Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Baarlamaan la’aan, Distoor Jahwareersan, Dowlada Tayo-la iyo Mucaarad Hab-la

 

Waxa qorey: Eng. Cismaan Hussien Warsame PhD 

Waxaa Dalkeenu uu soo maray marxalado kala gedisan oo aynu iminka ka soo gudubney inagoo gacmaha is haysana oo si quruxbadan isula kashaneyna oo wada shaqeyneyna

waxaynu ku guuleysaney SUGIDA nabadgelyada oo uu shacbi weynuhu uu muteystey HAMBALYO WEYN. Waxaa muuqata iney u bislaaney fahmeeyna Qiimaha ay leedahay NABADU.

 

 

 

 

Waxa dalka ka dhacay oo xusid mudan doorashooyinkii aftida oo dadka boqolkiiba 97% ay u codeeyeen  oo ay Somaliland halkaa ka abuurantey madama ay heshay kalsoonidii shacbi weynaha dalka Somaliland Waxaa kaloo aftidaa ku lifaaqneyd oo dadku ay u codeyeen Distoorka aynu manta ku dhaqano. Waxa inoo suuro gashey Doorashadii Dawlada Hoose iyo Gobolada degmooyinka. Waxaa aynu ugu danbeyn qaadaney habkii xusbiyada badnaa ee demoquraadiyada oo aynu dooraney Madaxweyne.

 

Waxaa beryahan danbe guux badani uu ka baxayey dad badan oo saluugsan dawlada qaranka  dhaleecayna iyo naqdin badan soo jiitey. Hadaba waxyaabaha ugu muhiimsan ee qayr-dastooriga ah ayaan jeclaan lahaa inaan halkan ku taataabto.

 

Waa maxay waxyabaaha ugu waaweyn ee iminka dawlada lagu saluugsan yahay wax qabadkeeda? Hadii aan u gudo galo qaar ka mid ah kuwaas iyo waxa dastoorkeenu uu ka leeyahay arimahaas.

 

Waxqabadka Warbaahinta iyo Eedymo

 

Sidaad ula socotaan radio hargeysa iyo jaaraa’idada qaar oo gacanta dawlada ku jira lagu kharash gareeyo dakhliga dalkeena oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo maamusha waxa ka baxa iyo waxa ay soo jeedi

Sida uu dhigayo Distoorka qodobkiisa 32aad qeybta 3aad

 

Qodobka 32-3

-         Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  Iagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.

 

Waxaa halkaa ka cad in ay jiri karaan idaacado madax banaan (Privately owned Radia/TV Stations). Laakinse sidaa aynu la socono ma jirto idaacad kale oo dalka ka Hirgashey amaba jirta aan ka ahayn Radio Hargeysa oo aanu FREQUENCYgiisu aanu dhaafin nawaaxiga Hargeysa. Sidaa awadeed dadka ku nool dhamaan gobolada bari, sida Magaalooyinka Ceerigabo, Laascaanod, Ceelafweyn, Badhan, Caynaba ay dhegeystaan RadioGalkacayo; waa idaacad ku hadasha afka Majeertenia taas oo dhegaha dadka Propagando Anti-Somaliland laga sii daayo.

 

Waxaan leeyahay dawladu yaaney ka dhigin hal xusbi hal dal ee sida demoquradiyadu ay ina fareyso ha loo ogolaado muwadiininta iyo dadka ku dhaqan dhamaan degmoyinka Somaliland iney sameystaan idacado war baahin ah oo wacyi gelin waxbarasho, diin iyo dood goboleed laga soo daayo. Hadii uu wasiirka warbaahintu uu ku andacoonayo dadku weli umey bislaan oo reer hebel baa dhici dontaa, Reer hebel baa lagu kaxaystey iyo propagande dadkeenin degenaa Bariga Somaliland oo Majerteina ayaa haysa yaa reer Hebel ahey Waxaa halkaa ku wiiqaneysa Gooni istutaageeni iyo aqoonraadinteeni. Reer Hebel dhici meyso hadii sharciyo loo dejiyo idacadaha iyo Television da kuwaas oo ka mamnuucaya in laga sii daayo wax ka soo horjeeda dastoorkeena. OGOW waxa ina kala hagi kara oo khilaaf kasta inaga saari karaa waa DISTOORKENA.

 

Xeerka Dawlada Hoose

 

Waxaa dhawaan jirey in khilaaf soo kala dhex galay Golaha degaanka Hargeysa ee la soo doortey iyo Maamulka ama dawlada arimaha gudaha.

Waxay ay Golaha degaanka Hargeysa  goosteen in sameysataan tacriifada canshuurta ee magalda hargeysa.

 

Waxaa arinkaa ka hor yimi Golaha Wakiilada oo uu wasiirka arimaha guduhu uu u gudbiyey qoraal uu kaga soo horjeedo tacrifada canshurtee golaha degaanka hargeysa taas oo ay sheegen inuu si cad uga horimanayo Dastuurka Qaranka ee Qodobkiisu u yahay 46aad ee Dastoorka.

 

Qodobka 46aad

“Xeer hoosaadyada Golayaasha  degaanka ee Dawladaha Hoose nooc kasta ha noqdeene waxa loo gudbinayaa Gudoomiyaha Gobolka oo u sii gudbinaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku soo saaraya Digreeto Wasiir.”

 

Golaha degaanka Hargeysa oo iyana ku andacoonaya in qodobka 45aad ee distoorku uu dhigayo una fasaxayo iney tacriifada ay u madax banana yihiiin siduu dhigayao distaarku

 

Qodobka 45aad

“Dawladdaha Hoose waxay u Madax Banaan yihiin Xagna u leeyihiin in ay si toos ah u qataan, Xadeeyaan Tacriifada,  dhimaan cashuurtooda u gaarka ah iyaga oo ku soo saaraya Xeer Hoosaad  soona saarayan Golaha  Deegaanka.”

 

Qodobka 45aad iyo Qodobka 46aad  ee Dastuurku way iska hor imanayaa. Qodabka 45 wuxuu ogalyahay  in Dawlada Hoose u  Madax Banaantahay, xaqna u leeyihiin xeer hoosaad. Qodabka 46 waxaa uu leeyahay waa in Wasaarada Gudaha la soo mariyo, marka xeer la ansixinayo.

 

Waxaa is weydiin leeh, markee buu saxsanyahay distoorku, Labada qolee  is hayaa waxay isku hirdiyayaan iyagoo midba isticmalaya qodobka isaga u fulinaya ama tageeraya doodisaa. Waxaa Haboon in gudi madax banaan la saaro ama in Maxkamad Dastuuriya oo “Madax Banaan” inay eegto qodabadani, dabadeedna saxdo.

 

Meelo Badan ayaa jira DASTOORKEENA oo is khilaafaya una baahan in la saxo oo la kaawiyadeeyo. Waxaa  awoood u  leh BEDELAADA IYO SIXIDA DEJINTA Barlaamanka dalkeena oo ka doodi kara sidii ugu habooneyd ee DALKA IYO DADKA LOO HAGI LAHAA. Lakiinse Madama haatan Barlaamanka jiraa aanu  ku taagneyn Shifo sharci ah ama dimooquraadiya ah oo uuna ku dhisan yahay habkii hore ee aynu ka gudubney ee ahaa Qabiilka ah. Waxaa loo baahanyahay in sida ugu dhakhsaha badan leh la qabto DOORASHADII BARLAAMANKA.

 

Waxayse aniga Mab’da ahaan ila tahay, Dadka Hargaysa ku nooli waxaa ay doorteen golaha Dawlad Hoose, markaa waa in GOLAHANI u madax banaan yahay in ay soo saaraan Xeer hoosad ay cashuurtooda ku urursadaan, si ay dadka soo doortay wax ugu qabtaan, golaha degmad Hargaysa ayaa og cashuurta daboolaysa kharashka ay magaalada wax ugu qaban karaan. 

