BAAFIN - LA XIDHIIDHA XASUUQII JAZIIRA EE 1989 kii
SDWO sida aad la wada socoteenba waxa uu dhowaan waraysiyo dheer oo ku saabsan xasuuqii jaziira la yeeshay Gaashaanle Sare Canjeex oo lagu eedeeyo inuu ka danbeeyay Xasuuqaas, Canjeexna sida aad waraysigaas ku aragteen wuxuu ku adkaystay inaanu waxba ka ogeyn xasuuqaasi.
|
SDWO: Qaybtii Labaad ee waraysigii aan la yeelanay Gaashaanle Sare Canjeex isagoo jooga dalka Syria
Magacyadii dadkii lagu xasuuqay Jaziira iyo sawiro, Alla hu naxariisto dhmaantoodba
|
Waxa jirtay dhawr nin oo uu ku magacaabay waraysiyadiisii oo uu sheegay in ay ogayeen in aanu isagu wax shaqo ah ku lahayn arintaas ka dhacday Jaziira sanadkii 1989 kii. Hadaba Akhristayaal waxaan idinka codsanaynaa hadii wax email ah oo lagala xidhiidhi karo aad heshaan nimankaas hoos ku xusan ee uu canjeex magacaabay inaad nala soo socodsiisaan, bal si aan arinta daba gal dheer uga sii samayno.
Hadii aad garanaso meel lagala xidhiidhi karo sida Maxamed Cabdilaahi Buraale(ina wilad) oo wakhtigaas ahaa Taliyah Hawlgalinta Guutada ee Guutada Labaad ee Taangiyada, sida uu canjeex sheegay markii udanbaysay ninkaasi wuxuu ka tirsanaa ciidamada Somaliland iyo Sadex Xadhiglle Maxamuud Afrax shunuunac oo Canjeex sheegay inuu ku sugan yahay Xamar iyo Gaashaanle Sare Cabdi Hire Guhaad oo markaas joogay halkuu armarku ka soo baxay habeenkaas xasuuqu dhacay siduu Canjeex ku sheegay waraysigiisii qaybtii hore imikana jooga dalka Maraykanka (Minisoto)
Wiilkii habeenkaas ka badbaaday isaguna waxuu ku suganyahay dalka kuwiat, markaa hadii aad emailkiisa heshaan fadlan noo soo dira idinkoo mahadsan.
Email: Sdwouk@yahoo.com