Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

MAXAA KA JIRA KULANKA QARSOODIGA AH EE MADAXWEYNE RIYAALE KULA YAASHEY BEESHA UU WASIIRKA MAALIYADA KA SOO JEEDO LONDON 

 Waxa qorey: Ismacil Yusuf - London

Waxaa isa soo taraya wararka xaqiijinaya inuu madaxweyne riyaale mudadii uu ku sugnaa london uu kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshey beel ka mida beelaha degan Somaliland, kulankaasi oo ay soo qaban qaabisey beeshu kuna casuumtey madaxweynaha ayaa la isla dhexmarayaa iney aqoonyahanka beesha, odayada iyo dhalinyarduba ay ka qeyb galeen halka madaxweynahana ay la socdeen tiro yar oo ah beeshiisa, aad ayaa la iskula jeexjeexey ayuu ku tiraabey xubin kamida beesha madaxweynaha oo degan LONDON kana qeyb galey kulankaasi, xubintaasi oo sheegey in taladooda ay u gudbiyaan madaxweynaha ka dib markii ay ka war heleen codsigan gaarka ah, talaadsi oo uu  ku tiraabey iney aheyd inaanu qaabilin si looga badbaado UTTUN hor leh, hase yeeshee uu madaxweynuhu ku gacan seydhey. 

Wararkan oo aad usoo xoogeysaney todobaadadii u danbeeyey isla mar ahaantaana ay garab socdeen warar kale oo shaki weyn abuurey kuna tacaluqa xawaalad si xoog leh ku bilaabantey lana sheegayo inuu saami xoog leh ku leeyahey wasiirka maaliyada iyo madaxweynaha laftiisuba ayna ka masuul yihiin ashqaash kasoo kala jeeda labada beelood ayaa iyaguna wiswiskooda leh. 

Su’aalaha badan ee dhex meeraya bulshada ku abtirsata somaliland ayaa ah kuwa aan jawaabo rasmiya loo heyn balse lala sugayo waqtigu unuu cadeeyo kuwaasi oo ah 

Maxaa ka jira sanduuqa baanka ee laga furtey UGANDA, kaasoo uu soo furey Cawil? 

Maxaa ka jira gaashaanbuurta Dhaqaale ee sameeysantey lagana dhaqaale urursanayo dalka faqiirka ah Somaliland? 

Ma dhabaa inuu Cawill  kaga dhabeynayo hadaldiisii u horeeyey ee hurinta colaado sokeeye? 

Maxaa uga meel yaal Somaliland inteeda kale? 

Maxa’d xaashi ma wuxuu dhex geley taayirkaa wareegaya ee dhaqaale urursiga? 

Sidan ay tahey Somaliland ma qaadi kartaa barnaamijka Bangiga Aduunka iyo Laanta Lacagta ee amaahda ah ee fooda inagu soo haya? 

Maxaa damaanad u ah bulshaweynta Somaliland ineyna ku dhici doonan jeebab shaqsi Sida CAWIL oo kale? 

Waa maxey ujeedada dhabta ah ee laga leeyahey ciidamada loo daadgureeyey bariga Somaliland? 

Waa maxey asraarta ku xeeran soo dhaweynta xad dhaafka ah ee ismail omer geele u sameeyey Gudoomiyaha UCID? 

Xaaladani waa mid keentey inuu dhaqdhadhaqaaq hor leh ka unkamayo cariga yurub kaasoo ku saleysan qaabka siyaasada daahir riyaale oo la leeyahey hada ayuunbuu si fiican ukala miirmey waxeyna u eeg tahey in lagu jiro bilowgii mucaaridnimo xoogan oo la mida tii dhamaadkii sagaashanaadkii uula kulmey cigaal, su’aashu waxa weeyi intee in le’eg ayuu iska xejin doona maamulka talada hayaa, isagoo dhex galey siyaasdii bisada iyo jiirka ee cigaal iyo mucaaridkiisii. 

Ismail yuusuf 

LONDON

I_yusuf@yahoo.co.uk 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE