Maxaa u sababab ah xidh xidhka dhalinyarada?
waxa soo diyaariyay oo qoray khaalid jamac qodax oo jooga adis ababa ethiopia
Waxa aan aad uga xumahay falka ay ku kacday dawladu ee ay ku xidhxidhayso dhalinyarada ee aadka u foosha xun waa wax laga naxo meel wal oo ay dhalin ama dad wax garad ahi ay joogaan markaa dawalada waxa aan ka codsanayaa in si shuruud la aan ah ay ku sii bayso ama ku fasaxdo dhalinyarada xidhan oo ay xoriyadooda muqadaska ah u soo celiso ee ilahay uu siiyay dastuurka dalka u yaalaana uu u ogolaanayo
waa maxay hadaba sababta ay dhalinyaradani u mudaharaadayaan? su aashaas oo jaawaabaheeda aan halkan lagu soo koobi karin waxa aynu bal isku dayaynaa in aynu in yar ka taa taabano oo wax ka sheegno
1:waa shaqo la aan haysata dhalinyarada oo waxa ay waayeen meel ay wax ka shaqeeyaan waxa aad arkaysaa wasaarado badan oo ay joogaan ragii ka shaqayn jiray 1950 ama 1960 oo ilaa hadana ka shaqeeya waa maxay sabata nin aaad u wayn oo warqada uu saxeexo hadii mar kale lagu soo celiyo uu na garanaynin uu u joogo wasaradaha waa sababa ay canaanteeda leedahay dawlada ina riyaale uu madaxda ka yahay waa waajib in dawaladu ay ragaa shaqo fadhiisin ka dhigto oo hawl gab ay noqdaan iyaga oo waliba qaadanaya mushaharkooda waa waxa waajib ah halka ay ka baxaan waa in dhalinyar badan oo reer somaliland ah oo ay shaqo la aantu daashatay ay badalaan oo ay ku nastaaan wax badan ayay dawladu gabtay oo ay dhalin yarada u balan qaaday meel ina riyaale iyo xisbiga uduboow afkii macaanaa ee aydun shalay ku amaanayseen dhalinyarada maxaaa ku dhacay waa arin jawaabteeda loooga fadhiyo xukumada oo dhan dawaladu ha garto in waxa ay ku dhisan tahay ay tahay dhalinyarada hadii ay dhalinyaradu doonaan in ay mar qudha madaxa dawlada mijo u roga ay is yidhaahdaan ay u rogi karaaan
hadaba maxaa la gudboon xukumada waa in ay shaqo abuuris iyo deeq wax barasho oo fiican u raadiso dhalinyarada oo wakhtigooda ay inta ay jaaniska haystaan u faaiidayso oo wax u qabto dawladu ha garto mushaharka ay ku raaxaystaan ee ay qaataaan in aaanay meel kale ka iman oo dhalinyarta iyo shicibka ay ka timaado
2:in ay dawaladu u ogolaato cid wal oo qabta in ay mudaharaad ku muujiso fikirkooda si nabad galyo ah waxa aan qabaa in aanu jirin nin dhalin yar ah oo doonaya nadad daro ee waxa ay doonayaan ay tahay cadaalada iyo sinaan in wax lagu qabto waayo dhalin yartu waa mustaqablkii bari cid ka jecel in ay dawladoodu horumar gaadho ma jirto ayaan qabaa markaa yaan la odhan dhalin yaradu waxa ay wadaa waa nadad daro iyo wax aan afka ku fiiicnayn in laga yidhaahdo waaxa aan dawalada u sheegayaa in si shuruud la aan ah ay u sii dayso cid wal oo dhalin yar ah oo u xidhan falkii shalay ka dhacay khayriyada iyo kuwii ka horeeyayba ina riyalena ha garto in dhalinyaradu ay maanta nacday oo wax uu u qabtay aanay jirin waxa uu ina riyaale dhalinyarada soomaliland soo xasuuusiyay mudo aad u fog oo ahayd 21-22-1984 oo ahayd markii la xidhay dhalinyaradii uffo ee aqoon yahanada ahaa markaa ina riyaalow ma waxa aad cadaystay iyo dawaladii wakhtigaa jirtay aad la mid tahay oo dumuqraadiyadan ay somaliland qaadatay ayaad ka soo horjeedaa haadii ay taasi kaa run tahay waxa aad ogaataa in sanad dambe aanad kursigan sidaa u sii fadhiisanaynin adiga iyo waliba xisbiga aad madaxda u tahay oo ay noqotay wax lagu cibro qaato mid ayaa kaa dhiman oo aan kuu sheegayaa in wax yaabo badan oo aanay kuusheegin raga kugu xeeran ee bbda ahi aanay kuu sheegin ayaan kuu sheegayaa in dhalinyaradu ay tahay laf dhabarta xukumda aad maanta maamusho
3:waxa aan u sheegaaayaa oo kale xukumada in maanta ay dhalin yarada wax badan u qaban karaan oo ah shaqo ama hadii ay waxyaabo kael u abuuri lahaayeen waaxa ay u heli karaan dhalinyarada ka baxaysa dugsiyada sare ee meel ay tagaan la ee waalidkiid aanay ka abxin karin lacagta badan ee jamacada hargaysa iyo camud lagu dhigto waxay dawaladu u heli kartaa deeq wax barasho oo ay dawalado badan u waydiiso lama hayo manay dhicin taariikhda dawalada oo mar kaliya dawalada ay cilaaqaadka fiican leeyahiin iyo kuwa kaleba ka codsatay in ay deeq wax barsho u fidiso ardaydeeda markaa waxa aan qabaa in wadan waliba uu ka yeli lahaa boqollaal arday sida runta ah balse cid arintaasi xil iska saartay ayaan jirin wasiirka waxbarshaduna waxa uu kala garan laayaya ba sadex sadex u gee ama waxa uu kala saari laayahaba oo uu ku dawakhsan yahay in uu yahay wasiir ama maayar oo shaqadii mayarnimo ayaa wali ku jirta ta kael wasiirka arimaha gudaha ee moodaya in uu isagu meel wal oo shaqaaqo ka dhacdo uu oo amarka maskaxdiisa ka soo baxa uuku dhaqaaqayo waa laga fiican yahay in wasiir waa halkii ina xashiye uu ka baqo madaxwaynahiisa ee aanu dhaartii uu dhaartay uu iska hilmaamo waa wax aanu uga fadhino cid badan oo aanu kula xisaabtami dooono wakhtiga aanu xilka kala wareegno hana diyaar garoobaan wakhtigoodii waa gaab gaabsi ee
4:ardayda fadhida maqaaxiyaha waaawayn ee magaaalooyinka iyo kuwa kale ee ka tahriibaya ama ka dhoofaya maxaa ka kaxaynaya ama fadhiisinaya waa wax ay dawaladu ka masuul tahay kuwa tahriibay nabad galyo xumo kama tahriibaaayaan ee waa shaqo la aan iyo wax qabad la aan oo waliba waxa ay ka fakiraan mar walab mustaqbalkooda waxa ay arkeen in xukumadu wax ay u soo wadaa aaanay jirin markaa waa in lagu mudaharaado oo la naco oo runta loo sheego marka xukumada runta loo sheego yaanay is xanaajin ee marka hore ha iska moosaan daaadka soo galaya aqalada ay dhigteen dheemanta iyo luulka ama dahabaka maanta guri wal oo wasiir uu leeyahay hadii aad gasho ama lagaga sheekeeyo waxa kaliya ee aad ka waayaysaa waa dheeman markaa miyaynaan odhan karin cadaaalda daro intaa ka darani ma jirto mushaharada ay isku kordhiyeen iyo iyo ku xigeenadooku ama agaasimayaashu waxa ay daboli lahayd maalaayiin dhalin yar ah deeq wax barasho oo loogu raadiyo ama jamacada looga baxiyo lacagta faraha abdan ee maalin walba ku baxda mususqmaasuq waxa ay dabooli lahayd oo kale iyaduna kumaan kun arday ah waxbarashadooda oo dhan markaa wax badan ha ogaato dawaladu ha garto in dawaladii siyaad bare ay nagaga xun tahay maanta mara laga reebo xaga nadab galyada oo si fiican wax loogu naafo aan haysano markaa dawaladu yaanay jabain wax badan oo xoriyatul qawlka ah waayo dastuurka ayaa wax badan u ogaolaanaya
wa bilaahi tawfiiq
qodax02@yahoo.com