Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Raxan libaaxyo ah oo gabadh Itoobiyaan ah ka badbaadiyey guur khasab ah
 
lion_family
lion
 
SDWO (Hargeisa) Gabar yar oo u dhalatay waddanka Itoobiya isla markaasna ay da’deedu thay  12 sano taas oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay muddo ka badan toddobaad ayaa waxaa la ogaadey in ay afduubteen rag doonayey in ay khasab ku guursadaan.

Gabadhan yar ayaa lagu soo warramayaa in ay raggaasi u geysteen jir dil, waxana iyaga oo ku haysta duurka ka badbaadiyey saddex libaax, oo baacsaday raggaas.

Waxana warku uu intaas ku daraya in ay raggaasi oo ay tiradoodi dhammayd toddoba nin ay cagaha wax ka dayeen markii ay arkeen kooxda libaaxyada ah.

Nin ka tirsan booliiska xarunta gobolka Bita Genet oo 350 mayl dhinaca koonfur galbeed kaga began caasimadda Addis Ababa ayaa shaaciyey sheekadan maalinimadii Salaasadii.

Gabadhan ayaa booliisku heleen iyada oo ay dhinacyada ka waardiyeynayaan, saddex libaax, sida uu xaqiijiyey sarkaalka lagu magacaabo Wondimu oo ka tirsan booliiska deegaankaas.

Sarkaalku waxaa uu intaas ku daray in libaaxyadani ay gabadhaas ilaalinayeen muddo gelin ah, ilaa ay ka heleen, markii libaaxyadu ay gabadha ku wareejiyeen booliiskiina ay duurkoodii dib ugu noqdeen.

Mr. Wondimu waxaa uu sheegay in haddii gabadhaas aanay libaaxyadu badbaadiyeen ay la kulmi lahayd kufsi iyo garaacid xun isla markaasna lagu khasbi lahaa guur aanay raalli ka ahayn.

Arrintan ayaa lagu timaamay mid mucjiso ah waayo inta badan libaaxyada ayaa looga bartay in ay dadka weerar ku qaadaan.

Nin ku xeel dheer arrimaha duur joogta kana tirsan wasaaradda horumarinta reer miyiga ee waddanka Itoobiyaa ayaa waxaa uu sheegay in gabadhan mar kasta ay libaaxyadu badbaadin lahaayeen iyada oo ay ugu wacan tahay, qaylada gabadha oo u ekayd midda libaaxyada yaryar oo kale taasina waa sababta ay libaaxyadu u cuni waayeen inantaas yar.

Waddanka Itoobiya ayaa libaaxyada si weyn looga qaddariyaa iyada oo lagu tilmaami karo calaamadda qaranka ee dalkaas, inkasta oo sannadahan dambe si xun loo ugaarsado si loogala baxo haragga oo jooga qiime dhan 1,000 doolar halkii haragba

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter - Hargeisa

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE