Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Wadaadkii Cigaal waxa u tegay, -Weyb-sadkaan diraye. Gabay Raadyow maqalooche - A A Garas

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegeysataan mawjadaha kaftan aqoonka ah iyo kuwa dhexe ee ilaaq-dhuubka ah.

Akhyaartayada indhaha buur-buuranow maanta waxaan idin huluuqsiinayaa bahal gabay ah oo gidaarka le’eg, gabaygaasina waxa uu jawaab u yahay gabaygii hore ee alla ha u naxariistee Marxuum Cigaal loo diray, gabaygaas oo loo maleeyey inuu aakhiro u gud-bay, kaas oo ay Asli u malaysay alla ha u naxariistee inuu sii qaaday marxuum Cabdi Cali oo dhowaan xijaabtay, gabaygan jawaabta ah ee marxuum cigaal oo laga soo xigtay islaan uga qaateen ah oo la yidhaahdo Asli Inter-net, waa tan tiraabtiisii.

Gabay (Wareegto)


Waddo soo maryaa iyo  - Si kale wadhaf u keenyaaba.
Aakhiro war baa nagaga yimi, -Wiiggan maanta ahe.
Wadaadkii Cigaal waxa u tegay, -Weyb-sadkaan diraye.
Wuxu yidhi waraaqdii heliyo, - Weriyihii jaane.
Wuxu yidhi waxaad soo dirteen,  - Weedhi ii timiye.
Werwer baan la laab-kacay, - Markaan waarrankii furaye.
Waxan ku arkay waxa iigu darran - Wiilkii aan dhaqaye.
Wanjalaadda Ina-dhoolayare,  - Wadhi ma doonayne.
Raggii aan wadada kaga ridaa,  - Weerar soo rogaye.
Waaqliyo cidlay kaga tageen, - Wehel la’aaneede.
Wadeecadu ma gaadheen,  - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Maxaanse kaga walaacaa, - If baan cidi ku waarrayne.

Wax la yidhi wakiiladii kibriyo, - Guurtidaan wadaye.
Waracyey ismoodeen, - Markay I arki-waayeene.
Ka war helay anoon wiig maqnayn,  - Inay is-waaleene.
Wax la yidhi waxay doonayaan,  - Walam-sigoodiiye.
Waataan walaaciyo dhex dhigay, - Kala walaahowe.
Lay sheegeen wasiiradii,  - Inay kala badh-waabsheene.
Wax u dhiibayaa iyo  - Si kale ugu wadeeyaaba.
Mar horaan wab kaga siin-laa, - Waana la aqiine.
Iswareerintani waa intay,  - Wallanqo haystaane.
Wadeecadu ma joogteen,  - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Maxaanse kaga walaacaa, If baan cidi ku waarrayne.


Wax la yidhi dalkii kala wakow, - Wada balaadhnaaye.
Wax la yidhi Wiriir iyo Saraar, - Weerahaa cunaye.
Wax la yidhi kuwaan waaliyaa, - Weel ka dhaansada’e.
Wax la yidhi sidii weli, - Hadaad wanan u loogtaane.
Wadeecadu ma gaadheen, - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Maxaanse kaga walaacaa,  - If-baan cidi ku waarrayne.


Wax la yidhi waxaan lacag ka tegay, - Shayna laga waaye.
Wax la yidhi waxaan weel camiray, - La isma waydiine.
Wax la yidhi khasnadahan wadacay, - Waarna lama hayne.
Wax la yidhi wadiiqo ay martaa, - Weli ka baadhaane.
Wax la yidhi waxaad baafisaan, - Jiidha waaberiye.
Wadeecadu ma joogteen, - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Wax la yidhi dadweynihii wacnaa, - Wegen-ba meel aadye.
Wax la yidhi wuxuu kala wadhnaa, - Tanb iyo waaheene.
Wax la yidhi iswaydaarayoo, - Waalif baa helaye.
Wadeecadu ma gaadheen, - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Maxaanse kaga walaacaa, - If-baan cidi ku waarrayne.


Wax la yidhi wufuuddii baxdaa, - Wiin ma dhaliyaane.
Wax la yidhi wajaaliyo, - Berberi warrab ma waayaane.
Wax la yidhi derbiggan lawga dhigay, - Mariye waaraade.
Waxa geela laga weedhayaa, - Waraqa ceel-gaale.
Wadeecadu ma gaadheen, - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Maxaanse kaga walaacaa, - If-baan cidi ku waarrayne.


Wax la yidhi wargeysyadan fasaxay, - Waa la waajahaye.
Wax la yidhi waxay soo qoraan, - Waa la hubiyaaye.
Wax la yidhi waxay daabacaan, - Waa wakaalado’e.
Wadeecadu ma gaadheen, - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Maxaanse kaga walaacaa, - If-baan cidi ku waarrayne.


Wadaad Yuusuf iyo aniga iyo, - Unug wasiiriina.
Iyo koox wadaniyiin ah, - Oo wada jiboonaysa.
Meeshaanu wagarow fadhino, - Wadarta aan sheegay.
Inkastoon iswada waafaqnoo, - Uu Waadho imanaayo.
Ina Yuusuf waa kaa qabsaday, - Walacdi Caymeede.
Wadeecadu ma joogteen,  - Hadaan wiiqyada u dhigo’e.
Maxaanse kaga walaacaa, - If-baan cidi ku waarrayne.


Wasaarado hadii loo cayimay, - Wiilkii ina Xaashi.
Wershadihii hadii loogu daray,  - Waafina u raacay.
Waatuu wax badan qaylo iyo, - Wiida hayn jiraye.
Wax ha biirsho waatuu inbadan,  -Cadho la weeraaye.
Ma waabane Saleebaan,  - Haduu UDUB ku soo weecday.
Oo uu wadaamaha ku shubay,  - Woorna ka ilaashey.
Oo uu waxyeelada ka jiray, - Waa sidaan rabaye.
Wanaagse uma gelaynine rag buu, - Jarayey waaxyaha’e.
Weligii ninkuu daba-galaa, - Waalli ku asqowye.
Waasii Siilaanyihii tartamay, - Waana haajiraye.
Waa kaa wareeggii ku tegay, - Waadigii Yurube.
Wan-ballii inuu sii socdana, - Helay warkiisiiye.
Maxaanse kaga walaacaa, - If-baan cidi ku waarrayne.


Waxa Cawl la wiitaynayaa, - Amase weeteeyey
Ama uu la wiirtaabayaa, - Tan iyo weerartaa.
Ama uu la waydaahayaa, - Waa weji la’aane.
Waaguu ahaa maayar buu, - Diiday waanada’e.
Cidee baa wax laga saarayaa, - Waabban faajacaye.
War-wareegayeey maan jeclayn, - Wararka qaarkoode.
Waqtigii yimaadaba, - Ilaah waaxidaa qoraye.
Wadankii dhamaa ciidankii, - Cadow ka weeraayey.
Waayeel haduu samed ka yahay, - Waa allow sahale.
Waynow rabbow noo gargaar, - Waarayaad tahaye.
Wax dhaaxaan idiin digay, - Hadaad waano maqashaane.
Waataan lahaa Jaamac-yare  - Waa wedkiin dhab ahe.
Isagiyo waraabaha ciyaa,  - Wax isma dhaamaane.
Waqluhuu dhulkiisiyo la dhacay, - Wadanihiisiiye.
Walla-weyn ma raaceen,  - Intuu weerar soo galo’e.
Ma walaaqay goortaan ka tegay, - Wuu ku ciil-qabaye.
Waqalkii hilaacaba, - Naflaha lagu waraabshaaye.
Gu’ la waayey jiilaal wajaqay, - Waramo lays ruubay.
Weji gabax isdhaafiyo, - Colaad laga wiyiigaayo.
Waaberiga iyo subaxa, - oo weerar kugu daacay.
Waxa xaajo kaa waabbin kara, - Waayo-aragyaale.
Wax-ba yaanu ii walalaclayn,  - Walax ma doojaane.
Wac-waclaynta reer calan-cas, - Waa wagagac-doodiiye.
Anuun bay warmaha ii siteen, - Sida waraabaha’e .
Inuu Daahir waaberi la fuqay, - Wegere lay sheegye.
Maxaan kaga walaacaa,  -If-baan cidi ku waarrayne.

Rayaalena waxyaalahan ku idhi, - Kama wayiigayne.
Waxa sida wanaag badan u dhigay,- Weriyayaashiiye.
Dastuurkay ku wada qeexan tahay, - Waadaxa ahaaye.
Waxba kama xumaynine, - Rag baa way-raxays rabaye.
Wanbarkaan fadhiyey iyo, - Kursiga waaxidku u dhiibye.
Waa weedh diciifnimo inaad, - Xumo ku waabtaane.
La wadoo waxyeelada ka jira, - Webisku waa ceebe.
Hadii kalena wiiwaada gura, - Waad u qallantaane.
Sidii geel wal-waal lagu shuboo, - Wabax taraaraaya.
Ama waylo caatoobay iyo, - Waxaro yaacaaya.
Wasiirada la soo ururiyaa, - Lagu war-haybshaaye.
Tayo wayday Somaliland, - Wadar ahaanteede.
Maxaanse kaga walaacaa, - If-baan cidi ku waarrayne.


Ninkii waran-caddee aad ogeyd - Waa wakinayaaye,
Wajaqyoo cidluu taagan yahay - Waqalka dayreede,
Wasiir maaha waashmaana - Waa lagala weecdaaye,
Garanwaayay waxa uu yahoo - Wacdarihiisu badanaa adduun Waan la faajacaye

Maxaanse kaga walaacaa,  - If-baan cidi ku waarrayne.

Waxba gabaygu yuu ila durkine,  Waxan ku soo waabshey

Dhamaantiin ducaan soo wadacay, - Waana la hubaaye. –

Werdigaan u soo wada rogaa, - Warasadaydiiye.

Goortuu wedkii I cuskadee, - La I warjaafaayey.

Iyo waaggan aan taaganahay, - Kala wadaag roone.

Nin waliba wuxuu tuhunsanaa, - Inay waxyaalaane.

Hadaan wiliqsigii la isku layn, - Waaba laddantiine.

La wadoo waxyeelada ka jira, - Weydna ka ilaasha.

Oo weliba meel wacan la dhiga,- Waan idiin digaye. -

   

Haatuf - Radyow ma qaloocshe

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE