DABARGOOYNTII REER SOMALILAND(xiligii AF-WEYNE) IYO dadka MANAAMAYA(riyoonaya) ee maamulaya reer somaliland(nasiib daro)
Waxa qorey: Cali Cumar Xasan - Holland
Dadka reer somaliland oo ah dad ku sifooba,dal jacayl, dagaalyahannimo,deeqsinimo dheeraad ah,furfuraan,hawl karnimo,daacadnimo,garasho iyo bislaansho(maaraynta nolol maalmeedka iyo waayaha la joogo)dulqaad badan,gumaysi iyo gun-nimo diidis,gobnimo waafi ah,oo marka dhan kasto laga eego ah dad aad iyo aad u qiimo iyo qaayo badan,ayaa inta badan hadana waxa ay ku hoodo daran yihiin in ay helaan in maamul wanaagsani uu hormood u noqdo.
dadka reer somaliland oo ah dad marka ay wax tar iyo quudhis noqoto iyo marka ay dirir iyo gunnimo diidis noqoto,iyo marka ay wax qabad iyo hor-u-marin noqoto,iyo marka ay garsho iyo garawshiyo noqoto iyo marka ay wax walba noqoto qaar iyagu had iyo jeer ah kuwo aan cidi ka horayn,ayaa hadana aad moodaa in dadkii dhamaystirayay hawsha marka ay arintu taagan tahay in wax si noqdaan.waxa dadka reer somaliland soo mareen maalmo aad iyo aad u adag oo ay kaga soo baxeen adadaygooda,garashadooda,isku kalsoonidooda iyo awoodooda,dadka reer somaliland waxa ay muteen cadaab oo ay raganimo iyo geesinimo kaga soo baxeen.dadka reer somaliland waxa ay diideen inay marnaba iyo cidnaba MADAXA KA FOORARIYAAN,iyaga oo taa ka doortay geeri iyo dhimasho sharaf leh(gun-nimo geeraa dhaanta).dadka reer somaliland uguma habradaan kagamana baqaan cidnaba oo awood iyo xoog is bida,ee dadka reer somaliland(nin kasta oo is waalaba iyagaa waabiya)dadka reer somaliland CASHAR AYAY U DHIGAAN QADHAADH cid kasta oo is mahadisa.dadka reer somaliland waxa ay ku caan yihiin JAARNIMO FIICAN,MARTI GASHIIN GOBEED,MAGAN BIXIN,IYO INTII AMAAN UUN DAD LEEYAHAY.DADKA REER SOMALILAND MAAHA DAD lagu san-dulayn karaan wax aanay dadka reer somaliland doonayn,dadka reer somaliland waa dad guda abaalka loo galo,waa dad badiyaa gala abaal.si kastaba u eegoo dadka reer somaliland maaha dad la saluugi karo.waxa ay reer somaliland marka waxii hore ee ay soo mareen ee ay sida geesinimada iyo garsho wanaaga leh kaga soo gudbeen laga yimaado,ay samaysteen dawlad ku dhisan doorasho iyo cod qaadis,waxa kale oo abuurmay xisbiyo iyaguna ah mucaarid(kulmiye iyo ucud).waxa hadaba ay ahayd in loo qalab qaato sidii loo dhiso dalka ee looga horumarin lahaa dhan kasta loogana soo kaban lahaa xasuuqii iyo dabargooyntii iyo naafayntii iyo baabiintii iyo burburintii(dhan kastaba ahayd).ee uu dadka reer somaliland ka dhaxlay SOMALIWAYNTII(1969-1991).cawo daro waxa u ah dadka reer somaliland in dadkii xilka ay u dhiibteen ee ay ka sugayeen inay dadka iyo dalka ku hagaan horumar iyo ka raysasho dhibtii la soo maray,aanay ahayn si kastaba ha noqotee DAD sameeyay wax hor-u-mar ah oo muuqda oo la taaban karayo.waxa nasiib daro u ah dadka reer somaliland in xisbiyadii siyaasiga ahaa(mucaarid iyo muxaafidba)ay gabeen shaqadii laga sugayay inay u qabtaan dadka iyo dalka,oo sidii HABLO YAR YAR OO DHOORAY ah ku xintamayaan wax aan dan u ahayb dadka iyo dalka.waxa nasiib daro u ah in XISBIYADII SIYAASIGA AHAA,aanay xataa CADAWGA RUNTA AH ee somaliland SI U WADA ARKAYN OO AAD MOODABA inay iyagau iskaga daran yihiin cadawgii RUNTA AHAA EE DALKA IYO DADKA,oo isaguna isku dayaya in intii hore ee uu u gaystay SOMALILAND iyo in ka badan oo ah inuu baabiiyo JIRITAANKEENA uu doonaya in uu u gaysto.waxa dadka reer somaliland u nasiib daro ah in la ilowsiinayo DABARGOOYNTII SHALAY LAGU HAYAY oo cadwgoodii shalay dabar gooyay,maanta laga dhigayo wax la ilaawi karo ama laga heshiin karo ama ta ugu daran la rabo in iyaga cadaawad cusub loo abuuro si ay u ilaawaan GUBISTII DADKOODA IYO GOOGOOYNTII DADKOODA IYO DABARGOOYNTII DADKOODA.oo ay iyagu is dabar gooyaan(halkaas oo uu ku fakanayo cadawgii ay lahaayeen waayo?cadaw cusub ayaa abuurmay).waxa u nasiib daro ah dadka reer somaliland in DAD TIRO YAR OO DAACAD U AH DALKOODA IYO DADKOODA oo raba inay wax u qabtaan marka ay soo baxaan in dadkaa la baabiinayo,oo dadkii wanaagsanaa laga dhigayo dad xun.tii oo xaqiiqadu ay tahay mid taas ka duwan.waxa u nasiib daro u ah dadka reer somaliland in dadkii wax u qabanaya dalku ay ku macaluulayaan halka KUWA DALKA BAABIINAYAAN ay TUMASHO IYO RAAXAYSI ku jiraan.waxa nasiib daro u ah dadka reer somaliland inaanay GARANAYN meesha lagu wado iyo waxa ay mudan doonaan.waxa nasiib daro u ah dadka reer somaliland in saaxiibadoodii wax u qaban lahaa waxna wada qabsan lahaayeen lala colaysiinayo si aanay u helin hiil marka ay u baahdaan.oo cadawgoodii runta ahaa loo maqaar saarayo.waxa nasiib daro u ah dadka reer somaliland inay DAD MANAAMAYA(RIYO)dad moodayaan oo ay talo ka sugayaan.waxa aan ku joojinayaa.somaliland CEELNA UMA QODNA CIIDAN-NA UMA MAQNA...NB.hala dabaal dego 18 may(maalinteenii aan nacabka dilay)oo hala wayneeyo.NB.la soco xaaladaaha isa soo taraya ee ka soo baxaya KIINIYA.SOMALILAND HA JIRTO OO HA JOOGTO ayaan leeyahay.cali cumar xasanamstelveen(holland)