Shicibka Somaliland maxay uga hadli-waayeen Labada Gabdhood ee la jiidh Dilay
Waxa qorey: Dr. Shacabi - California, USA
Waxaa ayaan darro weyn ah in maanta Somaliland xukuumadiisu ay si cad oo badheedh u jiidh dileen laba gabdhood oo ka mid ah aradaydii dhawaan laga qabtay mudaharaadkii May 18, 2004.
Labada gabdhood oo Booliska Somaliland jiidh dileen markay qabteen labada gabdhood oo mid ka mid ah ilmihii ka soo duulay midda kalena la sheegay in dhabar furani ku dhacay oo ay dhiig baxayso. Labadan gabdhood oo la keenay dhakhtarka Hargeisa loona diiday in shicibku booqdo ka dib markii la maqlay xaaladooda, ayaa la sheegayaa in markiiba laga qaaday dhakhtarkii ay ku jireen illaa iminkana aan la ogeyn meel la geeyey, inkastoo wararka qaarkood sheegayaan in lagu celiyey jeelka.
Waxaan ka codsanyaa Shicib-Weynaha Somaliland, Golaha Gurtida , Wax-garadka, Aqoonyahanadda, dhallinyarada iyo Ururrada Haweynkaba inay Baaq Furan oo canbarayn u soo jeediyaan Dawlad ku sheega Dahir Riyaale iyo xukumadiisa oo ku xadub-gudubtay xeerka xornimadda qofka, gaar-ahaanna hanweynka.
Sida sharcigu dhigayo qofka haddii dembi lagu soo oogo waa in 24 saacadood gudahood la hor keenaa maxkamad, laakiinse in qofka layska xidho sidii neef xoolo ah oo weliba la jiidh dillo waa mid ka baxsan xeerka adduunka ee ilaaliya xuquuqda qofka bani'aadmka iyo sharciga dimuquraadiyadaba.
Waxaa wax aad looga yaqyaqsooda ah in Dawlad raadinaysa Aqoonsi iyo Dimuquraadiyad loo dhan yahay oo haddana dhallinyaradiisii sidaa ugu takrifalaya. Waxaa mudan in la sii daayo labadan gabdhood ee la jiidh dilay oo labaduba uur lahaayeen, iminkana mid ka mid ahi ay ku ilma wayday tii kalena la filaayo inaysan iyaduna arrinteedu wanaagsanayn. Waxaa iska cad in xad-gudub weyni meesha ka dhacay, arrintana mid la yaraysan karo maaha. Waxaa loo baahanyahay in arrintan si deg-deg leh wax looga qabto, ragga askarta ah iyo madax ku sheegga amarka siiyeyna la hor keenaa maxkamad deg-deg ah, waa haddii meesha rajo ka sii muuqato haddii kalese waxaad ogaataan somalilanders inaan meesha dawlad dadkeeda iyo dalkeeda daryeelaysaa aysan meesha ka soo naaso-caddeyn dalkuna uu ku suganyahay khatar weyn oo haddaan si dhakhso leh looga badbaadin laga dooni doono meel fog.
Waa wax aad looga tiiraanyoodo in maanta somaliland oo hiigsanaysey meel fog ay falalkaas oo kale ka dhacaan.
Somaliland waxay u baahantahay in mar kale ay dadkeeda iyo dalkeedan la baxsato, haddii kale dhaankii hore oo kale ayaa weli heeryeysan.
Somaliland Ha Noolaato,
Dr. Shacabi
California, USAMohmedon@aol.com