Maanso Cusub - Dhanxiir
Anigoo ah Yuusuf Dhamac Xasan, geeraarkan oo la magac baxay DHANXIIR, wuxuu soo baxay 12/06/2005 – wuxuu ka shaqaynayaa cawajka.
Sidaad wada og tihiin maalmahan danbe wararka aad u qadhaadh ee midiba mid kasii
daran yahay ee kasoo yeedhaya sida loogu tumanayo agoonta iyo danyarta
Jamhuuriyada Somaliland ee dawlad ku sheegtan meesha joogtaa wadankii sii
baabi’inayaan ayaan ku bilaabay geeraarkan, iyadoo ay ka badan tahay
dhibaatada dadka lagu hayo iyo sida xooladooda loo dhacayaa wax gabay iyo 100
gabay midna lagu dhamayn karo aanay ahayn.
Waxaa kale oo uu taabanayaa dabeecadaha dad badan ama kuwa lagu sheego wax
garadku maanta ay ku dhaqmaan, dhalinyaro, Gadhmadoobe, waayeel, iwm kuwaasoo
jooga dalkii gudihiisa iyo dibadiisaba siiba (Yurub iyo Amerika).
Markaa waad fahmi doontaa Akhristoow geeraarkan hadii lagu fahamsiinayo,
Wuxuu yidhi :-
Geeraar aanu is dhaafnay
Intaan dhiico samaystay
Sabaaxad ku dhag siiyey
Hadana ku dhaqaaqoo
Dhegka hoosta ka feedhoo
Dhukay aan kaga keenay
Afka dhuuryo la moodiyo
Dhinacaa sanqaroorka
Marna aan ka dhirbaaxoo
Carabkiyo dhanxaragii
Dhiiga aan kaga hoorshay
Dhafoorkiisa madaxaa
Dhabigaa ku garaacoo
Far-dhaqaaqda u diiday
Markuu dhiif kici waayey
Dhuunta aan ka hogeeyey
Dhilay oon harag saaray
Baruurtii dhabarkiisiyo
Ilaa seed dhanaantii
Cadihii kala dheegay
Dhayladaa hilibkiisa
Odaygii cali dheeg
Hooyo dhuuxo yarteeda
Gaaridaasi u dhiibay
Dharyihii u bislaysay
Dhadhan heer-sareeyoo
Macaan ay ka dhacayso
Ma idiin dhig-dhigaa
Ragii aabaheen dhalay
Murti dhigeen ayaa tidhi
Ninkii dhagar ku galiyaa
Marna ku dhisi karaayee
Anoo dhaqanka fiicanee
Xisbigaa UDUB dheeree
gidigiis dhexdhexaadkee
Dhame Daahir Riyaaliyo
Ina-Geeluhuu ku dhaartiyo
Wasiiradaa dhamayskiyo
Afartaa dhil-dhilaayee
Ina Dhuungal af-dhuuryo
Ina Dhiraan-dhirinaaye
Ina Dharmaajo liqaaye
Ina Dhaaba-dhuboodee
Garashadoodu dheertee
Somaliland dhulkeedii
Dhadigiyo ninkii raga
Dhintay iyo mid noolba
Dhiiranaanta raganimo
Dhaqaalahoodii boobee
Masaakiinta dhacayee
Intay duhur dharaareed
Mujaahidiin la dheeleen
Kusoo dhaga-dhagaystee
Dhawr gool kusoo diray
Intaan dhiil u garaaco
Anigoo wax la dhuuqoo
Dhugad la-maali karaaya
Maxaa igu dhibaayee
Dhoorayaasha ka raaci
Raga dhaxantii Qaaxiyo
Dhafandhoofkii barrigii
Dhexdu ay la yaraatey
Waxay kusoo dhinteenba
Subax waagu dhalaalay
Indhahoodoo dharaara
Dhulka iyo taladiisii
Aayar laga dhaqaajey
Ninka magaca dheerbaa
Dhaylo duban karaayee
Anoo dheefta dalkayga
Dhalinyariyo waayeel
Cashuurtii laga dhiijiyo
Agoon dhici karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Inaan Dhagaxa buurtaa
Deyr dhumuca weynoo
Dhererkiisa la yaabo
Dhinacaas kaga xeero
Dhurwaagiyo libaaxaa
Xoolihii ka dhameeyey
Intaa dhab la saaray
Wali hooyo may dhalin
Wiil ila dhigaayoo
Sidaydaas dhamays ahe
Bulshe weeye dhamaasee
Kol haday dhargaanoo
Dhag-dhagtaa u seexdaan
Dhababacada kibirkiyo
Faduulay dhex galaane
Kol hadaan dhibaatada
Bulshadaa Dhako-faariyo
Biyo dhaan lagu waalin
Ama dhaglay bariisiyo
Dhafaruurtay cunayaan
Dhakadaas lagu gaynin
Ama dhug-dhuglayaasha
Dheereeya orodkee
Dhafoorkaasi muuqdo
Dheemaal aan lagu jeedin
Ama dhuubka gaastiyo
Dhiisalkiyo shidaalkaa
Dheeraadiyo Cashuuro
Dhawr-dolar lagu darin
Ama dhuunta libaaxa
Dhiibsanow shabeelkiyo
Inta bahal dhukusaaya
Dhurwaagaa lagu khuukhin
Ama dhuudhicasooto
Dhuumaalaysi taqaanoo
Habeenkii Dhabanaysa
Sariirtooda loo dhigin
Ama Daarta dhinicaa
Halkay ku dhasheeniyo
Dhiskooday galaaniyo
Dhulka aan laga boobin
Ama dhaqan xumaanta
Dhalintooda kacaysiyo
Hablahooda dhawrsoon
Dhiishashkaa tafka-Dheelka
Dhiskoo loogu samaynin
Ama ciirtay dhamaaniyo
Burcadkiisa Dhiinsoor
Dhayda caanaha geeliyo
Dhito aan laga daadin
Ama xaakin dhunkaaliyo
Dhiidhiitida u qooshoo
Isku wada dhirbaaxa
Garsoorkooda loo dhigin
Ama dha’layda maanso
Dhanbaalkaasi heesaha
Aabow ha dhicinoo
Waligaa ha dheeliyin
Dhegta loogu daarin
Ama Xaaji Dhanxiirow
Dhaxaltooyo qabiiliyo
Dhako aan qarsanaayo
Dhiigsaar loogu walaaqin
Dhabtii way shiraanoo
Lama dhaqi karaayee
Si aan la iigu dhawaaqin
Inaan maato dhacaayo
Anoo dhakhtarkoodiyo
Kii garasho dheeree
Dhabarkaasi muuqdaba
Intaan jeelka soo dhigo
Rag Dhufaani karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Dhirahaas hadhsiimo
Baxrasaafka dheeriyo
Dhuundhaskiyo galoolka
Dhamastaa hadhka fiican
Dhulka inaan uga beero
Ama Dhab ugu oofsho
Dhaabadooday barigii
Xilka iigu dhiibtiyo
Shalay waxaan ugu dhaartay
Bulshadii dheg-weyntee
Waligeed dhabardaada
Anoo dhiriq qabiiliyo
Aanooyin dhitaysnaa
Dhuxul intaan ku huriyo
Inay dhiig qubaaniyo
Dhagar galin karaaya
Maxaa igu dhibaayee
Aan kasii dhursugayaa
Dhayda caanaha geela
Haday Dhiil ku wadaagto
Nimco ay dhargaaniyo
Nabadaa dhukaygeeda
Meel dhadhaabo hoogiyo
Wax is dhaafayaa jirin
Haasaawaha dhiniciisa
Anoo naag dhaqaaliyo
Lacag badan dhinac taalo
Waxba dhaban qurxooniyo
Yaanay Dhag lahaanine
Dhako-udgoon helaaya
Maxaa igu dhibaaya
Dhoocil aad u caruura
Oo rabta dhaqaaliyo
Dhakadaas in la geeyoo
Aqal ay dhex yaalaan
Alaabaha dhal-dhalaala
Aroos loogu dhag siiyo
Haday xaajo dhabaqdo
Arinkaygu is dhaafo
Anigoo rag dhamaysoo
Caqligooda la dheefoo
Ka dhagaysto jawaabtoo
Xalka iigu dhawaaqa
Dhalintaas ka helaaya
Maxaa igu dhibaaya
Maalin dhan kalidayda
Dhako-faar iyo fiirsi
Dhiib-sanow garaadkay
dhaawacaa uga geysan
Caqligaygan dhitaysan
Dhar haween nin qaatiyo
Dhadigaa gidigoodba
Murankoodu dhamaane
Dhabeeshii is-cadaysay
Inta aan dhangadeeyo
Anoo dhiiranaantay
Islaan sii dhacaysiyo
Naag dhirbaaxi karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Inaan dhirbaaxo-quudheed
Nacasnimo ka dhiidhiyo
Oo aan dhuunta suugiyo
Shilkahaa dhamacdiisa
dhinac-laabka faal-guray
Ugu dhabar-adaygoo
Sidii Xaaji dhaan-dhaan
Dhimashada kaliyo laab
Ugu soo dhaweysto
Dhal-dhalaalka jabaaniyo
Waxaa la isku dhaafay
Dheeha Garande weeyee
Dhulalkaa carbeediyo
Intaan dubay u dhoofo
Waxa dhiilka sooryiyo
Shaxaad iigu soo dhaca
Gaadhi ay ka dhacaysoo
Dhinacyadaa hargeysa
Dhabeelaha ku qaato
Anoo dhaafsan karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Dhul beereedkii fogaayee
Dhamalkaasi waqooyi
Dhaxal aan ugu yeeshay
Intaan dhoobada qaado
Inaan ceelasha dhoolkiyo
Dhibicaas u baneeyo
Dhalandhoolka gaajadu
Ninka ay ku dhabatee
Dhuuni uu af-saariyo
Maalin dharag iga doona
Sidii dheel ciyaareed
Anigoo dhibyaraantii
Ku dheel-dheeli karaaya
Maxaa igu dhibaayee
Dhayalkaa ugu siini
Dhuuni uu ku bakhtiiyo
Dhanka hoose caloosha
Dhamacdeeda juuciyo
Dhuxushaas ka gubeysa
Labadii isku dhaatee
Kalgacaylku dhex yaalo
Anoo habka Dhan-xiir
Intaan dhiiqo hinaase
Midba dhegta u saaro
Isku dhufan karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Halka dhidibka caashaqa
Dhulka ay ku tumayaan
Dhig inaan kala taago
Dhayal iyo wareer li’
Anigoo far-dhaqaajin
Intaan disable sheegto
Lacag aanay dheeliyo
Baraf iigu soo dhicin
Anoo dheeman Poundiyo
Sooshal dhuuqi karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Anoo jaadkii soo dhacay
Xalayto dhilanaayoo
Dhaw-dhawdii mirqaanka
Hurdadii iga dhooftoo
Qaadiro la dhacaaya
Dheefta weerhaws taala
Xamaal dhabar-jabkiisiyo
Dhididkaa uskagiisa
Dharkii ugu danbeeyiyo
Moobil dheeha la yaabo
Anoo Dhakhsaha qaatoo
Sidii Dhagles Atoore
Timahaa dhinac-xiiroo
Cagtaan dhulka saaraba
Sidi-Dhutin karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Labiskii dheftiiyee
Abaartii daba-dheer
Soomaalidu dhamaan
Dhaayin ay ku maashiyo
Wuxu dhacay Calankiisu
Dhab ahaantii sheekada
Dhaa-dhaada yuuskiyo
Intaan kor u dhawaaqo
Murankii dhabqiyeeyo
Anigoon qof dhagaysan
Dhataqlahaasi karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Sida Waayeel-dhareerle
Dhacdooyinka taariikh
Dharaarihii la soo maray
Sheeko wax laga dheefiyo
Xikmad loo dhag-taagoo
Dadku wada dhagaystaan
Guryahaas dhinacooda
Anoo fooqa dheeriyo
Bangalooyin dhamaysa
Mid aan kirada dhiibto
Dhinacayga ka buuxaan
Maxaa igu dhibaaya
Dhigihii udubkeena
Hararkii dhaqankeena
Kebadii inan-dhaanee
Dhaxan aan celinaynin
Cawska suul dhabaale
Inaan buul ka dhistaa
Dhambaalkiyo war sheegana
Anoo dhado arooryiyo
Dhalaankaasi habaabis
Bahal aan dhamaanoo
Dhisaynkeeda yaabtiyo
Beenta dhihi karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Run yaroo dhabcaalkiyo
Mid dhaqaale haystiyo
Islaan saarka dhigataa
Dhab hadaan ugu sheego
Waxba la iigu dhiibayn
Waagii dhalaalaba
Dhabadaan maraayo
Naagtii dhawrsooniyo
Rag ninkii dhamaysa ah
Ee aan dhaayaha saaro
Anoo cay dhig-dhigaada
Intaan dhiriq ku saydho
Qof dhaliili karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Sidii oodo dhacameed
Dhab inaan isku waansho
Sidaan dhakso u dayn laa
Inta ceebo dheegiyo
Dhinacayga yaaleen
Maalin kasta ku dhaashado
Ninka dhiiran hadalkee
Dhihidiisa ereyada
Murtiduu dhufanaayiyo
Dha’laydiisa maanso
Akhyaarta dhamaaniyo
Dadku wada dhagaystaan
Si aan ugu dhawaadoo
Dhaqankiisa u yeesho
Anoo kabtiisa dhiiqada
Uga dhalaalin karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Inaan kaga dhabcaalo
Markuu suul-dhabaalaha
Dhakhso iigu yeedho
Inaan dukaanka dhaadhaca
Dhawr xaboo sigaariyo
Dheeryar aan uga keeno
Dharaarkasta aduunyada
Wadankaan u dhoofee
Bulshadiisa dhex joogo
Haday dhaayo mid tuureen
Si aan dhaadashada guud
Durba la iiga soo dhufan
Anoo ishayda dhinacaas
Dhan dabooli karaaya
Maxaa igu dhibaaya
Inaan dhinaca haysto
Dhaxaltooyo qabiiliyo
Dhaqankii gaboobee
Horumarkii ka dhoohee
Soomaalida halkaa dhigay
YUUSUF DHAMAC XASAN
Luton, UK
Aar9923@hotmail.com