Ma fogeyn
I.Gadiidoow kolkaad tidhi hadaan sidaan ka baqayaa dhacdo oo beeneey
waa run noqoto bulshadeydu maxey yeeli? Waagii beryaaba waayo leh, dharaaro
adag oo dhiillo badan watey, xilli colaadeed oo rogmad dad iyo duunyaba lahaa,
xaalad qalafsan oo qeylo iyo baroorba laga qatoobey, ka doogid iyo dib u
yabyabid mudo badan qaadatey iyo war la’aanta ninkan bulshadu shaqaalaha ka
dhigatey(madaxweynaha) ee u heysta inuu sidii marxuum cigaal ku yimid beelo,
ninkii jirey wuxuu yidhi (ILLAAHEY iyo cambaro madaw kala war la’aa),
waxaan jeclahey inaan mid isaga ku yidhaahdo midna baarlamaanka midna shicibka
midna axsaabta siyaasada iyo saxaafada madaxa banaan.
Mudane aan ku xasuusiyo inaad shaqaalahayaga tahey oo aad mushahar naga qaadatid hadaanu shacabka somaliland nahey, muddana aanu ku darseyney kuna baraneynay hada waxaanu kaa sugeynaa inaad ka jawaabto labadan su’aalood
1)
Xageey martey
lacagta $16,474,300 (fadlan ha isku
dayin inaad xaalad abuurto lagu iloobo waayo horaanu u soo galney ruwaayadaa aad
noo soo dhigtey ee magaceedu ahaa maaweello maaweelo caruurta).
2) Maye nimankii dilka geystey? Maxaad u qarineysaa?
Golaha
shacbiga
Mudanayaal taariikhbaa is qoreysa, RABBI_baad magaciisa ku dhaarateen caruurtaa iyo bulshadaa danyarta ah 95% inaad u adeegeysaan khaatumadiina kheyr ku khatinta oo isweydiiya dawladan aad dadka u matashaan waxey lacagta xadigaa leh uga hadli la’dahey uguna dawara tegeyso 400 oo maxbuus (kuwaad idinku warbixinta kasoo saarteen) ee wasiirkii ka mas’uulka ahaa ku jawaabey WFP ayaanu ka codsaneynaa iney wax nagala qabato waar qorshuhu maxa weeyi waxa dalka kasoo baxa mafia-dan ayaa iska leh dalkana waanu usoo dawarsaneynaa?, ta kale waa maxey madaxweynahan mishiin $1000 soo dawarsanaya ee Tony Blare-na ka lacagta badani, goluhu waa inuu shuruucda dhameys tiro xaddido musharka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba waana inaad dib u celisaan misaaniyada isku qoofalan, mudanayaal waa la iska daba imanayaa maaliney noqotaba layskana hadhi maayo ee shaqadiina qabsada oo tixgeliya dalkiina iyo dadkiinaba
NINKA OOHINTEEDIYO
ORIDEEDA MAQLAAYEE KA ADKEYSTEY GOB MAAHA
Saxaafada
Runtii idinka ayaa ugu
hawl karsan waxaana tihiin awooda afraad waxaanu idinka codsaneynaa inaad noosoo
daabacdaan magaacda golaha wasiirada iyo kuxigeenada iyo magaacda golaha
wakiilada iyo mid kastaa degmaduu u dhashey, waxaanu xaq u leenahey inaanu
ogaano mid kasta taariikhdiisa mana aha wax sir ah laakiin nasiib daradu waxey
tahey dadka intiisa badani ma yaqaanaan hadaba si ay ugu xusnaadaan mid kastaaba
afcaashuu qeybta ka ahaa guul iyo guuldaraba fadlan noosoo qora liiskooda sida
ugu dhaqsaha badan intaan weliba qaar la eryin ka aamusey xadigaa lacageed ee
intaa le’eg.
Maalmo badan oo xoog uga
adkaa ayeeynu kasoo gudubney isku duubni iyo dadaal ayeeynu ku muteeysanay
maantana hadeynu qalooca ku eegno maalin ayna caruurteenu u taag heyn ayeey
bixin doonaan inteynu bixiney in le’eg, wax badan ayeeynu sameeyn karnaa xataa
ineynu erino dawlada hadeey ka jawaabi weydo su’aalaha horyaala inakoon cidi
inaga dhiman isagoo madaxweynaha iyo dawladiisuba kabahooda gashan ayeey aayar
ka huleelin karnaa waxaan qabaa inaad caalamka ka warheysaan, yaan cabsi lagugu
beerin oon beed lagaa dhigin balka waran saacadihii uu dhintey marxuum Cigaal
maxaa kugu dhacey nimankani waa shaqeeleheena ninka shaqaalaha ahina waa inuu u
shaqeeyo sida uu ka rabo cida uu u shaqeeyaa waxaan leeyahey hala tooso ka hadli
maayo eriga Mudane Max’d Xaashi maxaa yeeley aniga iigama baahna inaan amaano
dhulka iyo ciida dhirta ayaa ka warameysa xaqiiqduna waxey tahey sidey niman
badan yidhaahdeen Somaliland ayaa u baahan ee isagu uma baahna waana iney umadu
biladii ay UN-tu siisey 3 kale ugu daraan sidey aniga ila tahey oo ah ta wax
qabadka, daacadnimada iyo geesinimada.
Mudanayaal uma baahnin in
naloo sheego iney nimanakani lasoo shaqeeyeen dawladii faqash shacbigu waa og
yahey ninkii soo halgamey iyo dhuuni qaatahaba waxaanu u baahanahey in laga
hadlo danta ubadkayaga, caafimaadkayaga/kooda, shaqa abuuris dhalinyarta ah
biyola’aanta iyo abaartan joogtada ah sidii aanu uga bixin laheyn oo sida
xukuumada naga daaya Ictiraafkan dawarada lagu rabo waa iga su’aale maxeey
ictiraaf ku heysaa ruwandi, burundi,seareleon, maxaase uu kala maqan yahey
Taiwan. Xukuumadaanu dawarsi uga taag la’nahey ee idina
miyaad kala daba heeseysaan dhaqaaluhu wuxuu dhexyaala bulshada waana
kaas lagu tumanayo een la ogoleeyn in laga wada hadlo fadlan ka hadla wadanka
gudihiisa waxqabadka yaala oo inaga daaya Ictiraaf la’aan ayaa sidan inoo
gasheyda aad ka daba leedihiin nimanakan dawarada la taagan
Gebegebadii waxaan
leeyahey halku dhegeenu waa JEEROO SHILLINKU
DHUNKAAL NOQDO OO UU DHUUNTA MARI WAAYO ICTIRAAF MA RABNO
sababtoo ah bilyano doolar ah oo lagasoo amaahdey bangiga aduunka
ayaa nimankan ama kuwo lamida ku dhici doona jeebabkooda inagana sidaasi ayeey
caruurteenu ku le’an doonaan, ALLAHAYOOW EEX MATIRAABIN EE AQOON HAYGU
CADAABIN( gaariye)
Ismail Yuusuf i_yusuf@yahoo.co.uk