Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

YEEY DHALIILI DOONAAN HADEEY DHAMA’DO MAANTANA?

Waxa qorey: Ismacil M. Gadiid

 Xusuus aan gudheyn, taariikh ku xardhan qalbi xay ah oo xumaan neceb, xiqdi qabiil iyo nin xigteysina caqligooda ka xayuubineynin sharafta halgamayaashii xalaasha ahaa(mid ku shahiidey/naafoobey/dhaawacmey/iyo mid caafimaad ku noolba) ayaa ku suntan 27ka may iyo 31ka may. 

Ka sokow kala duwanaashaha fikirka iyo mabda’aba inta sawracan ila wadaagta ayaan halkan si gaara uga salaamayaa si guudna bulshada iyo maamulka Somaliland, intii ku shahiidey halgankaasi  ALLAH qabriga iyo godka ha u nuuriyo aamiiin. 

Halganka saldhigiisu wuxuu ahaa inla helo dad,dal iyo cadaalad dhacantey, garab galka EEBE swt. ayeeynu ku guuleysaney dalkii iyo dadkii welise waxaa dhiman cadaaladii. 

CADAALADA: La’aanteed nabadi masuurto geli karto inta dulmi,dhac,sharci daro, musuqmaasuq,eex IWM ahi jiraana ma dhameeystirna, ujeedadeydu ma aha 100% balse in had iyo goor nidaamku ahaado mid u taagan la dagaalanka waxyaabaha dhala cadaalad darida qodobkan waxaa lagu gaadhi karaa ilaalinta shuruucda dalka, si buuxda wuxuu xil uga saaran yahey dawladu iney ku dhaqanto oo ilaaliso qaanuunka dalka oo ah ka sharafta siiyey Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba kuna yimaadeen mansabkan, waana ta ay kaga duwan yihiin kuwii ka horeeyey ee beelaha ku iman jirey, qaabkan dastuuriga ah ee ay ku yimaadeen mansabka ayaa wata su’aalahan ku saleeysan xisaabtanka, waa ayaan daro in dadkii aqoonta u ehelka ahaa muxaafid iyo mucaaridba muhiimadoodu noqoto caytan, aflagaado shaqsi ah iyo wax laga yaxyaxo, hadii dawlada lagu dhaleeceeyey lunsi hanti qaran oo badheedh ah lasoo bandhigey xisaab cadeyneysa eedaasi,meesha ma taalo maaweelin, aamus iyo cay, marmarsiiyo lagu qancana ma aha waa la cuni jirey maxaa yeeley kuwaasi waxaa doortey dhowr boqol oo odey beeleed ah, waxeyna ku raali gelin jireen cidaa dooratey, idinkana shicbkaa idin doortey taasoo la raacayey siduu jideeyey distoorku kolkaa haduu golahan shacbiga ee hab beeleedka ku dhisan ay dawladu xooga saarto iney marsato ayna door bido aamusnaanta ama ciyaarta yooyatanka ma suurto geleyso doorkan maxaa yeeley doobigii buuxsamaa inuu daato ayuu u dhow yahey, dastuurkii lagu sharciyeeyey dawlada tiirarkii ugu mihiimsanaa mid ka mida ayaay dawladu jebineysaa dhaxlkeeduna waa ta uu inoogu sharxaayo maansadan mid ka mida kumanaankii isu sadqeeyey si loo helo sharcigan aad garab mareysaan, waana mid aan ugu talo galey iney xiskeena kusoo celiso sida kooxo aad u kala tagani ay u wada hadhsanayeen geed hadhaca kooxahaas oo ujeedooyin aad u kala duwan lahaa dhamaantood iyo weliba dheeraad waxey maanta wada hadhsanayaan Somaliland, waxa loosoo guuleysteyna waxay aheeyd saxa oo kooxi xooga saari jirtey iyadoo lagusoo dabaalayo shuruucdii ururka u yaaley waxa kaloon ula niyoonaya ka qeyb galka xuska 31-ka may oo dhalin badan oo aan ka mid ahaa ka dhaqaaqeen meydka asxaabtoodii qaaliga aheeyd ku soo dhawoow akhriste DHAYALSI iyo AXMED JIINIYAS oo ku shahiidey dagaalkii buuraha 1984 ALLAH ha u naxariisto dhamaantood aaaaaaammmmmiiiiinnnnnnnnnnn.       

