Ninbaa yidhi weligay la Igama dheerayn oo xaga Dadku u ordaan maahee xaga kale ayaan u ordaa
Qore: Yusuf Dhamac Xassan - London
Ilaa maalintii ay hogaanka dalka qabteen xisbiga UDUB oo imika hal sanno iyo dheeraad hadii la is waydiiyo maxay UDUB qabteen? ma rumeeyeen balan qaadkii wixii ay balan qaadeen? mise xaaladii markii hore dalku ku jirey inay kasii xumaato mooyaane wax ay tareen ma jirto, caqliga fayow ee si saxa u fikiraya ee aan Caadifiga ahayn ama ujeedo qabiil ku jirini dan gaara oo ku qabo wuu arkayaa in xisbiga UDUB aanay waxba dalka iyo dadka midna u qaban oo ay waliba markii hore meeshii ay noloshu maraysey ayey hoos uga sii dhacday.
UDUB waxaynu odhan karnaa iyagoon lahayn barnaamij siyaadadeed iyo mid hogaan oo u diyaarsan oo ay markii horeba ugu talo galeen inay ku hagaan talada dalka ayey qabteen talada wadanka waxaynu odhan karnaa horta ujeedadoodii way gaadheen in ay KULMIYE IYO UCID ay ka guulaystaan, iyadoonu imika hadal ka taagnayn sidii ay u guulaysteen sax iyo qalad mid kay doonto ha ahaatee.
!) NABADA .
Nabadu sida la wada ogsoon yahay hadaanay jirin nololi ma jirayso, hadaba intan xisbigani talada hayeen nabadii waa sidee ? ma odhan karno nabadi ma jirto, lakin nabadii jirtey ee hore ee jirtay intaanay xukunka qabsan imika ma jirto, way ka xumaatay sidii ay markii hore ahayd, waxaynu odhan karnaa way joogaan hayadihii dawliga ahaa ee markii horeba nabada ka shaqaynayey marka dhinaca shicibka laga reebo, hadaba su”aasha is waydiinta lihi waa maxaa helay hayadihii ku shaqada lahaa? nabada waxaynu odhan karnaa way ka jeesteen nabadii, waayo ilaa maalintii lagu dhawaaway Somaliland oo dhawr maamul soo maray wadanka may dhicin dilalkan noocan ah ee ugu danbeeyey ee imika ka dhacay wadanka, waxaynu odhan karnaa markii kii ugu horeeyey dhacay ee la arkay in dawladu s/land meel kale ku jeedaan ayaa cadowga Somaliland ku dhiiraday in ay sameeyaan qaar kale, waxaynu odhan karnaa qaar kale oo soo socda oo ka daran ayaa iman kara hadii aan wax badan la badalin,
waxaan ku hanbalyaynayaa shicibka Somaliland ee u foojigan nabada wadankooda.
2) CAAFIMAADKA
aduunyada oo dhan waa wax ay isla yaqaanaan in caafimaad ku yahay tiirka ugu muhiimsan ee nolosha, in kasta oo ay ka sinaayeen ilaa xukunadii hore ee s/land kasoo talinayey oo mid wax ka qabatay wax la taaban karo xaga caafimaadka aanay jirin balanqaadkii xisbiga Udub waxaa ka mid ahaa inay wax ka qabanayso xaga caafimaadka hospitalada walina waxba kamay qaban.
3) CADAALADA .
cadaalad hadii la waayo bulsho ma jirayso waana wixii ay ku burburtay dawladii Afweyne , waa sidee cadaalada Somaliland maanta ? intan hogaankani talada wadanka qabtay isagoo waliba ay u horeysay waxyaalihii uu riyaale balan qaaday inuu wax ka qabanayo imika waa sidee hadaba? Garsooraan bedelay oo mid kale keenay maaha cadaalad ayaan wax ka qabtay, waxaynu odhan karnaa qaab saaxiibtinimo ayuunbaa looga qaabay garsoorayaashii hore oo kuwan loo geeyey maadaama aanay jirin wax is bedelayba, waliba iska daa wax fiican oo ay ku bedelaanoo way kasii dartay, waxaa kuu cadaynaya arimaha maanta ka dhacaya wadanka ee ay ka mid yihiin in dad masaakiina iyo qaar danbi galayba intaa la rumaan gareeyo ka dibna jeelka lagu iloobo, eeg war bixintii ay guddidii golaha wakiiladu soo saareen,”iyagaa dadku baraya laaluushka garsoorayaasha waa hadaladii uu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada Sarre , hadaba waxaynu odhan karnaa dadka sidaa u fikiraya ayuu hogaankani maanta inoogu dhiibay cadaalada, cadaalada maanta hadaan wadanka maanta ka jirta hadaan wax laga qaban si degdega waxaynu odhan karnaa Somaliland ma sii jiri doonto.
4) WAXBARASHADA
waxaynu wada ogsoonahay in aanay dhinacan hogaanka talada hayaa uba jeedin xagan wax barashada, waxaa aad u dulman da"yartii Somaliland oo aan helin wax barasho ku filan iyagoo waalidada qaarkood awoodi waayey fiiga (gunada) laga qaado ardayda iskuulada dhigata sidaas darteed kumanyaal caruura oo reer Somaliland ahi ay taagan yihiin suuqyada qaarkoodna ay akhlaaq xumo badan ku barteen suuqyada, waxaynu odhan karnaa cid u maqan ama dawlad ku fikiraysaan maanta inoomay dhalan.
5) BIYAHA .
Biyuhu waa lagama maarmaan oo la"aantoodna nololi ma jirayso, hadaba hogaanka talada hayaa iska daa inuu dalka biyo wada gaadhsiiyo e waxaa ku cad in war bixintii ay soo saareen Guddidi Gollaha Wakiiladu in xitaa gawaadidii ay lahayd wakaalada biyuhu oo sideed ahaa ay xumaadeen oo la iska dhigay Maareeyaha Wakaalada biyuhuna uu wato B/buur kiro ah qiimaha uu ugu kireysan yahay intuu doono ha le"ekaado e, waxaa jirta in ay dadka ku nool iska daa meel kale oo Caasimada Wadanku aanay helin biyo ku filan, habeenkii saqda dhexe iyo xiliyo aanay dadku sooba jeedin ayaa lasoo furaa qasabadaha biyaha taasoo keenta in dadku ay habeenkii usoo jeedaan, qiimaha biyaha oo aad ugu qaali ah dadka danyarta, iska daa guryaha oo la wada galiyo qasabadaha biyaha e, waxaa jirta xitaa in goobaha dadku ay ka dhaansadaan ay aad u yar tahay marka loo eego caasimada oo imika dad aad u badani soo degayaan maalin kasta , waxaa aad u qaali ah qiimaha gelinta biyo galinta oo ay dadka danyarta oo dhami aanay awoodi karayn, waxaa ayaan daro ah inkastoo lacagta kale ee cashuurta ee dadweynaha laga qaadaba aan la garanayn meesha ay marto iyo waxa lagu qabto hadana yacnii mas"uul kii lagu dayan lahaa oo isagu lacagtii biyaha bixin la" , wasiirka Maaliyada maalintii dhawayd ee loo doonay lacagtii biyaha oo ku biirtay dagaal ayuu kala hor yimid isaga iyo askartiisii ilaalada ahaydba shaqaalihii wakaalada biyaha taasoo waliba qaarkood nabaro loo gaystay, taliyihii ciidanka booliiskuna amar ayuu ku bixiyey in ciidan booliiska ah ee la shaqaynayey shaqaalaha wakaalada biyaha in laga soo qaado, taasoo sida uu sheegay masuul u hadlayey wakaalada biyaha uu sheegay in hawshii ururinta cashuurta biyuhu hakatay GEELA AWR KIISII DURDURIYEY AARANKIISA MAXAAD U MALAYN.
6) D/HOOSE IYO GOLAHA DEGAAMADA
waxaa gobolkasta oo iyo degmo kasta oo s/land ah haysta dhibaatooyin badan oo ay ku hayaan masuuliyiinta goloha degaanku ,waxay qabtaanba ha joogtee, waxaa hubaal ah in boobkii dhulka iyo cashuurta d/hoose uun la isku haysto, ilaa muddadaas aynu galnay nidaamkan xisbiyada ee ay talada la wareegeen xusbigan talada hayaa wali wax la taaban karo oo ay qabteen ma jirto. Mushkiladooda iyo iyagii oo is haysta ayaad maalin kasta maqlaysaa, wax ay ka badaleena ma jirto hoggaanka dalku, waxaynu odhan karnaa markii hore ayaabay ka fiicnayd imika way ka sii dartay.
7) CIIDANKII BARRI TAGEY EE S/LAND MAYE
waxaa la og yahay ciidankii qaranka ee Somaliland markii uu hogaanka dalku ku dhawaaqay in xuduuda wadan ka la sugo in ay sadexda xisbi iyo labada goleba isku raaceen in xuduuda la soo taabto ciidan badan ayaa loo qaaday barri, suaashu hadaba waxa weeyaan maye ciidankii, waxaynu odhan karnaa jaho wareerinbay ahayd xuduuda ayaa la soo taabanayaa ee daacad kamay ahayn hogaanka dalku waayo ciidankii intaa la raray ayaa ilaa maanta waxay iska dagan yihiin meel aan xadkaba u dhawayn, waxaa maalin kasta kasoo goosta ciidanka putland oo ay soo galaan xagan ciidanka Somaliland, waxaynu odhan karnaa markay ogaadeen hogaankan Somaliland in aanuu dagaal iyo nabad midna ku sugayn xuduuda ayaa way usoo shaqo tagaan ciidankii barri loo qaaday waxaynu odhan karnaa wuxuu noqday sucuudigii loo dhoofayey ee laga soo shaqaysanayey waana mid ay ugu talo galeen hogaanka dalku.
8) NIMANKII LOO HAYEY DILALKII AJAANIBKA XAGEE WARKOODU KU DANBEEYEY :
Nin dawee la leeyahay danbi uu badh leeyahay xalka doon la leeyahay isagay u darantoo inuu daro ma ogola deebaaqda mililka leh waa murtidii Abwaankii kii Weynaa ee Gaariye, waxaynu odhan karnaa intee ka danbaysay dhawrkii dil ee loo gaystay dadkii ajaanibka ahaa ee u shaqaynayey hayada samofalka, maxaa maxkamad loo hor keeni waayey? Ma aqoon ay ku baadhaan hogaanka dalku ayanay lahayn? Akhristayaasha ayaan u daayey inay ka jawaabaan su:aalahaas.
9) SHIDAALKA DALKA
waxaa jira ganacsato badan oo dalka ku nool oo hadii la siiyo ruqsada keenista shidaalka ay hubaal tahay in ay noqon lahaayeen niman tartama oo keena shidaal badan isticmaalka haamaha dalkana si la qorsheeyey u wada isticmaali kari lahaayeen qiimaha shidaalkuna ka jabnaan lahaa qiimaha imika, inkastoo ruqsada keenista shidaalka Shirkadan imika qandaraaska ku haysata ay siisay dawladii hore hadana maanta hogaanka dalka hayaa waxba kamay badalin, maxaa keenay wadanka dhan ee s/land in Shirkad kaliyi Qandaraas ku haysato keenista shidaalka ? Shirkadan ma Hogaanka talada haya aya wax la leh? Shirkadan xuurtada inagu haysata maxay u daawanayaan?
10) HANTI DHAWR KA QARANKA
Waxaan filayaa in wasaaradan iyo shaqadeedii laga maarmay ama ay mas"uuliyiinta hogaanka hayaa aanay doonaynba dee wax hanti dhawra waayo wali miyaad maqasheen hanti dhawre qaran ayaa waxaa yidhi ama waxaas oo la xadayo qabtay, waxaynu odhan karnaa hanti dhawr qaran hadaanuu jirina dawladi ma jirto,
waxaynu odhan karnaa waxaad moodaa in la yidhi : MAGACAAGA LA MAQAL OO MUUQAAGA LA WAA WASAARADAHAN :
11) XANAANADA XOOLAHA IYO DAAQ
12) WASAARADA CAAFIMAADKA
13) DHALINTA CIYAARAHA IYO SPORTIGA
14) MACDANTA IYO BIYAHA
15) HAWLAHA GUUD IYO GURYEYNTA
16) WASAARADA QORSHAYNTA
17) DIB U DEGINTA
18) HIDAHA IYO SUUGAANTA
iyo qaar kale oo badan.
Cadaanow cibaarada aduun, galinba waa cayne
Anoon ciil ba ii hayn gabay, cutubyadiisiiba
Caashaqna ima hayn saaxiib, iyo kii cilmoo kale
Awrkii cuslaabaan arkaa, oo caynkii dheeliyaye
Cidhif kasta Somaliland, caqli ha loo raadsho
Mujaahidiintii faqash ciilayee, laga cashayn waayey
Caruurtiyo agoomaha iyo maatida, calanka hoos joogta
Kuwii ceelkan usoo naafoobay, ee cagaha soo belay
Kuwa calankaas maanta, curadadooda ku waayey
Biyaad cabsiisay SNM, kuwii lagu cadaabaayey
Cuud iyo xoolaba raggii, casar ku caydhoobay
Maatadan la cabudhiyey, ee cunaha loo joogo
Cunto daa la siiyee, kuwaa jeelka lagu ciiley
Wixii Cashuur laga ururshana, la laba cantuugaayo
Ciladahaas oo dhan baan rabaa, inaan cadeeyaa
Cod dheer iyo canaan, iyo cabasho weeyaaan
Cashar weeye baaq caama ah cutubyadiisii
Awkii cuslaabaan arkaa, oo caynkii dheeliyeye
Cidhif kastaba Somaliland caqli ha loo raadsho
Ragg is carriyey oo waa hore, Ciinka sare jooga
Oo kii cararka dheereeya, dadku cisaynaaayo
Oo fagaare caama yimidoo, bulshadu ceeryoontay
Oo kii cayaartaas badshaana, calanka qaadaayo
Codkii siidhigaa lagu dhuftiyo, carooga yeedhiisa
Cararkii rag badan yaace, oo cidhifna eegayne
Cabdiyoo ordaayaa is yidhi, cumarna sii dhaaf
Cawaj buu u rooray Cali, meelaan cidiba eegayn
Dadkii kusoo ceeryoome ninkan, cajabta yaabkiisa
Caqligiisa hadalyoo yidhi, cawayska aan joogo
Cidla’ uunbaan u rooraa meelaan, cumar I dhaafayn
Kuwii caynkaas oo waliba, cudud inoo yeeshay
Ayaa cidhif kasta Somaliland laba cantuugaaya
Ictiraaf aan curanbaa, bulshada lagu cawaysiiyaa
Cadaaladii kasii dartay, iyo laba canlayntii
Xadkaan soo calaamadin, iyo mee cidhifyo xaydkii
Caynabaa la dajey ciidankii , oo cararkii beenowye
Cadaankii raggii laayey, baan ciddii wax yeelayne
Cod dheer iyo canaan, iyo cabasho weeyaaan
Cashar weeye baaq, caama ah cutubyadiisii
Awkii cuslaabaan arkaa oo caynkii dheeliyeye
Cidhif kastaba Somaliland, caqli ha loo raadsho
Inta rabbigood caabuda, ee culimo waaweyna
Inta aan caadifiga ahayn, ee caqliga loo dhiibay
Inta cadd ku u damqanaayo, ee calanka hoos joogta
Inta wadina caan ah, ee ciidda hoos u eegta
Cishriin sanno kuwii hawd joogee, cadday ka dhuubnaatey
Inta maatadaas la ciillay arkaysee, lagu ciyaaraayo
Cidhif kastaba Somaliland caqli ha loo raadsho
YUUSUF DHAMAC XASAN
Email: AAR9923@HOTMAIL.COM
LONDON