Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

BOGGA MAANSOOYINKA

Fiidmeereey waa aroor! 

Maansadan oo ah maanso dheer kana kooban 186 meeris waxa tiriyay Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi "Xasan-Ganey", waxayna soo baxday sanadkii 1980kii, markaas oo ahayd markii ugu horeysay ee uu xukunkii

qabyaaladeystaha ahaa ee keli-talisku yidhi: " Waan laba kacleeyay."  Hadaba intaanan maansada bilaabin, waxa habboon inaan soo bandhigo sharax

iyo macne kooban oo uu Abwaanku ka bixiyay kalmadda  "fiidmeereey waa aroor" Kaas oo ku bilaabmaya sidan: 

(Wakhtigaas kor ku xusan ee uu xukunkaasi yidhi : “ Waan laba kacleeyay” wuxuu xukunkaasi mootannaa muddo sagaal sanadood ama toban sanadood ah oo uu sidii meydkii Qaabiil uun tunka ku sitay isagoo markaa u arkaayay in wax laga xumeeyay dad badanna u laynaayay , qaar badanna u xidhay.

Xukunkaas mudada dheer mootanna ayuu  kolna fooxiso ula tagayay,kolna faaliye ula tagayay, kolna ula tagaayay mid falal-low ah!  meydkana cidi qardhaas uma dhigato.  Sidaas darteed wuxuu la mid ahaa maalinta qiyaamaha nin odhan doona:  "Imikaan toobad keenayaa, oo waan soomaayaa waanan tukannayaa!"

Markaa kalmadda fFiidmeereey waa aroor “ la yidhaa macneheedu waxa weeyi: maanta toobad lagaa aqbalayo iyo wax kuusoo noolaanaya midna ma jiro. ) 

Maansadu waxay ku bilaabantay sidatan: 

Marbuu foolxumo ka koray.

Allaha faxanbaa asturay

Sadana muu fahamsanayn.

Firuu duubkii la tegay.

Fas dahabuu dhigay khamaar.

Farsamo aan aadmi tubin.

Fahdii baa lagaga helay.

 

Fursadda walqasheediyo.

Fiduhu may kala dambeyn.

Halkaa lagu faataxee.

Markuu faashluhu khaldamay.

Inuu fidhmay muu ogaan.

Ninkii finjiriir ma kicin.

Fuulfuul waa caadadii

Halkiibuu fooraraa.

Raqdii buu fadhanayaa.

Firaaqana wuxuu u helay.

Ammaan uu faalalsaday.

 

…………………..

Qabiilkuu faafiyaa.

Fadqaladuu daajiyaa.

Naxliga faxalbuu ku yahay.

Macsina wuu wada fatahay.

Faquuqbaa lala tashaday.

Finkaa baanaa la yidhi.

Fiixdaa saarbaa la yidhi.

Fidmada daa baa la yidhi

fadhoocigu diid garta ee.

Bartii fiintuu ka riday

 

Xaquu faraciisa jaray.

Fankii qarankuu lunsaday.

Dhaqaalihii baa fakhriyay.

Dulmaa food isla galay.

La,aanbaa timi firkada.

Dadkoo gaajo u findigay.

Halkaa faqash wuxuu ka yidhi.

Faa’iidaan taaganahay.

 

Walwaal faantuu wadaa.

Fud weynbuu riixayaa.

Buur dheerbuu fananayaa.

Gadaal ula faagashada

Cabbaar wuu firix dhabtee

Fig baastaa durugsanayd.

Halkaa faqash waxa kaga dhacay

Wixii faraqa ugu jiray

 

Markuu faashluhu khaldamo

Ibleyskuna fidhiqtankiyo

Falaadkiyo gubashadiyo

Fajaasada wuu yaqaan.

Fuluhu boogtiisii arag

Dambiga meel kale ku fiiq.

Fadhigii wuxuu yidhi ka kacay

 

Hayeeshee faaraxaw.

Falaadhu gilgilashadii.

Fircoon may kaga gu’inee.

Foocaarbaa soo shalwaday.

Fooruhu wuxuu sidayba keen

Fagaarana way ahayd

Finigina wey jirtaa.

 

Faqbaa hoos loogu yidhi

Fiintaa roob kaa taqaan.

Hortaabay foodhyi lahayd.

Fidhada caalwaagu wado.

Miyaa lagu faanayaa.

Fadkee lagu guulayaa

Filkii mo’og waalanaa.

Miyuu fooldhaqan yaqaan.

 

Faqbaa hoos loogu yidhi.

Fuqii been sheegaayay.

Faruuryuhu balaqsan yihiin.

 

Faqbaa hoos loogu yidhi.

Riduu orgi foofiyuu.

Fuuleed ugu yidhi hadhkii.

Anaa kagu filanee daaq.

Baqana fiidkii lahaa.

Halkeen kuula firdhadaa.

Faciisii hebel miyaa ?!

 

Magaankuu fuushanaa.

Inuu fagal gaabis yahay.

Markuu fiirsaday gondaha.

Dabayl fowfow lehiyo.

Maxaa falanfooli timi.

Fur iyo boorbaa ku go’an.

 

Faqbaa hoos loogu yidhi

Maxaa ceeb feedhatoo.

Timaha sino loogu furay.

Shinkeeda u foolatayee.

Fadeexad ninkii kufsaday.

Maruun filanwaa ku yimi.

Fadaro uurkii ku nacay.

 

Fajaciisaa lala irmacayaa.

Fuushadu inay duli lahayd.

Haddaan laga sii fekerin.

Fufkuna caal barar layimi.

Farakha Aabbaa dhalayee.

Maxaa loo fiigayaa.

Fiidmeereey waa aroor.

 

Maxaa boog fadhida neceb.

Gacmaa lagu fiiqayaa.

Fiidmeereey waa aroor

 

Maxay habar fooxisiyo

Faal been kuu sheegayaan.

Fiidmeereey waa aroor.

 

Maxaa fiqi saahidiyo.

Intii faral iyo sunneba.

Sujuud ugu foorartaa.

Ilaahbaa ferej baxshee

Baryada samada u furan.

Maqbuullada laga fasaxo.

Far iyo suul lagugu qaad.

Habaar kuusoo faraa.

Fiidmeereey waa aroor.

 

Maxaa foojiganayaal.

Guushooda u fooganiyo.

Bulshada faydane ku jira.

Muxuu foogada bannaan.

Fidaa’igu eegayaa.

Sidii loo fulin lahaaba.

Maxay falanqaynayaan.

Fiidmeereey waa aroor.

 

Maxaa hanad fiicaniyo.

Farshaxan suugaan tirshiyo.

Fashiistooy Aabbahaa.

Waagii fool saa la yidhi.

Gumaystihii wada firxaday.

Wixii ferenji iska tagay.

Kolay Faransiis ku tahay.

Haweenkii ficiltamee.

Kurtood fayga u jariyo.

Farriidkuna taahayaan.

 

Shantaa dheh fadhiisinkii.

Markuu fasalku is bedellay.

Faqii waa laga koree.

Ka fool waxa loogu yidhi.

Ninkii fiitada lahaa.

Adduunyadu filin ahaa.

Ninkay farxadda u listee.

Markuu dhamo falanfalxada.

Ayaamo faxaaxsadaa.

Inuu fajac iyo dhibiyo.

Xumaan ka finaaqi karo.

Ma fahamsane waa ma jire.

 

Ka fool waxa loogu yidhi.

felegga kugu yuururiyo.

Waqtigu kugu faadhumee.

Waayuhu kugu fidi lugaha.

Waxaadan fileynin iyo.

Falaadhiba waa naxdinee.

Taladu way foolxun tehee.

Miyaan fidhi kugu go’nayn.

 

Ka fool waxa loogu yidhi .

Hadday foojigo wax tari.

Sowtii Faacuul la dilay!

 

Sidii Faraw iyo ugaadh.

Raggii fadalkaaga guray.

Faagaray kugu qabteen.

Faalgureyana wey sitaan.

Bankuna food saaro ma leh.

Furuqa oofaha degiyo.

Fantana adigaa qarsaday.

Muxuu foodhyaamayaa.

Fogaa meel laga qufacay.

Faraa kaa yaal jannada.

Ninkii Faqatiir ahaa .

Furaashkiisii ku olol.

 

Waakaa doobbigii fatahay.

Dukhsaa fuud kulul ku dhacay.

Dhamaan ficiliyo dhacdana.

Kolay tahay firi hadhuudh.

Findhicil qudhi kama maqnee.

Faafreebkaygu jiraa.

 

Maxkamaddii waa la furay.

Fircoonbay saarayaan.

Fayl weynbay daba sitaan.

Ciyaal way foodhyayaan.

Wadani wuu faraxsan yahay.

Dadkuu wada feentayee .

Dhiiggiisii fuuqdasiyo.

Fiqiirkuna waa mudici.

Falag-guna marag u noqoy.

Fuulfuul waxay leeyihiin.

Faduul iyo waa Berbera.

Faduushii geysay waayee.

Naftaada adaa falayee.

Sideed u furdaamin kari.

Maxaa Faqash helay wacdaro.

----------Dhamaad---------- 

W.T. Abwaanka Xasan Xaaji Cabdillaahi " Xasan-Ganey" 

W.Q. Axmed Iid Aadan.

ahmediid@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE