GOAAN WADARI LEEDAHEY
Waxa qorey: Ismacil M. Gadiid
Xujo,
xurguf iyo xeeldheeri durugsan intuba waa astaan ku suntan madal ay guurti,
garasho-yahan iyo xeer beegti <<<dhamaan si wadajir ah uga siman ALLAH
ka cabsi>>> isugu timid si ay u jaan gooyaan talo lawada leeyahey,
farsamada ugu weyn ee daadihinta iyo dhiraandhirinta hawsha ayaa lagu tilmaamaa
in ay tahey horeeysiinta inta laysku raacsan yahey/laysku ogol yahey,
si ay u abuurto jawi qurux badan gogol dhigna ugu noqoto halka loo
tukubayo, kolkaad dheehato maanta iyo sidey farsamadu tahey waxaad odhan kartaa
aad bey u kala fog tahey maxaa yeeley qof xal u doonaya arin loo siman yahey
lalana wadaago oo waxaad arkeysaaa ka bilaabaya halkii ugu fogeyd oo ah mid
cadho gelineysa dhinicii kale ee arinka la wadaageyey wuxuuna ka rabaa
garowshiiyo, garaadkii oo cawajka u shaqeeynaya iyo caqligii oo hore u suuley,
sooyaalkii oo isna dhugashaba daayoo aad odhan karto lama dhaadin ayaan u
nisbeyn karaa dhacdooyinka fooshaxun, fikirka lunsan iyo maamul xumada baahsan.
Tagta
kastaaba taariikhdey ku sugan tahey, tilmaan maldahan ayey u tahey joogto kasta
waxeyna tiirisaa riddada tamarta timaado kasta,
si toggan kolkey horjoogayaasha bulshadu iskugu taxalujiyeen iney ka
turjubaan sooyaalka, falanqeyn dheer ka dib la garwaaqsadey dhibtii shaley soo
noqdigeedu inuu nusqaan iyo
dhinaasho ku yahey nolosha maanta iyo berri,
dabadeed halkaasiba cidi kasii qaadin iyadoo u baahneyd in si cilmiyan ah
loo odoroso ka dib la dhaxlo hab-dhismeed u noqda tabbeele aaney kasoo gudbi
karin dhibtaasi(early warning sysytem).
Masiir
umadeed, aayo dal, oo lasoo wadey inka badan 20 sanadood qiime aad u sareeyana
la siistey ma geyaa inaan ilaa hada indhoow garadkeedu(aqoonyahanada) isla
waafiqin gunta xaajadu iney ka fog tahey qori qori ku taag, hebel hebel ku xumee,
UDUB iyo KULMIYE, FAQASH iyo SNM.
Ma
tahey ama ma joognaa xilli aynu garwaaqsano ineynu nidaam u baahan nahey? Mise
xaalku waa caato waa lagu gam’aa? Mudo intee le’eg oo danbe ayeeynu ku
luminaa hebelo? Si dhaba ma u darsi karnaa qaladkii 1960-kii dhacey? Ma ka
jawaabi karnaa su’aalaha faraha badan ee la laaley si aaney inoogu soo noqon
xilli aynaan u daafad heyn?
Sidey
aniga ila tahey waxa la isku ciqaabaa waa garashada ood ku lunto, si badheedha
ayeeynu badankeenu isu luminaa ee ma isku deynaa oo ma u baahan nahey dariiq
sadexaad oo aan aheeyn labada hada madaxa iskula jira ee aynu badankeenu ukala
suntan nahey iyagoon mabdi’iyan kala duwaneeyn, ma isku deynaa ineeynu dhab
ahaan uga jawaabno waxan qaldan ilaa 1960-kii oo aan odhan karo xidhiidh la
taaban karo ayaa ka dhaxeeya
dhamaantood, hebeladan riwaayada
jilaya ee kolkuu midi dhintaba mid kale badaleyo weynu ku daalnaye umana
taagheyno 100,000 oo dhalin yara oo
50 sano ka dib aynu sadqeyno ee hada ma isku deynaa toosinteeda maandeeq,
goormeynu gaws dambeedka ku qabsan doonaa in aan faro xinne leh guudkood la
inagu siinin maandeeq.
GO’AAN WADARI LEEDAHEY
NINKA
GOONIDIISIYO
GAARKIIS
U MAAMULA
GARASHAA
KU TIDHI YEEL(Hadraawi).
I
M Gadiid gadiidsomland@hotmail.com
LONDON