Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

ISMA DHAANTO IYO DHASHEED

Waxa qorey: Yusuf Dhamac Xasan - London

Waxaan taako taako ula socday ilaa maalintii aynu xoriyadeena lasoo noqonay ee lagu dhawaaqay gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland, waxaan halkan ka hanbalyaynayaa shicibka Somaliland ee dantooda iyo nabadooda u feejigan iyo inta madaxda ee fara ku tiriska ah ee danta umadooda ka shaqaynaysa.

 

Intii ka danbaysay doorashooyinka ee xisbiga Udub ku guulaystay maamulka wadanka waxaa la galay nidaam dadka shicibka ah ku cusub oo ay ku jahawareersan yihiin sida iyo qaabka wax loo maamulayo, iyo qaabka ay Xisbiyada Mucaaridka ahi ay wax u caaridayaan.

 

Waxaa jirta oo aan laga indho qarsan karin in Xisbigan Talada haya iyo Xisbiyadan macaaradka ahi aan la garanayn waxa ay isku canbaaraynayaan ama kaadhka iskaga gubayaan oo wixii dhacaba ay qolaba qolada kale ugu eedaynayso iyagoo dadka Indhow garadka ah ku qaldayaan hebel waxaasuu ahaan jirey siiba labada Xisbi ee UDUB IYO KULMIYE, waxaad moodaa in Xisbiga kale ee UCUD uu markhaati ka yahay arrimaha dhacaya, balse labadan Xisbi ee kale waxaad moodaa inay u XINTAMAYAAN SIDII DUMAR LA WADA QABO, iyagoo labadan dhinacba ay ku jiraan shaqsiyaad fiican.

 

Wiil yar ayaa Iskuul uu dhigan jiray laga soo eryey ka dib Aabihii ayaa soo raacay oo u yimid Maamulihii oo yidhi wiilkaygu tacliinta wuu ku fiican yahay oo anigaa habeenkii wax Barra ee  maxaa loo soo eryey, Macalinkii soo eryey ayaa loo yeedhay oo la yidhi maxaad u eriday wiilkan yar wuxuu yidhi macalinkii tacliinta kuma fiicna oo lama qabsan karayo wiilkani kilaaska markaasaa halkii lagu murmay oo Aabihiina yihi wiilkaygu aad ayuu ugu fiican yahay oo anigaa u dhiga Tacliinta ka dib Macalinkii ayaa yidhi Su誕al ayaan waydiinaya wiilkan ee hadii uu garto wuu dhiganayaa iskuulka wuxuu macalinkii waydiiyey NABIGII UGU DANBEEYEY EE LA INOO SOO DIREY MAGACIISA SHEEG, wiil kii yaraa ayaa yidhi NABIYULAAHI FIRCOON, Wiilkii yaraa Aabih ii oo agtaagnaa ayaa isaguna yidhi Calayhi Salaatu Wasalaam, markaa maamulihii ayaa yidhi wiilkani iskuulka wuu dhiganayaa hadii aabihiisii lahaa anigaa wax usoo dhiga uu sidaas yahay.

 

            Baryahan danbe iyadoo aynu la wada socono ismaaciil yare sida uu wadanka u walaaqayo isaga iyo qaar kale oo badani, ood moodo maqaaxi ay leeyihiin, iyo sida uu Madaxweynuhu laftiisu u daawanayo waxa ay samaynayaan in kastoo la odhan karo dhacdadan danbe ee DHOQOSHAY wuu ka maqnaa madaxweynuhu hadana waxaa jiray dhacdooyin hore oo uu  Madaxweynuhu u taagnaa waxba kamuuu qaban midna,

Waxaan odhan karna sidaa sheekadaas ayuu Madaxweynuhu yidhi Calayhi Salaatu Wasalaam :--

 

Sheekadaa waxaan uga socdaa dhacdooyin badan oo aad u fool xun ama qof kasta oo caqli lihi garanayo inay abuuri karaan isku dhac iyo xasilooni daro oo agtiisa ka dhacayey Madaxweynaha oo ay samaynayeen Wasiirada iyo Mas置uliyiinta kale ee Xisbiga Udub ee hogaanka Dalka u haya ayaad moodaa in Madaxweynuhu  inuu daawanayo oo aan xil iyo mas置uliyadiba ka saarnay waxan wadanka ka dhacaya.

 

waxaan is lahaa Xisbiga Kulmiye ee wixii dhacaba lagu eedaynayo  ayaan is lahaa way yara dhaamaan malaha , lakin nasiib daro markaan akhriyey maqaaladii ugu danbeeyey ee ay ka qoreen dhacdadan DHOQOSHI,guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye shirkii jaraa段d 23/03/04 ee ay ku qabteen hargeysa siiba Cabdiraxmaan Aw cali iyo Cabdiqaadir iyo Axmed yuusuf Ducaale ,taasoo ay cay iyo af lagaado ugu gaysanayaan ama sameeyeen Personal Attack, waxaa ii cadaatey in ay meesha dadkan aynu aqoonta aynu ku tuhmaynay,ee aynu is lahayn waxay leeyihiin awood hogaan iyo maamul waxay inoo  samaysteen Saddex Isbaaro waxaanan odhan karnaa waa  Isma Dhaanto iyo D hasheedii.

 

Waxaan hanbalyaynayaa Mas置uliyiinta danta Umada Haya ama dadka iyo dalkooda u dadaalaya Ummada Somaliland , waxaan hanbalyo gaara u dirayaa Madaxweyne ku Xigeenka iyo sidii sharafta lahayd ee uu dhacdadi Dhoqoshi ka yeelay , waxaan halbalyo wayn u dirayaa Dadka Reer Dhoqoshi sidii  wadaniyada lahayd ee ay difaaca wadankooda u galeen, waxaa kale oo aan hanbalyo u dirayaa Ciidanka Booliiska Gobolka Togdheer iyo Askarigii Booliiska ahaa ee ay qaateen Budhacadu ee laga soo riday.

 

Odaygii Xaaji Jiidhe (alle ha u naxariistee) ayaa la yidhi Xaaji Jiidhow waxaa la helay Xorriyadii waa 1960 kii markaasuu yidhi sidaan maqlay Hadii Xorriyadii la Helay Caqli ma la helay ,waxan leeyahay Madaxweyne Riyaale Haduu Ictiraaf .Keeno Caqli Lagu Maamulo miyuu keeni !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Alle ha inoo Sahlo waxaan ka baqayaa inagoo maanta sidaas ah hadii la ina ictiraafo Xisbigana  Udub ee aad Wada arkaysaana Talada hayo waan inoo baqayaa laakin Ilaahay waxaan ka baryayaa in Khayr inooga dhigo.

 

Waxaan hadalkayga kaga baxayaa gabaygii Hadraawi ee Gudgude INTA MAANKU GAAJAYSAN YAHAY GUULI WAA WALI

 

Yusuf Dhamac Xasan

Aar9923@hotmail.com

london  

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE