18 May iyo Xoriyada Muwaadinka
Waxa qorey: Faisal M. Aideed Dhahran - SA
18 May, 1990 Waxa ay ahayd maalin aad u qurux badan oo dadku aad u faraxsanyahiin. Waxa ay SNMtii isugu yeedhay oo isugu yimid magaalada Burco madash shirku ka socday Dad ka badan sagaal boqol oo qof (900) dadkaas oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal, Garaado, Abwaanno, Aqoonyahano, Mujaahidiin iyo Muwaadiniin kaloo badan oo ka kala yimid dhamaan gobalada soomaaliland oo idil iyo dalka dibaddiisa ba.
Waxa iyana madasha ku xeernaa dadwayne kaloo badan oo sugaayay go’aanka ka so bixi doonna madasha. Magaalada waxa ka buuxay baabuurtii iyo tikinikadii mujaahidiinta oo siigadii saarantay qorigiinna aan walli laga rogin waxa ay ilaalinayeen aminga magaalada iyo madasha shirku ka socdo, waxaana u xilsaaraa aminga guud ee magaalada iyo Madasha ba Mujaahid Mohamed Kaahin. Waxa iyana joogay fanaaniintii halganka oo madadaallo iyo heeso ku soo dhaweeyay shirka, waxa ka mid ahaa fanaaniintaa Sahra Halgan oo halkaa ku heestay gabay uu gaariye sameeyay (Baga Baga Shilkaan Dhigay Baga dhoomahaan Riday Nimaan Dhiishu soli jirin Bagaan dhiil yar ugu shubay) waxa iyaana ruwaayad aad u qurux badan ka sameeyay fannaaniin reer boorama ah oo ay hogaaminaysay fanaanadii caamka ahayd Aamina Abdilaahi.. SNMtii iyo Martidii ga soo qaybgashay shirkaa waxa ay qaraar isla gaadheen marka laga bilaabo 18 may 1991 in ay Somaliland ahaato dawlad madax banana oo xor ah oo calan gaar ah leh. 18 May, waa maallin aad u qiimu badan waa maallintii masiirka umada qaraarka laga gaadhay, waa maalintaynu xoriyadii aynu waynay dagaalka ku keenay, waa maalintaynu calkaynu tuuray dhiiga ku soo ceshanay, waa maalintaynu ka maydhanay darxumadii Afwayne iyo dawladiisii, Waa malin wayn oo taariikhda dalka wadnaha kaga taalah. Waa maalin mudan in laxuso waa malin mudan inloo dabaaldago, Waa maalin mudan in dawladu u samayso xaflad wayn oo lagu qallo geel iyo adhi. Waa maalin mudan in mujaaahidiintii guushan keentay inta ka nool loo mahad cesho, intii dhimatayna loo duceeyo agoontay ka tageen iyo haweenkoodii la qadariyo, Hadaba xoriyadu maaha oo kaliya dawlad lagu dhawaaqo, madaxwayne la doorto iyo calan meel dheer lasaaro mana aha taasi oo kaliyi tii umadan somaliland u soo halgantay ee ay maalintaa isugu yimaadeen Burco. Faqashtiiba dawlad bay ahayd madaxwayne iyo calanna way lahayd.
Xoriyadu waxa ay xaq siinaysaa muwaadinku in uu waxa diidi karo, waxa doorankaro, mudaharaadi karo, hadli karo, waxa uu doonno qori karo, Nasiib daro manta Somaliland iyo tan iyo intii Riyaale Madaxda Noqday waxa luntay xoriyadii oo dhan iyo Dimuqraadiyadii loo soo dagaalamay. Muwaadinku manta haduu mudaharaado waa la xidhayaa hadaan laba toogan. 18 May oo shalay ahayd waxa mudaharaad u soo baxay muwaadiniin u badan dhalinyaro oo ka mudaharaadaaya maamul xumada iyo musuqmaasaqa aan xadka lahayn ee ay dawladu ku shaqaynayso. Nasiib daro waxa loogu jawaabay rassaas lagu dhaawayac qaarkood waxaana lagaga dabo tagay guryahoodii oo laga soo qabqabtay. Waxa layaable waxa lagu xukumay maxakamad degdega ah oo aan meela kaga oolin sharaciga Somaliland. 140 Inan ayaa lasoo qabqabtay Inamadii qaarna sanad ayaa laxukumay qaaran lix bilood jeelkii madheera ee ay faqashtu wax ku ciqaabijirtayna waa loo taxaabay. Taa macnaheedu waa car juuqdheh taa macnaheedu waa nidaamkii faqash oo aan biyo is marin. Waa arin aad u foolxun oo khatar badan keeni kar, waana arinkayno Faqashba ku diidnay. Dawlada waxa aan ka codsanayaa in ay xoriyadooda u sii dayso dhammaan dhalinaradaa ay xidh xidhay xaalna ay ka bixiso falkaa ay ku kacday. Waxaanan ugu digayaa in ay isaga fiirsataa talaabooyinka noocaasa ee khatarta ku keenaaya jirtaankeeda iyo nabadgalyada guud ee dalka.
ILLAAHII JOOGAY BAA JIRA
Faisal M. Aideed Dhahran - SA
aideedfm@hotmail.com