Gabay: Qaranimada Somaliland Qooq kumaan helin.
Gabaygan waxa tiriyay gabayaa aad u da' yar oo magaciisa la yidhaahdo Saciid Maxamed Raan. Gabayaagu waxa uu ku noolyahay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark. Gabaygan oo curtay wakhtigii shir ku sheegii carta, hase yeeshee waxaa kaloo aan gabaygan ka madhnayn ka hadalka wacyigan bulshada Somaliland ku jirto. Wuxuu hal abuurku uga digayey bulsha weynta reer Somaliland inaanay ku dhex milmin, kana qayb gelin shir ay soo abaabuleen cadowga Somaliland, kuna jiraan kuwii ka qayb qaatay xasuuqii balaadhnaa ee bulshada reer Somaliland loogula kacay sida kaska ah xillliyadii 80aad kii.
Abwaanku wuxuu xasuusinayaa kuna baraarujinayaa dareenka dadka reer Somaliland meelkastay joogaan, gudo iyo debedba inaanay marnaba maankooda ka suulin halgankii qadhaadhaa ee naf iyo maalba lahaa SNM na hormuudka ka ahayd ee loo soo maray xornimada Somaliland. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa inaan ummad jiritaankeeda waxba ka jirin haddii aanay lahayn dhaxal taariikheed, taariikhdii halganka SNM na tahay taariikhda ugu weyn ee ummadani ku faani karto, kana dhigato rukun ka mida rukunada sooyaalka taariikheed ee Somaliland. Abwaanku wuxuu ku xusayaa gabaygan qaar ka mida mujaahidiintii dalka u soo halgamay, isagoo u kala qaybinaya kuwii shihiiday iyo kuwa weli nool. Abwaanku wuxuu kaloo canaan toosin ah u jeedinayaa maamulka xukuumadeed iyo goleyaasha qaranka reer Somaliland, kuwaasoo uu ku boorinayo inaanay marnaba dantooda gaarka ah ka hor marin danta guud ee ummadda.
Waxay tidhi maansadu:
Haddii qaniyad gabay leeyihiyo qir iyo maamuusid
Qalanbaawigii Faarax Nuur looma qumahayne
Oo qab iyo kibir buu nebcaa qaban asaagiiye
Intuu qodob naxweleh nooga tegey waa wax noo qorane
Qod la ridana Cali Jaamac baa qaaraq ku ahaaye
Qarnigaynu joognana Hadraa qora higaadiiye
Sadaal qota leh Qaasin baa qub u lahaa doode
Qasnadii janada eebeheen qawlal haw firo e
Qaafiyad Salaan Maxamed baa qaadi jiray koobe
Aniguna qusuuga hidood waan ku qaayibiye
Iga qabo aduu Qaaliboow qaaf ku saanyadaye
Oo qalin ku duug waa maanso aad iigu qaaliyahe
Jiilaal qawaarsaday abaar qacaydu yeedhayso
Dadkoo sagal qabow iyo raxmadi qaayib ka ahaatay
Mar hadduu galbeed uga qubtiyo ilaha qaansoole
Qaarbaa markiiba iska rara geedi qaafil ahe
Qacda horena sahan baw quwiya lana qalqaashaaye
Dabadeed qorshiyo hubantibaad qun ugu guurtaaye
Ileen wixii qumaati u dhacaan lagu qasaarayne
Qaan gaadh haddaad tahay asaad qudhiska deyn weydo
Guur waxa u qaaliban ninkii qaba asaagiiye
Qormo ugub haddaad doonaysiyo midaanad quudhaynin
Qaarbaa haweenka u igmada quruxda faayaaye
Qolqolkayse joogtiyo duntuun baa la qiyaasaaye
Dabadeed mid kuu qalantabaad qun u aroostaaye
Ileen qamar la moodyeey haween qiimigaa ladhae
Afartaa qorshii ararta iyo qaab u hadalkay dheh
Qotonbay murtidu leedihiyo qaar sariyo baare
Qarnibaa dhamaadaye haddii qarankii aan doortay
Aanay qaayihi loo igmaday qun ugu guulaysan
Oo qaylo soo yeedha iyo qoonsi damiwaayey
Oon qubanihii shacabka guud qayb dhan cidi haynin
Qooysna lagama maarmee Sanaag waa qor kaa maqane
Markay qaran kasbada weyday iyo cid u qareemaysa
Qawedkiyo saluugii ku tage qubanihii Soole
Qoondaysay nacabkeenna oo qaarba meel mariye
Iyana qaayaheen waa ku ceeb qarankan Maandeeqe
Qaraar laga sinaystaa arlada qiima iima lehe
Qaloonbigan durbaanada watiyo qayb yar taladeedu
Qalwadiyo sursuurtaan arkaa qaran jabweeyaane
Qoomaha xigaalkiyo naxliga qodidood mooyane
Wax kaleeto qoomkaan dirsaday qun uma liilayne
Qabyana lama dugsado maalin adag qaafil libin mooge
Inta qooys sabooliyo Caloow gacal is qiimeeya
Ama sabo quruun wada degtiyo ehelo qaadhaan leh
Uu qaar garsoorkiyo sharcigu quudsho noloshooda
Darna ay darxumo qaawantahay qolofta saantoodu
Oonay qabowga dayreed gabood qun aayoodsan
Misna qaran qudhii wada xukumo waa qiso iyo yaabe
Qabarna wuxuu u muuqdaa nin raga qoonta oon dhicne
Qalbigii raxiimina ma oga qaayin iyo tuuge
Haddii aan qareen moodaynoo quxub u hooseeyo
Adaa qubaradii reer Fircoon maalin qaaraqaye
Naga qabo Allahayoow Ilaah qaadiraad tahaye
Qatartana horteed waw digaa hanadba qoomkiiye
Lixdankii qasaaruu ibaday quxub sokeeyaade
Qoobkaan ka jabay waanigaa qaba xanuunkiiye
Ee aan qaxoontiga ku jiro qaaradaa Yurube
Ee uu qubanahaygii martiyey gaalka qaanacaye
Maantana ma qaynaanin karo qaanso iyo leebe
Oo qaxarba taag uma hayiyo saanad qaaliyahe
Lama arag dad qaran uu dhistiyo quba masiirkoode
Ee waa qabyee yaan fudayd loo qulquladeyne
Inuu qaayaheen sii kordhoo qaranku guulaysto
Iyo qodobadaydani canaan quruxle weeyaane
Qaladkaan sax leeyahayna yuu qaadan waa noqone
Balse qayla dhaantiyo bulshooy qun u saluugaygu
Iyo qodobkan maansadu halkuu qun u abaaraayo
Qolqolada xigaalkiyo ka culus qaradkaay meel dhowe
Waase qabatin hawraari iyo quduro xeel dheere
Qaafkaaga waw hiil ninkii qalin yaqaanaaye
Adna iga qor Rooblow murtidu qowmi waw magane
Qusur awdan qool iyo mareeg dabin la qoondeeyey
Haddii qawl dhalaaliyo anfaco qarisa loo yeelo
Qadoodiga biciid kama hakado qadow u laacaaye
Qoobkiyo lugtuu kula dhacaa halis qarsoonayde
Anna qiiro aan jirin dibnaha qaawintiyo foolka
Booraan qafilan baan markale lay qatalahayne
Shirkan Geelle qaban qaabiyiyo Qawdhan iyo Moorgan
Ee qaatiliintii dalkiyo qumanyadii joogto
Iyo qaati sooreed Bulshadan maba quseeyaane
Ma qadariyo waanada ninkuu qoomay waa halace
Halkaadse qoon la dhayo eegaysiyo qalad lagaa dhaahsho
Qasab iyo dumaal baa la yidhi waa qab iyo maane
Oo wixii qalooc lagugu falay qirasho loo diidyeQusum kii ka dhowraayayow laguma qiimayne
Haku quusto weeyaan sacuba qalista weyshiiye
Waxba qalad aan leeyahay ayaan gocadkii qiiroone
Damalkuu qarqooriyo jirdii qaashku kala gooyey
Wuxuu yidhi qorkaybay gabaye ima qurbaabteene
Anna qaar dadkaygiyo haddaan qaafil la adeegsan
Oo aanay qawlaysatada daba qamaamaynin
Ama nacabkaan shalay quusta baday qaraw la soo toosin
Qayimkiyo libtaydiyo waxaan qurux ku naaloodo
Qarankayga muu beeniyeen doobad quus ihiyeMulacse qabashadii wiil yar waw qab iyo dheeldheele
Isagana qasaaray ku tahay qoomamiyo hoogeWaa qaabadaan Maxamed nahay aniyo qayb diide
Qaranimada Soomaaliland qooq kumaan heline
Nin kastoo qab ila gaadayaa hayska qowdhama eQaash iyo amley baan dagaal kaga sed qaadaaye
Hubkase qabarsanaaciga markay qaraxdo baaruudu
Ay qaata gaadhuu fuluu qala la dhuuntaaye
Waxsaan qaaye leeyahay difaac maalin qarameede
Qoortaydu iibay ahayd tan iyo Qaabiile
Posted by: sooldhuub@hotmail.com