 

DHAYALSI

Axmed jiiniyaas

(wuxuu ku shahiidey dagaaladii buuraha 1984-kii 3-4 bilood ka dib kolkuu gabeygan ka tirinayey shirkii golaha dhexe ee SNM) 

MARNA DHALANKA GEEDAHA

CARFI KAMA DHAMAADE’E

MARKAAD HIIRTA DHAGIDA AH

DHEXMAREEYSO KEYMAHA

LAYDHA KUGU DHACEYSIYO

DHIRTU WADA UDGOONAA

OO UBAX DHALAALIYO

DHARAB SUBAX MA WEYDIDE

DHAFARUURTA MIDHAHA LEH

SHINIDII DHADHAMISABA

DHABAQU U MACAANAA,

 

ANIGAASE DHAAYAHA

KAGA DHEREG LAHAA QURUX

DHAADATOO XASUUS LEHE

WAA DHARAARE ILA SOCO

HADBA DHAMAL HADH WEYNIYO

HALKAAN DHINACA SAARANA

WAA DHUFEYSE ILA QODO

 

TAASI WAXEY KA DHIGAN TAHEY

WAA HABEENO DHIILA DU

KA DHEXEYSO AADMIGA

DHULKAYAGA U HOYDOO

DHOOBADII HARGEYSIYO

DHUBATIYO NUGAALIYO

ILAA DHEEGII WAAMEY

TAXAN TAHEY DHIBAATADU

 

WAA HABEENO DHIILADU

KA DHEXEYSO AADMIGA

DHULKAYAGA U HOYDOO

DHIITACABKA LEEBKIYO

DHUUNTA QORIGU WEY WEHEL

DHANKA KALENA MAANSADA

BAL INEY DHIMBIILOOW

HALKA LOOGA SOO DHACEY

SOOMAALI DHUGATAAN

DHAYALSIGA U DIIDOON

DHALIISHEEDA HOOSIYO

DHAAWACEEDA HALISTAHA AH

FARTA UGU DHAWEEYOO

DHIIRI GELINTA HEESAHA

DHAWAQA UGU BAAHSHEE

INTEY DHEYSTU DIHIN TAHEY

DHEGEHA I AMAANEE

 

TAASI WAA MADHAQATADA

TAASI WAA MA DHEREGTADA

TAASI WAA MA DHOOYADA

TAASI WAA MA DHUGTADA

II DHERERAN MEESHEEN

KA DHAQAAJI LEYAHEY

 

GOORMA LA DHUUXAA

HADAL DHAAYE LEEYAHEY

GOORMAA NIN DHIIDHIYEY

DHAGAR QABE LA DOODAA

GOORMAA LA DHUUNTAA

GOORMAA LA DHAQAN YAHEY

GOORMAA LA DHAAFAA

LAGA DHEGA ADEYGAA

OO AY DHUNKAAL IYO

XABAD DHACEYSA NOQOTAA

GOORMAA DHIBAATADA

DHEEF LAGU XASUUSTAA

 

WAA HABEENO DHIILADU

KA DHAXEYSA AADMIGA

DHULKAYAGA U HOYDOO

WAXA TAARKA SOO DHACEY

DHAMACOOW NALAYEEHAY

DHAQDHAQAAQII CADOWGAAN

DHAAYAHA KU HEYNAA

 

WAA HABEENO DHIILADU

KA DHAXEYSO AADMIGA

DHULKAYAGA U HOYDOO

DHARAA INA SOO MAREY

SHANTOO DHABAN LA SAARIYO

KU EKEYD DHIBAATADU

INTA DHAGAR LA GEYSTIYO

WAXA DHACEY MA MAQASHEEN?!!!!!!

 

DHARAARA INA SOO MAREY

LABADII IS DHUGATABA

MID KALOO DHEX TAAGANI, ODEY

MEESHU WAA DHIR NABADEE

KA DHAQAAQA INA ODHAN JIREY.

 

INTA BADANA WAA DHAXAL

TAARIIKHDU DHIGEYSA  EE

DHARAARA INA SOO MAREY

MA DHISNAA LA ODHAN JIREY

DAWLADANI MID DHAANTIYO

DHAQ DHAQAAQ LA JECEL YAHEY,

 

LA SOO DHAAFYOO WAA NABAD

SHEEKADII AHEYD DHEEG

WALLEE LAGUMA SOO DHICIN.

 

WAA DHARAARO YAABLAHOON

KA DHAMAAN AGTEYDIYO

DHACDA WAAYAHEED LAHOO

NIN KASTOO DHEGEYSTAA

DHABANADA  LA HEYSTEE

     DHOWDHOWDU YAA YIDHI

UMA DHICIN CADUUR WELLI

 

SAWTAN DHABAQDEY XAAJA EE

HABAQLUHU IS DHAAFSADEY

SAWTANI NIN DHOOFOO

DHAYAL KAGA MAQNAA IYO

NIN ILAA DHISKEEDII

DHEGXUMADU DAMQEYSIYO

DHAWAAN XOOLOWGII SHALEY

DHADHAMADA SAD MOODIYO

DHEDIGIYO CARUURTII

KU BAHOOBEY DHALAANKIYO

DHALINTII IS AFGARATEE

DHAWAQOODII SIMAN YAHEY

 

SAWTAN DHIIRANEE UGUB

SAWTANI DHAFOOR GODAN

SOO DHIGATAN YAASIIN

SAWTANI KA DHEER NABAD

SAWTANI MID DHOOHANI

ALLAH HA U SAHLO.

 

DHULBA WAXA LEH KII HEE

KU DHASHEE KU DHAATOO

DHULBA WAXA LEH KII

KU DHAQMEE ILAASHOO

DHULBA WAXA LEH RUUXII

DHISAYEE LA JECEL YAHEY

DHULBA WAXA LEH KII HEE

DHAXALKIISA YEESHOO

DHULBA WAXA LEH KII HEE

DHIMASHADA KU AAMINA. 

 

ANIGUNA DHULKEYGOOW

WAXAAN DHAMACDA JILAAL

DHUDUBADA CIDHIIDHIGA

DHEDO SAARAN BUURAHA

DHADHAABTA U CUSKANAYAA

WAXAN BACAD DHARAAREED

SIDII BAHAL DHABABACA AAN

DHIRTAADA HOOSTEEDIYO

DHUFEYSKA U QODANAYAA

WAA GUUL AAD DHALISIDE

ALLOOW YAANAN HORTEED DHIMAN

IYADOON DHAMEYS NOQON(lagama aqbalin wuxuu geeriyoodey 3 bilood ka dib gabeygan, dagaalkii buuraha waqooyi ANJKW).

 

WAXEY DHUDI XALEY TIDHI

MAREEY DHAAN CAWEEYSKII

KA FUREYSEY DHOOMAHA

DHEEHA DHEEHA GEEL DHAHA

OO KAJIRA DHIBAATADA

AMA GARO KU DHAASHADA

DHITADEEDA SUBAGA AH

AMA DHAADA WEYLAHA

SACA DHIIN LA WEYRAXA

AMA KABA DHAQAAQADEE

HAKU DHAADAN XOOLUHUU

DHULKAYAGU LAHAAN JIREY,

 

MARTI DHAWRSANBAA TIMID

GUBADKEY KU DHALATOO

DHUUMASHAA HABEENADAN

BEESHA LAGU DHEX MARAYAA

DHARKAYAGU MA SHEEGANA

DHAWAQIYO AF GARASHADU

MAAHA DHABIYO LAALEYS

HUBSASHAASE UGU DHIMAN

DHUDI NIMANKAN WAAWEYN

SOO DHAWAATOO WAA TANI

DHUGANEYSAHA BAALAHA

WELLI SIDA DHARAARTEY

DHAAYAHA UGU TAALAA

IYADOO KA DHEER DUMAR

DHEXDA GACAN LA LIGATOO

DHABANADA MID SAARTAYE

YAA DHACANTA NAGA ROGA,

 

DHEGLEYBAAN SU’AALOO

WAXAAN IDHI DHANAANIYO

DHAY MIDKEYDIN HEYSAAN?

 

WAXEY TIDHI DHIB MOOYEE

DHEEF MALAHA XOOLUHU

DHAQASHANA CIDLA’ U DEGEY

MOOYI DHEYSTII XOOLAHA

WAX DHUFSADEY AYAAMAHAN

GUGAN NEEFAFKII DHALEY

IBBA DHIIQA LOO DIID

LAGAWAA DHANAANKIYO

CAANIHII LA DHAMI JIREY

DHIILKAYAGU MA BUUXSAMO

HADII TOODA DHICISIYO

DHAMI LAYSKU SOO DARRO,

 

HADEY DHAXANTII JIILAAL

SOO DHACDAYE MA NABADBAA

WAXAAN IDHI DHAQAALIYO

HALA BAQANIN DHURURIDA

HANA MOODIN DHUURTIYO

NIMANKII WAX DHICI JIREY

WAXAAD DHERIGA SAARTIYO

MAXAAD DHUUNI HEYSAA?

 

WAXEY TIDHI DHEROOW BA’AY!!!!!!!!!!!

OO MIYAA LABA DHADHAARAA

SIDII FAQASH DHULKA U YIMID?????

 

 KA DHAB MAAHA DEYRADU

WAASE DHAQAN AY LEEDAHEY

DHAWAQIYO HUBSIIMADA

IYO DHEGA ADEYGIYO

HADEY TIDHI BAL SOO DHAAF

MA DHAN TIHIIN HADRAAWOOW

HALA SII DHADHAMIYEE

WAAYAHEE MAXAA DHIMAN

 

INTEY DHIBIBIDEE HORE

INTEY DHIDADAYEE KALE

INTEY DHAQAN XUMAATIYO

INTEY DHACANTEY MAANDEEQ

MIDNA KUMA DHADHABAYEE

YEEY DHALIILI DOONAAN

HADEY DHAMA’DO MAANTANA!!!!!

 

MA DHURWAA I HEYSTAAN

KU BEDELI DHURWAA KALE?

(SALAMAAD)ALLAH YAANEY TAASI DHICIN

MISE ANIGA DHIIL XOOR

IGAMABA DHAMAADEE

MARKA DHAHAR LAWAAYABA

DHIQLAA SOO BEDELI JIREY

 

BEESHAYADUNA DHAANTADA

DHAQANBEY U LEEDAHEE

ALLOOW YAANU KU SOO DHICIN

MID KALOO DHABQINAYAA

 

ISKU DHAABA DHAABEE

IS DHEX GELI AMUURAHA

ISKU DHAASH DHIR IYO QOOSH

WELIGAA DAB IYO DHAGAX

ISKU SOO DHAWEEYOO

DHIGTA UDUB LA DOON DOON

DHUDA AH OO XARIIRIYO

ISMA LAHA KUN DHIICA LEH

DHAQSO UGU JUQAASHIYE

WAA SIDEE DHIMBIILOOW

INEY KALA DHAQAAQDEEY

KU DHAWAATEY MAANTA’E

DHOWRKAN JILIBEE LOO SHIREY

 

DHUBQDHUBUQ HORAAN

DHABANADA LA HEYSTEE

DHAMACOOW BAL FAALEE

DHULKII WAXAAN LA TEGEYNIYO

DHAQANKEENU SIDUU YAHEY

SOO DHAWAA ILOWSHUHU

MA ANIGAA DHUG LAAWE AH

DHALINTII HARGEYSIYO

AAWEY DHAAYAHEENII

INTA DHAAWACEEN QABO

MIDNA ANIGA OON DHAYIN

MIYAAN HADAL KU DHAAFAA?

 

Waxa soo diyaariyey Ismail  M  Gadiid

gadiidsomland@hotmail.com  LONDON

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE