Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Bismilaahi Majraaha wa mursaahaa !!

Waxa qorey: Mohamed Ali Hersi - Dhegdhaqaaje

Maxaad kala socotaan shirarka iyo fadhiyada ka dhacaya Addis Ababa iyo Newyork bishan May 25keeda ? 

1. Maalmahan danbe waxaad moodaa in woxoogaa duray ahi ( harrgab ) ama ( influuwense ) soo dhexgalay guraygii " Somaliland " waxba ma aha waa la yaqaan sida loo saaro cudurkaas ama jirraddaas xun ee xasaasiyadda badan. Sida loo saaro cudurkaasu waa mid sahlan - waa la gubaa oo keliya. Wuxuu ku baxdaa dabka iyo kulaylka oo qudha.Horeba waxaa looga daaweeyay cudurkaas oo looga saaray magaalooyinka Ceerigaabo, Burco, Berbera, Laascaanood iyo Laasqoray. Wuxuu hadda kaar iyo xummad ku hayaa waa Caasimaddii Hargaysa. Gabiilay, Boorama iyo Zaylac Ilaahay horeba kumaba ridin . Dadka saari yaqaan cudurkaas waxay joogaan magaalooyinka aan soo sheegay oo laga heli karaa . Si dhib yar oo aan karash badan ku fadhiyin ayay u saari karaan. Waxaan rajaynaynaa in Ilaahay inoo fududeeyo sidii uu cudurkaasi uga bixi lahaa Hargaysa maalmaha dhaw ee soo socda.

2. Midda labaad waxad moodaa maalmahan danbe inay JSL ay soo galeen qaar wax ka fulinaya qorshe la damacsan yahay in lagu tijaabiyo dhammaan Somalida, oo uu ka mid yahay in la hubiyo inta uu leegyahay baaxadda hubka ku hadhasan dalalka Somalida si haddii ciidamo shisheeye hawlgal uga samayn lahaayeen ay qiyaas iyo fikrad uga haysan lahaayeen. Taas waxa ka mida ah tijaabinteeda iyada oo la aloosayo ama la abuurayo inay dhacaan iska hor-imaadyo iyo qulqulatooyin isu roga marka danbe dagaalo hubaysan oo la isula soo baxo lana adeegsado hub markaasna la ogaado nooca iyo tabarta uu leeyahay hubka la haystaa ee weli ku hadhsan gacmaha kooxaha iyo shacbiga , ka dib cunaqabatayntii lagu soo rogay Somalida . Idinkama qarsoona dagaalada sabab la'aanta ku dhacaya ee ka dhacaya Xamar(Somalia). Sidoo kale lagama saamixin JSL in iyada laftarkeeda ay qayb ka noqoto tijaabooyinka dhacaya .Hubka oo dalalka gudahooda laga dhameeyo meesha kama madhna  Waad u malayn kartaa ( ama waaba la maqlay hadal-hayntaas ), markaad eegto sida ay aayaamahan danbe wax loo wado Hargaysa.Shaki kuma jiro in weli la maleegayo sidii JSL dib loogu jiidi lahaa godkii - xaydaankii Somaliweyn ( Somali Republic-tii hore ee beenbeenta ahayd ) . Kuwo u dhashay JSL ayaa lug wayn ku leh inay hawshaas wax ka fuliyaan. Qaar kalena iyaka oo aan waxba ka ogayn ayay hadana barnaamijkaas fal xumadoodu u adeegayaa waxay la mid yihiin ( Lax dhukane col iyo abaarba moog ) . Weliba waxay ka cad-cad yihiin falalkoodu kuwa hawsha socota sida tooska ah ugu jira waa kuwa Hargaysana wax ku leh Xamarna wax ku leh, Nairobina wakiilo u joogaan ......Waxaa iga su'aal ah Wasaaradda Maaliyadda JSL miyaysan tijaabin karin inay furato xafiisyo ka shaqeeya xawaaladaha lacagta ee Jumhuuriyadda Somaliland meel kasta oo aduunka ah sida ay ugu guulaysteen qaar ashkaas ah oo aan lahayn kartida dawladnimo ?

Waxaan madax sharfta leh ee JSL iyo dadwaynaha xalaasha ah ee JSL aan u soo jeedinayaa oo aan xasuusinayaa in dagaalkii iyo halgankii xoraynta JSL uu weli socdo, sidaas darteedna loo baahan yahay feejigo dheeraad ah. Waa in aan lagu habsaamin ama aan lagu mashquulin arrimaha yar-yar ee gudaha ah oo ay inta badan u sabab yihinn duruufaha adag ee uu dalku ku jiro. Waxaan kaloo idin xasuusinayaa in Madaxwayne iyo Dawlad kelidood lagu halaynin difaaca dalka iyo wax ka qabashada aarimaha xasaasiga ah ee gudaha iyo debedda dalka . Somaliland waa gurigii waxaana loo baahan yahay inuu gurigu ahaado mid gudahiisu aad u nadiif ahay. 

Somaliland waa adiga iyo aniga, Dawladdu waa teenii Somaliland, Madaxwaynuhu waa kii aan dooranay waana wiilkeenii , Axsaabtu waa tii Somaliland iyo dimoqraadiyadeenna. waa geesiyaddii iyo halgamayaashii.Waxaynu u danaynaynaa waa maatideena iyo caruurteena oo ku negaada nabad iyo nolol raaxo leh.

Munaasabadda 18ka May Waxaan si gaar ah hambalyo dheeraad ah ugu soo dirayaa Mudane Daahir Rayaale Kahin, Madaxwaynaha JSL iyo Dawladdiisa sharafta leh iyo dhammaan Dadwaynaha xaalaasha ah ee reer Somaliland . Waxaan kaloo mid taas la mid ah u soo gudbinayaa  Mudane Faysal Cali Waraabe Madaxwaynaha Xisbiga UCID . Waxa aan sir ahayn sida wacan ee uu u maamulayo hawlihiisa iyo siyaasadda kaga aaddan dhiniciisa JSL.Waa wax qiimaynteeda leh. Kuwa kalena waxaanu ugu baaqaynaa inay hawshoodu noqoto mid taas la mid ah oo ay dadwaynuhu dareemaan waxqbadka axsaabtooda siyaasadeed ee aanay noqon qaar uun u darbban inay dawlad wax ka sheegaan oo aan loo baahnayn maxaayeelay dadwaynuhu waa ogyihiin waana kala yaqaaniin kuwa wax hagaya iyo kuwa hojinaya. Nin kaa dheerna wax lama tuso.

Somaliland ha noolaato. Halgamayaashii ha jiraan oo ha joogaan.

 Berriba waa malin kale !!!

Mohamed Ali Hersi - Dhegdhaqaaje

Cilmiga Bulshada / Muxalil arrimaha siyaasadda Somalida. 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE