ee mar kasta oo Qaybe u socdaalayo Maraykanka waxa uu ku beegaa bisha September, oo ku beegan shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo sannadihii 2000 iyo 2001 uu bishii September booqday Maraykanka. Sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xogogaalo jooga Maraykan, socdaalka uu hadda ku tagayo Maraykan, Md. Qaybe, waxa uu ku degayaa oo loo sii diyaariyey guri ay leedahay Marwada Wasiir-khaarajigii isaga ka horreeyey ee Soomaaliyadii burburtay Cabdiraxmaan Jaamac Barre, oo ay walaalo ahaayeen Diktaatoorkii Maxamed Siyaad Barre. Gabadhaas oo magaceeda la yidhaahdo Sahra Sheekh, ayaa la sheegay in ay u diyaarisay gurigeeda oo ku yaalla gobolka Virgenia, taas oo la sheegay in xidhiidh wanaagsan oo muddo dheer soo taxnaa ka dhexeeyo. Inkasta oo la sheegay in ninkeedii, Cabdiraxmaan Jaamac Barre uu isagu ku maqan yahay shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda Imbaghati, Kenya. Si kastaba ha ahaatee, dareenada ku saabsan Qaybe iyo qaddiyadda Somaliland la arki doonaa biyo-shubkoodu halka uu ku aroorto
Source: www.Jamhuuriya.info