Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Nin aad Garabka Saartiyo Miyuu Geesi Muuqdaa.

Maandeeq oo Cabanaysa iyo Mujaahid ku Toosay.

Waxa ku faro-yaraystay: Osman Abdillahi Sool

Maandeeq: ma gurigaa sanqadhaaya ma Argagixisaa gilgilaysa....Gogoshaa Mas ku jiraa oo Gaadh-baa la iga hayaa.

Maandeeq: Mujaahid i dhagayso....Gadh-wada-haa iga seexday oo goblan weeye taladii ee gurmad yaan ka helaa?

Mujaahid....Garasho iyo aqoontii saw tan Guulwaduu hagay.

Maandeeq.....Mar horaan ka afeeftay oo magaciisi u sheegay, haddii Maamul ii dhisanyey oo meesha aqooni hagayso, ma naftaan u biqi-laa mise Ismaaciil-baan maqli-laa iyo mudane aan midh aqoon.

Maandeeq...Garo oo cabdi-baa-yidhi Gaalo iyo Islaam Geelow yaa ku leh....mid aan garabka saariyo miyuu geesi muuqdaa, hadii guunyo la tago miyaa lagu gurmanayaa, gaabsaad i leedee miyaad go'ysay xaajada.

Mujaahid....Maandeeqay iga aamus oo Muusanawga igadaa iyo murtidaa Cabdi-qays haddii kale maryo-dhiigle iyo Mashaqaan dhex-dabaalan.

Mr, Sool..... Hadaan maaxsanaa miyir-doorsanaa miiraabay oo muga waan mir kacay, majaraan hayaa duul hore u maray ay mahadiyeen. Murti weeye hogeedii iyo halkeedi aan Qabadsiiyey oo Hadraawaa midho haa leh.

Digniin.........Walee in meel fog la eegi hadaan maamulka la hagaajin oo Madaxweynu talo keenin, Maandeeq uu ku badbaadsho iyo maatadaa cabanaysa.

Hore ayaan ugu maahmaahay, aniga oo leh Miidaamo dhego ma leh markuu Malag dhawaaqaayo iyo Mar idage Allaa idagay mar labaad-se idagay anigaa Isdagay. taas oo macnaheedu uu yahay in markii Dilkii  Boorame iyo kii macalimiinta Sheikh uu dhacay  ayaan qoray maqaalkan soo socda oo tilmaamaya in nabadgalyada dalka aanu xaslan karayn ama ka soo bixi karayn khibrad ahaan iyo Cilmi ahaan-ba Wasiirkan daakhliga ee ay hoos timaado nabadgelyada dalku, hadaba dib u eeg Maqaalkii ahaa....

Suuqii jaadkuu....oo aan qoray October 2003 kuna soo baxay Saxaafada ama wargaysyada dalka iyo internet-kaba

Suuqii Jaadkuu ku wacnaa ee Siyaasi Maaha Wasiirku, Sugi karaaya Nabadii

Sayladda Siyaasada ee Dunida ayey Somliland u iibgayn jirtay dhoolo-tus ah Qaab dhismeedka Nabadeed ee Dalkeedan yar ee aan la-ictiraafin ka jira. Caalamkuna waxa uu u Fidin jiray waxoogaa Amaan iyo Madax-salaaxid ah oo odhanaysay.... Halkaa ka sii wada Rajadiinu ma xumee.

Suxufi reer Galbeed ah oo Wadamo fara badan oo Afrika ah soo maray bishii June 2003 ayaa mar uu ka Faaloonayey Nabadgalyada Somaliland yidhi oo ku Qoray Wargaysyada Europe, Waxa aan layaabay Suuq ku yaal Magaalada Hargaysa oo ah Caasimada Somaliland sida Dahabku iyo Dollarku u Wadhanyiin iyada oo Ciidamo Khaas ah iyo Ciidanka Police-ku midkoodna ilaalinayn ama Wardiyeynayn.

Iskadaa adiga oo Barbardhiga......Nairobi, Lagos iyo Dhamaanba Magaalooyinka South Afrika oo haddii aad Jeebka Gacanta galiso aad halis u tahay in Faash Xiimayaa Faraha ku gooyo, iyada New york haba sheegin oo aan Magaalada Badhtankeeda 100 Dollar oo isku yaala nin kasta oo wax is-moodaa la soo bixi karin, Suxufigii ayaa ku soo afjaray Qoraalkiisii maan filaynin in meel Afrika ah siiba Somalia ah oo sidaa u amaani in ay jirto.

Suxufigaa oo aniga Osman ahaan aanu isnaqaano ayaa ila soo xidhiidhay Ayaamihii dhaweed ee Dilalkii foosha xumaa ka dheceen Sheikh iyo Boorame isga oo aad uga xun Falalkaa.

Siyaasadii Salka u Aastay Nabadgelyadii dalka lagu majeeran jiray ayaa ahayd Mid uu dhidibada u Fogeeyey Maamulkii Marxuunkii Cigaal Alla ha u Naxariistee.

Hadaba maanta waxa iswediin leh oo Waxgaradku ka baaraan-degeyaan Sababaha Dawladan wada Wasiirka ah ee Mudane Rayaale oo Madaxweynaha Laftiisu iyo Saraakiil Dawladiisa ku jirtaaba ay ahaayeen Mukhaabaraadkii ku Takhasusay Sirdoonka Nabadsugidii...Somalia (NSS) sida ay ugu Fashileen Sugidii Nabadgelyada Dalka iyo soo helidii dadkan danbiyada culus gaysanaaya ee wax Gumaadaya.

Ta labaad hadii dhinac kale aan ka eegno oo hoos u yara dhaadhacno ayaa isha Dadku ku dhacaysaa ama si toos ahba u Muuqanaysaa * Shaqadan aan haysan Ninkeedii iyo Halyeygii Sixi laa Sartu halkay ka Qudhmayso* ( The wrong Man in the right position) oo ah Wasiirkan Arimaha Gudaha Mudne Ismail oo Nabadgelyada Dalku ay Wasaaradiisa hoos timaado.

Mr. Ismail oo meela aan kaga Abtirsan Siyaasada ayaa Ruug Cadaaga reer Hargaysa ee Malafyada ama Faylasha Siyaasiyiinta hayaa ay madaxa ka Qabsadeen Qaylo dheerna ka siidaayeen iyaga oo leh Khibradiisa Siyaasiga ah iyo Miisaanka uu ku leeyahay Maamulkan Dawliga ah ayaa ah laba aan is lahayn oo Ah kaaf iyo kala dheeri.

Qamaamuurtaa reer Hargaysa oo ah khubaro Siyaasiyiin ah oo wax badan looga soo joogay Sahamintooda ayaa yidhi Mudane Ismail waa Wasiir Culus Maanta oo Baroosinka Fogaystay oo laguna Tilmaamo in uu Metelaayo Ahmed Saleebaan Dafle oo Todobaatanadii jooga..... Waa marka aad eegto doorka uu ka Cayaaraayo Dawladan dalka ka talisa.

Wasiir Ismail ayaa intaanu Siyaasada u tafaxaydan ka shaqaysan jiray Suuqa Jaadka oo nolol maalmeedkiisa ka soo saari jiray, Ganacsatadii jaadka ee reer London oo Mudane Ismail ka warbixisay ayaa iyaguna yidhi * Waxa uu ahaa Masuul Shaqadiisa ka adag oo khibrad dheer u lahaa Maambada Jaadka ama Kaartada Jaadka iyo Taahriibintiisa.

Hadaba aniga oo ka Duulaaya kana shiidaalqaadanaaya Xeeldheeradaa uu Wasiirku u lahaa Ganacsigiisii hore ayaan kula Talinayaa in uu Shaqadiisii uu ku Asturaa ku soo noqdo......inta aan Nabadgelyada dalkuna faraha ka wada bixin, Siyaasadana uu Farha ka qaado.

Ka bax minanka Jiilaal........Ka bax minanka Jilaal.

Waxa ku faro-yaraystay: Osman Abdillahi Sool...(Fu'aad Gaagaale). Freelance Journalist. 10/10/2003

Email: sooldhuub@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE