Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

QORAALKA WAXA ISKA LEH QOFKA KU SAXEEXAN ISLA MARKAASNA  QORAALKANI KAMA TURJUMAYO ARAGTIDA URURKAN SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION  WIXII FAALO AH EE AAD KA QABTO QOFKA AYAAD TOOS UGU DIRI KARTAA, AMA HADII AAD RABTO INAAD QORAAL JAWAAB AH LAGUU DAABACO WAAD NOO SOO DIRIKARTAA

NAFBAAN ISLA DOONAYAA IS DIIDO DHEXDEEDA TAAL

 Qalinkii Ismail M Gadiid  

Hayaanka geediga somaliland ee aan la saadaalin karin jihaduu hiigsanayo, xilliga kala guurka ah ee lagu jiro, maamulka ragaadsan ee fadhiidnimada miciinka bidey iyo kala taggsanaanta shicibka SL gaar ahaan xaga fikirka --- salka ku haya miisaanka wax lagu cabirayo(measurment) ama xaga wax laga qiyaasayo oo aad u kala duwan ayaa in badan ina dhaxalsiisa is fahan la’aan iyo kala durugsanaan aad moodo tuu hadraawi lahaa nafbaan isla doonayaa is diido dhexdeeda taal. 

Cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo ----- dawlad baanu nahey dimuqraadiya oo madaxweynaha iyo xigeenkuba  qof iyo codkiis ku soo baxeen(one man one vote), axsaab siyaasi ayaanu sameysaney, kolka su’aal isirkeedu  ku qotomo cabirka miisaanka dimuqraadiyada nala weydiiyana waxaanu ku jawaabeynaa mid isirkeedu ku qotomo qabiil(hab beeleed), dimuqraadi baanu nahey mana ogolin inaad cabashadiina ku muujisaan dibed bax maxaa yeeley idinma habeyn karno intiinaa yar ee banaanbaxa dhigeysa balse hadaad dhamaantiin soo dareertaan si aad cod noo siisaan waanu idin habeeyn kareeynaa, 1% ka mid ah intii codka dhiibtey ee sida quruxda badan aanu u habeeyney hadey soo banaan baxaan dhalinyaradoo dhan jeelkaanu dhigeynaa, dumarkana waanu umul dooxaynaa maxaa yeeley idinma maamuli karno!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! 

M/weyne riyaale ma iman kareen mana haweeysteen hadii hab beeleedkii lagu sii socon lahaa waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah, sidaa hadaba hab beeleedkii looga gudbey ayaa looga gudbey cabirkii miisaankiisa iyo nidaamkiisii oo dhanba, hadaba xoghayaha UDUB iyo sxbadiis markey leeyihiin hadaad markayaga naga ciideysaan markiina ayaanu ciideyn doonaa ama waar dab soo hindhis iyagoo farta noogu fiiqaya KULMIYE iyo mucaarid, miyeey iloowsan yahey dadku iney codeeyeen oo intii tartantey mid ka doorteen(riyaale) oo ay xill u dhiibteen,  miyeey iloowsan yihiin in intii kale oo dhan lagu yidhi waad mahadsan tihiin, miyeey ilowsan yihiin cida qudha ee aanu wax u dhiibaney ee aanu xaq ugu leenahey inaanu la xisaabtano ku mudaharaadno iney xisbigooda tahey( UDUB), mud.xoghaye hadii ceebi soo baxdey oo caadka laga qaadey cadadka lacagta ee la lunsadey, hadii xisbigaagii aanu ku dooraney dastuurka ee aanu sharafta ku huwiney isagii u heelan yahey jebintiisa/baal markiisa oo gudi nabadgelyo iyo wax dastuurku xaaraantimeeyey aad ubadkii jeel ku buuxiseen ood ooryihii umula dooxdeen(xataa FAQASH ayaa ka xishootey wax yaabaha qaar) welibana ku faaneysaan inaad shicib ahaan noogu jawaabtaan KULMIYAA caana daadiyey nagama kaa qabato maxaa yeeley iyaga waxaanu u dhiibaney ma jirto, waxaanu kala xisaabtanaana ma jirto, welli waxaanu marti uga nahey dawlada ama xisbiga aad afkiisa ku hadleyso ee aanu masiirkayaga u dhiibaney iney ka jawaabaan 

v     $17 milyanku halkeey mareen kumaanu qancin waala cuni jirey iyo awlba sidaasey ahaan jirtey maxaa yeeley AWAL – waxaa ka danbeeyey nidaam dimuqraadiya kaasina mid beeleedbuu ahaa.

v     Sababta dhalinyarada loo xidhxidhey ee loo jidh diley ee loo umulo dooxey iyagoon wax maxkamada la horgeynin denbina lagu oogin haba yaraatee.

v     Sababta loo qarinayo nimankii dilkii ajaanibka geystey ee loo keeni waayey maxkamada. 

Abwaanbaa laga hayaa

GARTA RUUX YAQAANOO        GARADARADA KA JECELOO 

ANIGOO GARAWSHA LEH           WAXAAD TAHEY KA GUDAYEE  AXDIGEYNU GUNUDNEY(doorashadii iyo dimuqraadiyadii)

GOORMUU KULA XUMAADEY. 

Guntii iyo gebegabdii KACAAN DIID WADANIBUU AHAA MAAMUL KAARAHEY----------M/weyne riyaale iyo xisbigiisaba waar idinkaa la idiin doortey xilkan dayacane ka jawaaba su’aalaha iyo tabashada shicibkii idin doortey hadii kale la arki doonee ismaroorintaa iyo aamuskaa waxaad ka macaashtaan, SL-na hortiina wey jirtey dabadiina wey jiri doontaa waleese taariikh xumo ayaa idinka raaci. 

Shiciboow idina  waa inaad ka gudubtaan khalkhalka la idiin ka gelinayo halkuu marinkeenu ahaa iyo durbaanka baqaha beenta ah ee la idiin garaacayo, dawladbeynu dooraney hogaankana u dhiibaney KULMIYE iyo UCID  midna xill umeynaan dhiibanin kolkaa cid qudha ayeey tahey iney ka jawaabaan tabashadeena iyo dhaliilaha yaalaba ninka qabiil dabada soo gelinaya xiligana waxeynu leenahey GOOORMAAAA LAGA TAGEY WARKAAAAAAAAAAAAAAAA 

Qalinkii Ismail M Gadiid 

Gadiidsomland @hotmail.com     LONDON

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE