Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Jawaab-celin , Baaq Taageero Doon ah

Bismilaahi raxmaani Raxiim. 

Ku: Marwo Amina Haji Mohamoud ( Goljanno Hargeisa ) 

e-mail : amina_991@hotmail.com

 

Waxa qorey: Mohamed Ali Hersi-Dhegdhaqaaje.

 

Marwo Aamina, Waad salaamantahay, 

Waxaanu akhrisanay baaqii aad ku doonaysay taageerada ee aad ku soo daabacday barta internetka Somaliweyn. Haddii aanu nahay dadkii aad ka rabtay taageerada baaqaaga dhammaan, wax garadka , aqoon yahanka, odayaasha, madaxda axsaabta siyaasadda JSL ee debedaha, waxaanu ka xunnahay inaanu maqalno ama aanu ka akhrisanno mawqacyada ama parta internetka qaarkood waxa aad ku sheegtay Baaq Taageero !!!! hadana ah wax iska horkeen cad. Marwo Amina, adiga oo gabadh walaashaya ah kuuma fiicna inaad dhexgasho waxyaalo keeni kara qulqulatooyin iyo deganaasho la'aan ku timaada dalkeena JSL ee aynu wada jecelnahay. Arrinta aad ka cabanayso waa mid u taala Shacbiga iyo Madaxda dalka. waa arrin ku dhammaanaysa waqti gaaban iyo gudaha dalka ee ma aha arrin u baahan in qaylo dhaan loo dirto oo dad ah cadawgaaga iyo cadawga dalka JSL la maqashiiyo. Annaguna haddii aanu nahay dadka qurba joogga ah ee reer Somaliland aad ayaanu uga xummaanaa marka aanu maqalno dhasalaalaqa sidaas oo kale ah. Waxaa kaa maqan inay tahay wax caadi ah in aragti kala duwani soo baxdo haddiiba wax la maamulayo. Laakiin waxaa ugu danbaynta iska leh go'aanka cidda markaas u leh awoodda sharciga ah ( mandate ). Muj. Maxamed Xaashi isga oo mudan, ma aha nin adeegsanaya qulqulad iyo fawdad xataa haddii laga khaldan yahay oo uu isagu sax yahay. waxaa loo baahan yahay in wax walba deganaansho loo adeegsado iyo diploomaasiyad qabaw.Cidda runta haysa way soo kala caddaan doontaa. Wax wayn oo meesha ku jiraana ma jiraan haddii aysan arrintu ahayn xoolo dadwayne oo la lunsaday. Waa qorshe miisaaniyadeed oo sida la wada ogyahay ka kooban wax gacanta lagu hayo iyo wax la odorasayo oo mala awaal ah. Sidaas darteed wax wayni ma dhicin haddii waxa la isku qabtay ay tahay ajendha kooban ee ku saabsan misaaniyadda dalka lagu maamulayo waqtiga soo socda. Midna ogow waxan oo kale waxaa garan kara sax iyo khalad cidda u xilsaaran ee aqoonta gaarka u leh.Ma aha wax ay shacbigu ka qayb qaadan karaan oo ma aha shaqo iyaka u taala - meeshana qofkii doonaaba kama dhiiban karo cod ama faraha lama soo geli karo - iskaba daah baaq iyo taageero iyo qaylodhaan debed loo qayshado e . Markaas waxaanu walaal kuu sheegaynaa waad geftay, waa se lagu cafiyay. Laakiin mar kale ka digtoonow inaad wax isku gubto aan loo baahnayn ama aad niyadda shacbiga halgamaya aad wax u dhinto. Dadwaynaha reer Somaliland waxay ku qanacsan yihiin haddii cidda wax maamulaysaa ay qabtaan ama ay ku guulaystaan wax ka yar 20% inay tahay guul aad u saraysa oo ay mudan tahay in la taageero oo la is-garab taago oo waqti dheeraad ah la siiyo, niyaddana loo dhiso Madaxda si ay u sii muujiyaan dadaal dheeraad ah, marka loo eego xaaladda dalku marayo maanta. Midna ogow dawlad la doortay muddo ayay leedahay dadka wax dooranayaana maalin ayay leeyihiin. Sidaas darteed waa in dawladda waqti iyo dhego-nuglaan la siiyo oo aan laga hor-imaan oo jidka toosan ee dimoqraadiyadda la tixgeliyo. meesha iyo marxaladda aynu maraynana waa in aan la hilmaamin , maxaa yeelay weli faanoole fari kama qodna.... la soco siyaasadda debedda si fiican si aad u qancisid naftaada iyo inta kaa danbaysa. Taageeradii aad naga codsatay waanu kaa aqbalnnay iyada oo sida kale ah .Waxaanu ku soo gudbinaynaa in aynu dhammaanteen badbaado u fidino Shacbiga waqtiga badan ee hore laga lumiyay ee reer Somaliland iyo dhammaan dalka JSL ee aynu jecelnahay.Nagana raali ahw wallaaleey.Waana in la isu caqli celiyaa haddii ay si kale wax isu kaa tuseen. 

Wa bilaahi tawfiiq. 

 Mohamed Ali Hersi-Dhegdhaqaaje.

dhegdhaqaaje@yahoo.co.uk

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE