Xus oo Xasuuso Mujaahidka Dahsoon
Waxa qorey: Ahmed-Nuur Mohamed
Wiigagan
u danbeeyay waxaa warbaahinta dalalka reer galbeedka aad loogaga
faaloonayay xuska dagaalkii ay sida wada jirka ah u galeen dawladihii isku
bahaystay xoreyntii Faransiika iyo jabintii Jarmalka.
Dagaalkaasi oo haatan laga joogo mud lixdan (60) sanadood ah ayaa
hadan sida loo xusayo loona xusuusanyo manta oo mudadaasi ka soo wareegtay
aad moodaa inuu ahaa dagaal dhacay shalay amaba waxaad moodaa inuu ka
danbeeyay dagaalkii lagu galay dalka ciraaq ee wali socda. Waxaad
telifashanada aad ka arkaysaa waraysiyo lala yeelanyo dadkii ka qaybqaatay
intoodii noolayd iyada oo lagaynayo goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ugu
adkaa waxaad kaloo aad arkaysaa iyada oo madaxda wadamaadaasi ka qayb
galayaan furitaano iyo xaflado lagu xusayo dagaalkaasi.
Hadaba
waxaa nasiib daro ah iyada oo dagaalkii qadhaadhaa ee umada reer
Somaliland kula soo noqtay xornimadeed oo ay manta ka soo wareegtay mudo
yar oo aad u gaaban isla markaana wali ku jira maskaxada intii u soo
joogtay isla markaan naafadii, burburkii iyo khasaarihii u umada
gaadhsiiyayna muuqdaan walina laga soo kaban uu noqdo mid la iloobo
mudnaatii uu lahaana hoos loo dhigo lagana hore mariyo xusaskale oo aan
qiimo ugu fadhiyin umada reer Somaliland.
Maata
waxay ahayd maalintii beer lagu xuso oo lagu xasuusto loo dhisi lahaa
mujaahidiintii
ku shahiida, maata waxay ahayd malintii naafada iyo agoonta la daryeeli
lahaa, manta waxay ahayd maalintii hooyadii curadkeeda weyday ku samri
lahayd, manta waxay ahayd maalintii ilmihii madfaca lagu ababiyay ku
hadhsan lahaa. Nasiib daro
waxay noqotay in dhamaanba intii daryaalka u baahnayd loogu badalo xadhig,
jidhdil iyo hanjabaad joogto ah taasi oo ah intii markii horaba laqaadan
waayay lagana dagaalamay.
Waxaa
is weydiin leh halka ay ka taagan tahay xukumadu halgankaasi oo ah mid
madmadow ku jiro, hadii ay noqoto sida ay u xusto iyo hadii ay noqto
falalka foosha xun ee ay mudooyinkan dabe caadaysatayba waxaanan ku soo
gunaanadyaa maqaalkan mujaahidka hadsoon in umada reer Somaliland inteeda
danaysa nabada iyo dimuquraadiyada xusuunaadaan isla markaana ilaashadaan
xoriyada ay manta hadhsanyaan oo ah mid dhiigbadani u taatay kana
feejignaadaan inaanay dib u soo noqon xumaantii ay qaadan waayeen mudo
hore.
Qore: Ahmed-Nuur Mohamed
London