Maxaa keenay in la citiraafi waayo Somliland?
Qore:Khaalid Jamac Qodax - Adis Ababa Ethiopia
Waxa ay aniga ila tahay dhawr arimood oo jira oo xaga xukumada ah waayo waxa aan odhan karnaa xukumada ayaa wax badan oo la qaban lahaa ka gaabstay oo qaban waydya haday tahay siyasada arimaha gudaha iyo haday tahay tan arimaha dibadaba markaa inaga ooo kala qaadayna bal waynu eegin dooonaa waxa ay arintaasi u jirto
1:Hadii aaynu ku horayno arimaha ka jira dalka gudahiisa oo wax badani ay ka mid yahiin sababaha loo citiraafi laayahay somalilnad ayaa waxa ugu wayn ee jiraa waa dacaad la aan ka jirta xaga xukumda oo arintaasi wax daacad ah ka ahayn sababta oo ah hadii xukumadau ay horumarin lahayd arimaha bulshada ee gudaha oo wax waliba ay daacad ka ahaan lahayd wax aan qabaa in wax badan ay is badali lahaayeeen marka aan sidaa leeyahay waxa ugu wayn ee aan u jeedaa ama fikirkaygu uu yahay waa in ay dawladu kharashka badan ee ay ku baxinayso mushaharka wasiirada iyo waliba kharashka kale ee ay ku baxinayso arimaha kale ee sirta ah ee ay doonto iyo waliba wax badan oo sir ah oo in halkan laga sheego fiicnayd oo ay is garanayso dawaladu se waayo waxa la yidhi doqonta usha agteeda ku dhufo haday garan waydana goga u gali markaa waa arimaho iska iman doona in la sheego hadii ay waxa ka qaban waydo hadii ay dawaladu si daaacad ah wax u qabto wax wal waxa ay ka dhigi lahayd in ay macquul ahaaan lahady sababata oo ah dawladu xaga horumarka dalka wax badana ayay ka hagratay dadkii ay doortay waxa aan xasuustaa markii ay socdeeen olalahiii doorashada oo mar uu madaxwayne riyaale ka khudbadeeyay berbera oo ah magaalo madaxda gobalka saaxil in uu yidhi oo ay hadaladiisii ka mid ahayd waxa aan ka dhigi doonaa berbera dubia ama jaban ama wadama horumaray oo kale markaa arintaasi meeday ayaan leenahay madax waynaha iyo kuwuu kale ee uu balan qaaday ee badanaa markaa miyaanay jirin wax badan oo hagrasho ah oo ah xaga dawlada jawaabtu waa haa waxa aan qabaa hadaba in tan citiraafkuna ay tahay mid la mid ah taasi oo kale ee ah balanta beenta ah
2:Hadii aynu ka hadalno arimaha dibada ee somaliland oo intii wasiirada arimaha dibada ee marwo adna oo doortay in waxoogaa ah ka soo kabatay dhibkii haystay hada waaxa aan odhan karnaa amaantii badnayd ayaa ugu dartay adana waayo waa dumar oo waa la yaqaan dumarkuna waxa ay yahiin aniga oo aan jeclayn in aan ku sii fogaaado arintaa hadii aan u so noqdo arintan arimahan dibada safaro badan ayaa adna qabtaa oo dafaha adunaka ah wali wax ay ka soo midho dhalisay lama hayo ee waxa aan odhan karnaa waa wax lagu guul daraystay oo in badan la qaban lahaa hadii wax badan daacad laga yahay arimaha dibada wasarada arimah dibada wax badan ka ma uga waxa kaliya ee ay u baaahan tahay waa aqoon yahano ku ceel dheer cilmiga dublamaasiyada calmakan casriga ah markaa xukumadu xil wayn arintaa ha iska saaro khudbadii madax wayne riyaale ee 18 may waxa uu taab taabtay arimaha citiraafka oo niman ajanabi ahi ay kala shaqaynayaa waa wax la soo dhawaynayo hadii ay xaga dawalada run ka tahay balse dawladu arintaa xil wayn ha iska saarto oo ha ku dadaasho
mid kale dawaladu marka hore citiraafka ha ka raadiso dawaladaha jaarka ah ee dalkeenu jaarka la yahay waayo iyagu la mid maah dawaladaha kale ee dunida oo wax wal oo jira waa ka war hayaan oo ka dhaca dalka oo dhan aniga oo tu saale u soo qaadanaya dalaka aaan joogo ee ethiopia maalin walba waa soo hadal qaada saxafada ka soo baxdaa dhibka iyo waxa ka dhaca somalida oo dhan waliba iyada oo si gaara uga sheekaysa arimaha somaliland iyada oo waliba dawlada kale ee jaarkuna ay sidaasi oo kale ay yahiin marka waxa wayn ayaa looga fadhiyaa dawalada dadkii doortay madaxwaynaha oo aan ka mid ahaa waxa aanu uga fadhinaa in aanu ku dadaalin sida uu mucaaridka iskaga dhicin lahaa ee uu ku dadaalo sidii uu u qancin lahaa dadkii doortay ee codkooda u huray si kastaba ha ahaatee waxa aanu u baahanayn waa dadaaal xaga dawalada ah una badan arintan citiraaf raadinta ee soo jiiidan tahay ee daba dheeraatay waxa kale oo aan madax waynaha kula talin lahaa aniga iyo inta ila fikirka ahiba in uu niman khuburo ah ooo cilmi badan u leh arintan citiraafak uu sameeyo oo daraasad ay ku sameeyaan bal waxan hor taagan waayo dalalka aduunku waa kala go aan markaaba na waa la citiraafaa ee arintan bal nimankaasi ha ka soo shaqeeyaan waxa ay salka ku hayso si xog badan looga helo oo marka shirarka la tagayo loooga sii shidaal qaato
Wa Bilaahi Tawfiiq
Khaalid Jamac Qodax
Adis Ababa
Ethiopia
Email: qodax02@hotmail.com