Waraysi Xoghayahii hore ee xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID islamarkaasna ahaa ninkii bixiyey magaca UCID
Waxa qorey: Rashid Abdi
Salaamu Aleekum;
Mahadnaq waxa markasta iska leh Illaaha Weyn ee Waaxidka ah. Waxaan ka dib u hanbalyaynayaa Guled Cabdi Sheekhaash oo ka tirsan SDWO oo waraysi la yeeshay Siciid Jamac Yusuf oo ah aasaasayaashii UCID imikana ku biiray UDUB.
Waxaa wax lalayaabo igu noqotay su'aalaha qaar sida uu uga jawaabayay Siciid iyo sida uu isu diidsiinayay inuu runta uga sheego. UDUB markii la aasaasayay hadal uu yidhi oo ahaa in dawladii xisbi isu badashay barigaas, wax isbedelay imika ilaa barigii la aasaasay majirto ayaan qabaa, cida ku biirtay ma qabo inay ugu biirtay wax qabad xisbigu uu u horseedayo dadka, laakiin inay ugu jeebweyn yihiin oo hunguri lagu galo ayuun baa muuqata oo aan mabda lagu galin. "NIN SOORI KAA QAADAY WAA NIN SEEFI KAA QAADAT" xisbiga uu Ismaciil faqash ka yahay Wasiirka Arimaha Gudaha, oo ah meelaha ugu mihiimsan ee wadanka laga xukumo, inaanu karti iyo wax garad ku joogin dadku way wada garanayaan baan filayaa!!! Mar wax laga waydiiyay in lagu dhaliilo UDUB iyo dawlada hada talada haysa; MUSUQMAASUQ, iyo TALO XUMO, wuxuu ku jawaabay Siciid "laakiin cida sheegeysa musuqmaasuq iyo caddaalad darro ha sugaan goorta loo igmado, bal inay dhaamaan iyo in kale." markaa jawaabtu waa yaan laga hadlin cadaalad daro, cida uu leeyay way ka hadashaa cadaalad darada oo ah xisbiyada mucaaridka ah iyo dadka Somaliland lexejecleeya waa kuwii uu iska dhigi jiray inuu ka mid ahaa inta aanu UDUB noqon, ee ka qaylin jiray wax qabad la'aanta dawlada, waanay dhaami dawlada hada ayaan qabaa, waayo qofku marka uu ogyahay khaladkiisa ayuu xal raadiyaa, laakiin sida ka muuqata UDUB in dhib jirto maba arkaan, markaa maxay sixi.
Cidii Tilmaantana waxa ay moodayaan inay KULMIYE tahay oo kursiga ku haysata.!!! Mar iyana wax laga waydiiyay caruurtii MUDAAHARAADAY iyo sida uu arko xadhigoodii wuxuu ku jawaabay Siciid "Horta waan ka soo maqnaa dalka oo Finland baan joogay, wax faalo oo kalena kama maqal, laakiin mudaaharadku wuxuu leeyahay qaab la maro" waan ka maqnaa dalka oo wax faalo ah oo kalena kama maqal inuu ku dhaafo ayaa u wanaagsanayd, inta uu ku meeraysanayay qiil uu u raadiyo khaladka ay dawladu ku kacday oo aad ka dhadhansanaysay jawaabtiisa inuu warka hayay, sida ay wax udhaceen. Caruurta yaryar ee gadooday inuu dambiga ku weecinayay way iska muuqatay oo uu dawlada ka weecinayay khaladka ay gashay.
Ha ogaado Siciid 100, 000 oo Somalilander ah ayaa u dhintay si ay u mudaaharaadaan, xaqna dadku u leeyiin inay mudaaharaadi karaan, hadii cabudhinta hada lagu hayo dadku sii socoto, meel ka fog halkii ay gaadhay maalintii dhawayd inay gaadhi baa inoo balana.
Long Live Somaliland
Rashiid Abdi