Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Calanka Somaliland kumuu Iman Dheeldheel

Mulac se Qabashadii wiil yar waw qab iyo dheeldheele isagana qasray ku tahay qoomamiyo hooge

Waxa qorey: Faisal M. Aideed -  Dhahran

Mujaahid Eng. Mohamed Hashi Ilaahay Cimrigiise ha dheereeyee waxa uu umada u sheegay in ay lunsantahay lacag dhan Lix iyo Toban Millan oo dollar maraykanka ah (16,000,000 US$) kana maqantahay miisaaniyada ay dhawaan ansixiyeen gola ha wasaaradu. Arinkaas waxa uu maxamed ku noqday qoomamiyo haab, Madaxwaynahana qab iyo dheeldheel. Markii uu Maxamed is yidhi wax ka tilmaam qaladaadka ku jira miisaaniyad iyo lacagta maqanna waxa laga qaaday xilkii uu umada u hayay. Shacabka Soomaliland waxa uu ku soo jiray mudo dheer dil, dhac, boob, iyo dhebaatooyin badan oo kala duwan oo uu u gaysanjiray Xukunkii dheegyacabka ahaa ee kalidii taliyii Ina Siyad Bare (Afwayne). Dhamaan shacaka soomaaliland marka laga reebo in yar oo faro ku tiris ah oo afwayne aminsaneed mooyaane waxa ay goosteen in umadda laga xoreeyo Afwayene iyo xukunkiisii dheegyacabka ahaa. Halgankaasi waxa uu umada kalifay bara bax, burbur dhaqaalle, baaba taclimeed, iyo Boqol Kun oo naafo iyo dhimasho ah. Wuxuuse u soo hooyay guul, xoriyad, iyo gobonimo inta nooli ku rayso oo aan mardabe farahooda ka baxayn. Waxaanay iswada yidhaahdeen maantaydun ka nasanaysaan wixii idin soo mary.

Hadaba Calankan maanta aynu hadhsanaynaa Dahir Riyaalow iyo Ahmed Yassinow ku muu iman doorashadii dalka ka dhacday kumanuu iman dheeldheel iyo xoollo la lunsado (Hadba Geed Ismarisbaa u hadh guul rag leeyay) ee wuxuu ku yimid dhiigii geesiyaasha dhintay iyo dhiidhigii kuwa nool ee uu ugu horeeyo Mujahid Moh’d. Hashi. Si kastab ha udhacdee dalkan waa la iidiin dooratay waa la idiin dhaarayay waa la idiinku aaminay. Hadaba Riyaalow iyo Yaasinnow ma waxuu shacabka Soomalilaand idiinka sugaayay mise waxa aad yeesheen misa waxa haatan idinla gudboon. Waxa uu idiin ka sugaayay, In aydun u dhoortaan Hantidooda oo aydaan lunsan, in aydun u hawl gashaan daryeelka agoonta oo ka maydhaan wixii soo maray, In aydun Dumarka laga dhintay dhawrtaan, in aydun naafada daayac tirtaan, in aydun Masaakiinta waxa ugu qabataan wixii dalka ka soo baxa oo uu tilmaamay Mujaahid Mohamed Hashi in lacag badani dalka ka soo baxdo. Waxa ay idinka sugayeen in aydun Dhakhtarada u dhistaan, waxa ay idiin ka sugayeen in aydun iskuulada u hagaajisaan, waxa ay idinka sugayeen in aydun xoollaha la dhaqdaan, waxa ay idiinka fadhiyeen in aydun shaqooyin u abuurtaan, waxa ay idiinka sugayeen in aydun hantidooda dhawrtaan, Waxaanan hubaa in Lix iyo Toban Millan oo doollar oo ah in ta manta la og yahay ee luntay ay intaas oo dhan wax ka qaban lahayd haddii ILAAHAN laga baqanaayo oo xoolaha agoonta la iska dhawraayo. 

Waxaad se yeesheen, waxa aydun ku mashquusheen danihiina gaarka ah iyo dibad la wareego, Waxa aan maqlay in Riyaallow aad ka mushahaaro badantahay Madaxwaynah Maraykanka, wasiiradaada wasiirwaliba waxa uu wataa baabuur wayn oo landcruiser wasiir walba waxa uu ka dhistay aqal uu leeyahay, wasiir walba waxa uu qaataa mushahaarro furan. Waxa lunsateen hantidii umada, Waxa xallaashateen xoolihii Agoonta, waxa iska dhaafteen naafadii, waxa albaabada ka soo xidhateen dumarkii laga dhintay, waxba kamaydaan qaban dhakhaatiirtii, iskuuladii waa sidoodii, wadooyinku waa sidoodii ama ka sii daran. Waxa umada galiseen xaalad deg deg ah sidii dawladii afwayne. Ninkii kula hadla waad xidhaa sidii Boqorkii Boor Madaw ama qoraagii Jamhuuriyo ee Barbara ama Gudoomiyihii Kulmiye ee Boorama aad u xidheen iyo qaar kaloo badan. Wasaarada ninkii qaladkiina sheega waad eridaan, sida Mujaahid Maxamed Haashi. Shacabka soomaliland idiinkamay fadhiyin sidaa, oo idiinkumay dooran sidaas. Waxaase manta idin la gudboon in aydun Lix iyo Tobanka Milyan ee dollar ee miisaaniyada ka maqan ku soo biirisaan, in aydun xisaab xidh u samaysaan miisaaniyadii hore intaan ta cusub barlamaanka la horkeenin, inaad soo koobtaan wasaaradiina, in aydun mushahaaradiina iyo tan wasaaradiinaba dhentaan oo xad u samaysaan, meesaaniyadiina ku dartaan caafimaadka dalka oo ku hagaajisaan dhakhaatiirta iyo iskuuladaba, in aydun wax ka qabataan biyo yaraanta dalka ka taagan, in aydun agoonta iyo naafada diwaan galisaan oo waxa uqoondaysaan. Waxa idinla gudboon in aydun intaa waxuun ka qabataan hadaydaan wada qaban karayn. Waxa idin la gudboon in aydun dhaartaa umada u gasheen ku xisaabtantaan sida Mujaahid Mohamed Hashi. 

Wa Bilaahi Tawfiiq. Faisal M. Aideed Dhahran SA

aideedfm@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE