Jawaabta Cawil kuma qancin shacbiga Somaliland ee meeye 16 Malyan?
Waxa qorey: Cabdi Cabdillahi Xasan, Londond, UK
Waxaan aad ula yaabay jawaabtay xukuumaddu ka bixisay eedayntii Eng. Maxamed Xaashi Cilmi usoo jeediyey xukuumadda Riyaale ee ku dhaleeceeyey inay lunsatay in ka badan 16 Malyan oo doolarka Maraykanka ah. Runtii eedayntu waxay ahayd mid cad uu soo bandhigay xisaab isagoo adeegsanaya macluumaad numbers ah.
Shacbiga Somaliland ee dibad iyo gudaba jooga waxay sugayeen in xukuumaddu is difaacdo oo keento xisaab dhab ah kana jawaabto xisaabtaas Wasiirkii hore ee Ganacsigu ku eedeeyey xukuumadda inay ku siibatay xisaab le’eg miisaaniyadda ay Wasaaradda Maaliyaddu soo bandhigtay ee 22 malyan ah. Haddii sida Ingineerku sheegaayo tahayna miisaaniyadda Somaliland waa 38 malyan oo doolar. Ilaa Soddon Malyan waxaa lunsada xukuumadda Riyaale, halka wax ka yar 8 Malyan ee soo hadhana ay ku baxdo wasaaradaha kale, dadweynahana waxaa kasoo gaadha wax ka yar 1%. Waayo miisaaniyadda ay soo bandhigeen waxay yidhaahdeen in ka badan 52% waxay ku baxaysaa nabadgelyada. Nabadgelyo darro Somaliland ka jirtaana ma ogi ee waxaa ay ku faantaa nabadgelyada aa n haysanno . Markaas waxaaan garanayn halka ay qabato lacagtaasi. Lacagta cashuurta ah ee dadka laga qaadayaana waxay u egtahay in koox yari ku takri fasho.
Waana arrin nasiib darro ah oo ay habboontahay in shacbigu la xisaabtamaan xukuumadda oo ay ogaadaan meesha ay ku baxdo cashuurta laga qaadaa. Waxaana xukuumaddu xaq loogu leeyahay inay cashuurta laga qaado shacbiga ay ku noqoto dadweynaha oo wax loogu qabto laguna daryeelo. Markaas waxaan sugaayey in xukuumadda Riyaale keenayso wax cad oo ay isku difaacdo oo xisaabta lagu eedeeyey aya ka jawaabayso, taasoo aanu wasiirkii Maaliyaddu jawaab habboon ka bixin arrimihii lagu eedeeyey xukuumadda, laakiin sidii caadada u ahayd uu shakhsi weerary Eng. Mohamed Xaashi Cilmi. Bal haddii fiiri hadalkiisa wuxuu yidhi Maxamed Xaashi waxaa meeli go’day markuu noqon waayey wasiirka maaliyadda, Waxaany Mr. Cawil ku eedeeyey Eng. Maxamed Xaashi inuu computerkiisa macluumaad ka xaday, wuxuu ku eedeeyey inuu warqado fooljarigareeyey, wuxuu ku eedeeyey in Engineerku u dhaqmay siduu yahay Wasiirka Maaliyadda iwm. Waxaanu ku tilmaamay inuu matagay fiiri hadalkiisii wuxuu yidhi Cawil: “ruux marka shaqada laga qaado nina si sharaf leh ayuu gurigiisa u tagaa nina wuu iska matajiya), Mr. Cawil wuxuu hadalkiisa kusoo gunaanaday :“nin shaqo laga eryayna Tolaaydiisa shacbigu way ka koreen”). Kuwaasoo ah arrimo shashsi weerar ah oo ka baxsan arrimihii siyaasadeed ee laga hadlaayey sidoo kalena Mr. Cawil wuxuu isticmaalay erayo aflagaado ah oo diblomaasiyadda ka baxsan. Hasayeeshee maaha markii koowaad ee Mr. Cawil uu shakhsi weeraro siyaasiyiinta Somaliland. Waxaanu horuu weeraray Cabdi Aw Dahir, Mr. Siilaanyo.
Waxaa kale uu si xun u weeraray Jama Mohamed Qaalib sannadkii hore markii Hargeysa lagu xidhay. Mr. Cawil wuxuu kaloo afkiisa ka qirtay inaan miisaaniyadduu soo bandhigay aan sax ahayn Mr. Cawil isagoo arrintaas ka hadlanaya wuxuu yidhi: “ma jirto miisaaniyad sax noqota caalamka oo dhan ,maraykan oo dunida ugu dhaqaale badan ilaa kolay ku taahy afrika”. Mr. Cawil isagoo isku dayey inuu dejiyo dareenka laga qabo in xukuumaddu lunsatay xisaab fara badan wuxuu sheegay inay jiraan qarash ku baxay looyaro qaddiyadda Somaliland u olaleeya. Sidoo kalena qarash badani ku baxay ciidamada la geeyey gobolada bari ee Somaliland. Markaas ciidamada gartay oo dhaqaalahii dalkaba waxaa loo qoondeeyey in ka badan 50%, laakiin looyarada qaddiyadda Somaliland ma waxaa la siiyey 16 Malyan. Sababtuna waa maya ee xisaabtuu tebaayo Maxamed Xaashi waa tii lagu galay doorashadii aan soo dhaafnay ee loogu olaleeyey sidii loo dooran lahaa xukuumadda hadda talada haysa, iyo xisaabta kale ee loogu talogalay doorashada Baarlamaanka ee soo socota. Ugu danbayna sidii caadada u ahayd Mr. Cawil wuxuu si shakhsi ah u weeray Eng. Mohamed Xaashi laakiin ma difaacin eedayntii caddaanka ahayd ee loo soo jeediyey, mana keenin xisaab sugan oo uu ku qanciyo Mohamed Xaashi iyo shacbiga kale ee ka shakisan qorshaha miisaaniyadda xukuumadda Riyaale ay soo bandhigtay.
Waxaana xukuumaddu ku fashinlay inay dadka ka qanciso eedayntii loo soo jeediyey, taasoo xoojinaysa shakigii laga qabay inuu eedaynta Mohamed Xaashi ay wax ka jiraan. Haddii aan xukuumaddu shacbiga ka qancin xisaabtaas la tebaayana waxaa caddaanaysa inay xukuumaddu si badheedh u lunsatay hantidii qaranka ee loo igmadaw inay ilaaliyaan, aanay lamid tahay waardihii baanka ilaalinaayey, ee isagii bangigii dhacay. Dad badan waxaa ay iswaydiinayaan in xukuumadda Riyaale ee qancin kari wayday hal wasiir oo ka tirsanaa xukuumadiisa , oo markay qanci kari wayday adeegsagtay awooddii qaranka oo shaqadii ka fadhiisay Wasiirkii. Markaas siday xukuumadda Riyaale u qancin kartaa 3 Malyan iyo badh shacab ah oo wada Mohamed Xaashi oo kale ah? Dhinaca kalena miisaaniyaddan hadda loo gudbiyey golaha wakiilada ee hortaala si loo ansixiyo , maaha tii saha ay hore u ansixiyeen golaha wasiiradu ee waxbaa laga badalay.
Waxaana gunnadii loo kordhiyey golaha wakiilada si loogu laaluusho oo ay u saxeexaan miisaaniyadda muranku ka taagan yahay iyadoo aan si waaqici ah loo eegin doodna looga keenin. Maantana waxaa xilku saaran yahay golaha wakiiladda waxaanan leeyahay maanta idinka shacabka Somaliland idin sugayaa gudo iyo dibadba waa inaa garataan waajibaadka idin saaran. Dawladda Riyaale xilka idiinma dhiiban xukuumaddana uma adeegtaan, waxaa xilka idiin dhiibtay oo idin doortay oo wakiil ka tihiin shacbiga Somaliland, waxaana habboon inaa iyaga u adeegtaan. Golaha wakiiladuna waa inaanu noqon mid u adeega danta xukuumadda ee waa inay u adeegaan dantaguud waa jibkooduna waa inay sameeyaan sharciyada una dhaxeeyaan xukuumadda iyo shacbiga. Waxaanay dabar u yihiin inay qabtaan oo la xisaabtaan xukuumadda. Markaas miisaaniyaddaas oo muran badani ka taagan yahay waa inaydaan duuduub u luqin oo iska ansaxin oo horta waa in lala xisaabtamaa xukuumadda Riyaale. Xukuumadda Riyaalana waa inay keentaa horta xisaab xidhkii saddexdii sanadood ee lasoo dhaafay ee 2000, 2001, 2003 inta aan la ansixin tan maanta.
Waa mahadsantihiin,
Cabdi Cabdillahi Xasan, Londond, UK
ahassan113@hotmail.com