Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

HADAAN SIDAAN KA BAQAYAA DHACDO OO BEENEEY WAA RUN NOQOTO BULSHADEYDU MAXEY YEELI

Waxa qorey: Ismail M. Gadiid - London 

Runeey lagu neceb oo lagaa roor waa murti uu inoogu deeqey Abwaan GAARIYE, waxaan gaar ugu xishey kolkaan arkey isha iyo ifafaalahey leedahey maanta iyo is dhegamarinta maamulka dalka hagaya, tub haboon oo lagu tamariyana aan loo socon jahawareer badana dadku ay ka qaadeen sawirka dhabta ah ee madaxweyne RIYAALE dalka ku hagaya, indhasarcaadka joogtada ah ee dalka lagu hayaana waxey u muuqataa iney joogto xiligii ay noqoneysey xaajadu << GUNTU WALLAC>>. 

Dulucdeyda hadaan u dego, waxaan dhisayaa DAWLAD KOOBAN OO TAYO LEH waa ereyada ku noqnoqshada leh ee indhsarcaadka fuliya, ICTIRAAF waa sixirka bulshada lagu seexiyo, MEESHA WAXBA MAYAALAAN waa marmarsiiyaha aan geedna loogu soo gaban ee lagu xalaashadu hantida umada, CARTA IYO BUUQ LAAN  waa caruura ka cabsiis (dhiga lacagta oo faceygu ku garaadsadeen). 

Mud.Madaxweyne waxaa laguu doortey inaad dhaqaalaha wadanka dhisto laguuma dooran inaad ku sii sugto ka IMF-ta, mise ictiraaf ayaad la sugeysaa?

Mud. Inaad maamulka dhameystirto ayaa laguu doortey ma waxaad la sugeysaa ictiraafka?

Mud. Inaad barnaamijkaaga siyaasadeed ee ku wajahan xaga CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA, DHAQAALAHA, ARIMAHA GUDAHA, MANADAQADA GEESKA AFRICA, IWM soo bandhigtaa lagaa sugayaa mise waxaad la sugeysaa ictiraafka?

Mud. Miisaaniyadaadana ma waxaad la sugeysaa waa yaabe ictiraafka?. 

Mudadii uu waftiga madaxweynuhu ku sugnaa beledka yurub, wuxuu la kulmey xilli ay dacaayad soo gashadeen niman xag jira oo ka tirsan maamulka majeerteeniya arintani waxe dhalisey in bulshaweynta somaliland ee ku sugan qurbuhu ay ka daboosho su’aalo dhaxalgall noqon lahaa iyo kulamo gooni gooniya oo ay la yeelan lahaayeen weftiga madaxweynaha kuwaasoo ku qotoma dalkii, dibedyaalka somaliland badankoodu(mucaarid, muxaafid iyo hubsataba) weji ka duwan ka muwaadiniinta dalkii jooga ayeey u arkaan hab u socodka maamulka kaasoo ah inuu fadhiid ka yahey xaga waxqabadka kolka laga reebo laba wasaaradood, arintan waxaa ka marqaati kacaya soo bandhigida wax qabadka wasaaradaha, wasiirkii ku kalsoon inuu hawshiisii gutey wuxuu ku dhiiran karaa sidaaa wasiirka w. ganacsiga inj. Max’d X Cilmi inuu u soo bandhigo saxaafada waxaan qabaa iney ADNI labeyso mooyee in aaney cidkale sadexayn doonin. Hadaba hadalkii uu Madaxweynuhu ka yidhi London oo ahaa waan soo dhisayaa dawladii tayada laheyd(waa indhasarcaadkiiye) waxey soo gunaanadeysaa jahawareerkii bulshada kaga jirey sawirka dhabta ah ee Madaxweyne Riyaale adeegsanayey, sanad ku dhawaad ayeey dhisneyd dawladan akhtarjebiska ahi natiijaduna waxey tahey 2/51(two out of 51) horena wey usii muuqatey waxeynu eegnaaba waa inuu xaga waxqabadka maro oo ah dhinaca tirada yar ee tayadooda muujiyey iyo dhinaca tirada badan ee wax yar tarayaasha ah, sawirkiisan dhabta ah ee dhawaan soo baxayaa wuxuu noqon doonaa ka jiheeyaha u ah bulshaweynta Somaliland gudo iyo dibedba  iyadoo in badana  ay bulshadu ugu samreysey Madaxweynaha inuu qiimeeyo tabashadooda. 

Guntii iyo gebegabdaii waxaan leeyahey hadaan sidaan ka baqayaa dhacdo oo beeneey waa run noqoto bulshadeydu maxaa uga meel yaal? Waxaan u dhaafayaa akhristayaasha. 

Qalinkii Ismail M Gadiid  gadiidsomland@hotmail.com LDN  

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE