![]()
Jawaab celis ku ganan labaada maqaal ee kala ah ;HARGAYSA MA
TOOSTAY BAAQA SULDAANKA SACAD
MUUSE.ku ganan Labada Maqaal
Jawaabcelis
Articles / Articles
Date: May 26, 2004 - 12:18 AM
Marka hore salaan dhamaan akhyaarta reer Somaliland oo aan leeyahay SOMALILAND
HA JIRTO OO HA JOOGTO Intaas ka dib,waxa isa soo taraya oo malinba maalinta ka
danbaysa ku soo badanaya
madasha xorta ah (WARFAAFINTA reer somaliland) ee dadka reer Somaliland ay sida
quruxda iyo qiimaha leh ee garashada balaadhani ku jirto ayisugu -sheegaan waxna
isku tusaan haday tahay ;danta dalkooda,dadkooda iyo dawladoodaba.aragtiyo kala
duwan oo qaarkood ka durugsan yihiin kana baydhsan yihiin
Xaydaankii u oodnaa dadka reer Somaliland, xaydaankaasi oo ah imd runtii aan
cidhiidhi ku ahayn qofnaba,oo meesha uu doono iyo waxa uu doono qof kastaa ka
hadli karo oo ah "afkaa yuu ku ciilin & yeeshee hadana mid ayaa
jirta ku haboon qof kasta oo inaga mid ahi in uu xeeriyo,taasi waxa ay tahay
aragtida aad qoraysaa ha ahaato mid haysata marinada u qoondaysan ama u jeexan
& wax is tuskeena oo ah marino aan habowsanayn waxa aad ka hadli kartaa wax
kasta oo aad doonto,inkasta oo shaandheeyayaashu (webmasters) ay iyagu daw u
leeyihiin aragtida shaandhada dhaafi
karta iyo ta la joojinanyo,hadana adiga laftigaagu inta aanad soo bandhigin eeg
oo is waydii maxaaa dan ah ee uu leeyahay maqaalkaad qoraysaa,maxaa aad ku
biirinaysaa dadka akhrisanaya ee wax tar ah jaadka uu doono ha ahaado wax
tarkaasi waxa kale oo iyaguna jira maqaalo ay qoraan dad is maqaar
saarayaa oo huwanayaa magaca somaliland garashaddooduna ay siisay inay wax ku
yeeli karaan maqaalo aan hufnayn oo ay ka qoraan somaliland dalkeeda,dawladeeda
iyo dadkeedaba,kuwaas oo marka aad akhrido aad garanayso inay xaydaanka
Somaliland ka baxsan yihiin,xaydaankaas oo ah(somaliland waxa ku taaba gashay ee
ay ku taagan tahay,wada tashi,wax is tusaalayn,iyo wax isla toosin)dadka reer
somaliland waxa uu dhankasta ha ka eego oo aragtidiisu qofka dhinacay doonto ha
ka timaadee ku soo arooraysaa,sedexdaa qodob ee kala ah,WADA TASHI,WAX IS
TUSAALAYN IYO WAX ISLA TOOSIN......waxa aan marnaba ku jirayn qofka reer
somaliland ee xalaasha aan ka suurta galayn inuu qoro maqaal uu aragtidiisa qof
ahaaneed is leeyahay ku kala tuur ama turaanturee somaliland.qof kasta oo
qoraana waa qof aan sinaba ugu qalmin inuu noqdo somalilander xalaal ah,oo aan
ku magacaabayo is MAQAARSAAR waxana marag ma doon ; oo aan muran ku jirin inay
Somaliland dhidibada aasatay oo aanay ahayn maanta mid lugluganaysa waxan
ujeedaa.
SOMALILAND waa BUUR,buurina kuma lulanto dabayl qof afuufo labadan
maqaal een kor ku xusan ayaa ah qaar aad moodo inay xaydaanka ka baxsan
yihiin,waxana aan kula talin lahaa <BR>qorayaasha maqaaladaa inay
hubsadaan sida,habka,cida iyo marka ay soo bandhigayan
maqaaladooda,oo ay u meel iyo madalba
dayaan Somaliland ha jirto oo ha joogto ayaan leeyahay cali cumar
Xasan: qodaalafraa@hotmail.com
slmboy10@wanadoo.nl
J |