UMULO DOOXYADII iyo UUS AASYADII FAQASHTU,MA BADBAADI DOONAAN(mar ay noqotoba WALEE WAY DHADHAMIN waxay dhigteen).
Morgan,gandhi,canjeex,tuke,green,buule,koore jaan,iyo kuwii kale ee la midka ahaa.
Waxa qorey: CALI CUMAR XASAN
Magacyadan oo qofkasta oo somalilander ah,oo maqlaa uu xasuusanayo,umulo dooxis,dad nolosha lagu gubay,dad nolosha lagu googoyay,DIL,kufsi,dhac,ciqaab ka baxsan in ay garasho wanaagsani garan karo,burbur,baa ba,uus aas,guluf iyo colaad iyo reero la gabagabeeyay,geeri iyo dabar goyn,iyo nolol la rogay.ayaa waxa la yaab leh in kuwii waxaas oo dhib ah gaystay ay ku murmaan ama ku doodaan, ma gaysan anigu waxaa,ama waxan ahaa askari amar qaata,ama waa la ii sameeyay ee wax ka jiraa ma jiraan.wax haba yaraatee iyaga laga waydiinayaa ma jirto,ama ha ooyaan ama ha baryootamaan,ama jilbaha dadka ha qabsadaan,wax ama cid wax u taraysaa oo ka saaraysaa ma jirto ha adkaystaan oo xiniinyihii ay markii hore isku hubeen imikana ha kaga baxaan.noqon maayaan dadkayagii la xasuuqay,kuwo sidaa taariikhda iyaga oo aan la xusin ku gala,noqon maayaan..waxa aan u sheegayaa qofafka aan kor ku xusay iyo kuwii la midka ahaa ee iskaba daa qof ay dilaan,ama silciyaane xagtin noo gaystay,inaanay meelnaba ku nabad galayn,waa wax ay sugi doonaan oo helayaa midhahii ay beereen macaankooda,waxa ay dhadhamin doonaan tacabkoodii,tii oo aan wax haba yaraatee laga dhimayaa jirin,waxa ay iyaga iyo intii la hal maalaysay laba liqi doonaa dhibtii ay gaysteen oo dhan.noqon maayaan DADKAYAGII NOLOSHA LAGU GUBAY AMA LAGU GOOGOOYAY AMA LAGU AASAY qaar aanaan u aarin,HAKU BISHAARAYSTAAN inaan looyar iyo qareen iyo dafiraadi wax u qabanayn kuwii waxaa noo gaystay,taa haku bishaaraystaan.waanu ognahay qof kasta oo dhib noo gaystay,halka uu joogo iyo waayaha uu ku sugan yahay.uus aaskii dadkayaga,umulo dooxistii dadkayaga,googooyntii iyo gubistii dadkayaga,baabiintii iyo burburintii dadkayaga,dabargooyntii,iyo gaba gabyntii noloshayadu maaha mid SHEEKO DHAMAATAY AH oo laga gudbay,noqon mayso mid halkaa ku abaada.waa ay nooshahay waana ay noolaan doontaan.ha adkaystaan nacabka dhagar qabayaasha ahi oo ha sugaan marka aanu u nimaadno.wax kale oo u furani ma jirto.ilaahay ha u naxariisto dadkayagii gacanta cadaawaha ku dhintay.aamiin aamiin aamiinWALEE waa la xasuusan yahay dadkayagii llana ilaawi maayo.CALI CUMAR XASANqodaalafraa@hotmail.com