DADKAYGA REERE SOMALILANDOOW RAYNRAYN IYO RAYS KU CIIDA WELIGIIN.
Waxa qorey: Cali cumar xasan
Somaliland ha jirto oo ha joogto ayaan leeyahay weligeed.marka hore.(qof aan danbi gelin cafintiisu waa xaaraan iyo xaqdaro,waayo danbiba ma uu geline maxaa loo cafinayaa?)maxaase loo xidhay markii hore?.......marka labaad.Marba marka ka danbeeya waxa indhahaagu arkayaan am dhegahaagu maqlayaan wax ay garashada fayoobi diido,waxa lama filaan iyo amakaag igu reebtay oo iga degi wayday falalkan gun-nimada ah ee ay ku kacayaan dad ka tirsan maamulka DHULKEENU(viva somaliland),kuwaas oo ula dhaqmaya dadkeena sharafta iyo qadarinta mudan si aan u dulqaadasho lahayn.dadku marka ay samaystaan maamul(nooca uu doono ha ahaadee)waxa nin kastaaba uu qabtaa hawsha uu isagu qaybta u helay si kastaba ha ku helee,wax qabadka iyo sida dadkaasi ay gaar ahaan iyo guud ahaan wax u qabteen waxa ay noqotaa ta muujisa wanaagooda iyo xumaantooda.shaqada qofku uu qabanayo oo qayb ka ah shaqada dadka kale qabanayaa waxa ay noqotaa mid wax tar u leh dadka guud ahaan ama mid wax yeelo u leh.sidaas oo kale shaqada ay qabanayaan dadka intiisa kalena waxa ay noqotaa mid qofkii kali ahaa uu dareemo si toos ah ama si aan toos ahayn waxtarkeeda ama waxyeeladeeda.somaliland waa dal lagu dhisay isku tag,wada tashi,is tilmaamis iyo is toosin,hadana waxa ay marba taagnayd meele maanta ILAAHAY MAHADII WAXAN TAAGANAHAY MEEL SARE oo inoo ah milgo iyo sharaf aynu inagu keenay.waxase iyada oo sidaas ah oo aynu nahay dad meel fiican maraya,kolba soo baxaya waxyaabo dalka CARJABINAYA ama SHAASHAYNAYA...dad dan gaar ah leh ama garashadoodu aanay bildhaamin karin dhibta uu u keenayo falalka guracan ee ay samaynayaan dadka iyo dalka reer somaliland guud ahaan ayaa marar aan tiro lagu koobin karin kasaanjabinaya hore u socodkee dalkeena,dadkeena iyo danteenaba.waxa maalmihii u danbeeyay iska soo daba noqonayay warar sheegaya dad xalaal ah oo reer somaliland ah oo saluugsan WAX QABADKA dawladooda oo ay maamulkoodii ula dhaqmeen sidii DAWLADII af-weyne U CIQAABI JIRTAY DADKA REER SOMALILAND.waxa aan u qaadan waayay LABA DUMAR AH oo la xidhay ka dib markii la yidhi waxa ay sameeyeen banaanbax,anoo taa la yaaban oo is leh,qofka banaan baxaa ee muujiyaa saluuga ama wax qabad la aanta maamulka somaliland ma danbiilaa?ayaa waxaban arkay qoraal lagu soo bandhigay wararka oo la leeyahay DHALINYARO BANAANBAXDAY ayaa si qarsoodi ah loo xukumay saacado gudahood.waa nasiib daro iyo caloolyoow aan la qiyaasi karin,in maanta oo aynu 13 jir nahay oo u dabaaldegayno GOONI ISU TAAGEENII,iyo cadaw jabintii(maamulkii af-weyne),inaynu aragnaa FALAL LA MID AH KUWII AAN KA DAGAALANAY.WAA NASIIB DARO IN madaxweynihii ay ahayd isaga iyo maamulkiisu hadaanay kula jirin kuwa CARUURTA xidhxidhay inay baadhitaan bilaabaan oo la baabiiyo haday gudi tahay iyo haday sharciga tahayba halka qaladku ka yimid,in uu yidhaahdaa cafis ayaan u fidiyay dad aan danbi gaysan,,,waa nasiib daro.qofka daanbi gaysta hadii cafis loo fidiyo waa wax tar,hase yeeshee QOF AAN DANBI GAYSAN cafiska loo fidinayaa maxaa uu yahay?waxa uu yahay waxa la daboolayaa xaqii qofka uu lahaa oo isla markaana weliba lagu magac doonayaa.......qofka ayaa la rabaa inaanu raadsan xaqa uu leeyahay oo aanu daba gelin kuwii xidhay,waxa kale oo uu madaxweynuhu isku tusayaa in uu wax taray dadkii la xidhxidhay........waxa aan leeyahay waa in la daba galaa arintan oo ah mid aad u foolxun,lagana hortagaa inaanay dib u dhicin iyada iyo wax la mid ahi.waxa qof kasta oo somaliland ahi xaq u leeyahay madaxbanaani buuxda iyo oo ilaashan(waxa ay ku cadahay xeerka aan dhiganay.gudida nabadgelyadu waa wax aan ku salaysnayn xeerkeena.waana xaaraan waa in sidii uu MUJ,SIILAANYO IYO 14 XILDHIBAAN sheegeen,degdeg loo baabiiyaan inta aanay dhib kale u gaysan DADKAYAGA XALAASHA AH.NB.CAFISKA MADAXWEYNUHU MAAHA CAFIS,EE WAA XAQ AAS.SOMALILAND HA JIRTO OO HA JOOGTO ayaan leeyahay....cali cumar xasanqodaalafraa@hotmail.com