 

 

Bannaanbax iyo Muujinta Saluuga

 

Waxaa dhacdey dhawaan in dhalinyaro iyo dumar cabirayey dareenkooda ku saleysan wax qabadka dawlada Somaliland, waxay booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabtey dhalinyaradii iyo dumarkii oo si salim ah u banaanbaxayey, sida uu dhigayo Distoorkeenu qodobka Article/Qodobka 32

 

-          Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

-          Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan

 

Waxaa nasiib daro naqotey in la cabudhiyo Xaquuqul insaanka muwaadiniinta Somaliland, waayo hadii ay shacabku saluugaan habka maamulka dalka, waxay awood u leeyihin iney dhiibtaan afkaartooda iyo mab’baadidoda iyagoo si nabad gelyo ah u mudaharadayo oo un banaanbaxayo sida uu distoorku dhigayo iyagoo ana wax dhibaato ah aan geysaneynin. Halkaan waxaan ka codsanayaa in dawladu ay sharciyada dalka iyo kala dabnbeynta ay sugto iyagoo aan isticmaleynin xoog iyo cabudhin.

 

Waxa kaloo oo iyana  dawladu jabisay ku dhaqanka ama hiirogelintii sharciyada dalka

Sida uu dhigayo Qodobka/Article 8

 

Qodobka 8aad

-         Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

 

Waxaa jirta in dad gaar ah ay dawladu cadeysatey iney cabudhiso, ama shaqaale sidii dhacdey berigii doorashooyinka, muwadin kasta xaq buu u leeyahay inuu u codeeyo xisbiguu doono, mana haboona in loo eego arimaha uu qodobka 8aad uu sharaxayo.

 

GolahaWakiilada

 

Waxaay ila muuqataa in hawshii aad qaranka u hayseen aad ka seexateen oo dhaliilo badan aad muteysateen. Waayo kameydaan hadlin khilaafkii Budgekata sanadka 2004 xil iskameydaan saarin sidii aad u baadhi lahaydeen una saari lahaydeen GUDI gaar oo baadha  iney jiraan eedeymihii uu soo jeediyey wasiirkii horee xilka laga qaadey Inji Maxamed Xaashi iyo inkale.

 

Wax dhaqdhaqaaq  oo aad sameyseen ma jiro oo ku wajahan sidii loo abaabulihaa doorashadii Barlaamaanka. Bishii August ee sannadkii hore (2003), ayaa saddexda xisbiga wada fadhiisteen oo ay wada saxeexeen in lix bilood gudahood lagu dhamasytriaa wixii talaaboyin ah ee dhiman oo markaa doorashada baarlamaanku qabsoonto. Wax qabsoomey ma jiraan oo iminka waxaa laga jogaa mudadii dheer dib u dhac aad u weyn ayey ila muuqataa iney ku keentey geedi socodkii Somaliland iyo aqoonsigeenii. Idinka ayey hawshani idin hortaal mudanayal iyo marwooyin fadlan dalka dacaad u noqdoo dhameyey hashwan la idin igmadey. Kameydaan hadlin xagii ay ku danbeeyeen danbiilayashii ka danbeyey dilalkii ka dhacay dalka, ee sheikh, Borame, iyo dubato agteeda.

 

 

Mucaaradka

 

Waxaa aan idiin soo jeedin lahaa oo haboon  inaad daba-gal ku sameysaan oo aydaan ka hadhin sidii ay dawladu ay u qaban lahayd doorashada Barlaamaanka sida ugu dhakhsaha badan. Waxaan kaloo aan idin leeyahay Program Siyaasadeed oo habeysan waa inaad had iyo jeer soo bandhigtaan oo aad jeebka ku sidataan. Methalen Markaad hadashaan maan arag wax Program siyaasadeed aan ahayn dawladu waxaas bey sameysay oo wey khaldan tahay. Dabcan dawladu wey leedahay eedeymo fara badan oo sharciyo badan bey ku tumutey, laakinse idinku maxaad dadka u haysaan oo ka duwan waxay Dawladu hayso? Waxaa haboon in aad ka hadashaan oo aad yeelataan siyaasad ku saleysan Political Agenda hufan.

  

Waa bilaahi tawfiiq

 

Eng. Cismaan Hussien Warsame PhD

 

isman1@engineer.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE