Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

QABAN QAABIN MUDAHARAAD SHARCI AH OO QARANNEED

 

Waxa qorey: Faarax Cali Jaamac,Ottawa, Canada

 

 

Waxaa hore loo yidhi: Ama afeef hore lahaw ama adkeysi dambe lahaw. Waxa kale oo hore loo yidhi: Ishiisa laga arkaa, ushiisa lagu tumaa.

 

Sidaas daraadeed, waxan halkan uga baaqayaa shacbiga geesiga ah ee Somaliland inay hada fadhiga ka kacaan oo iyagoo adeegsanaya xuquuqdooda sida ku cad Dastuurka iyo sharciga u yaala dalka Somaliland, ay qaban qaabiyaan mudaharaad sharci ah oo ka dhaca dhamaan magaalo madaxyada lixda gobol ee dalka (Hargeysa, Burco, Berbera, Borame, Cerigaabo, Laas Caanood ama Caynabo) kaasoo ay si adag ugu difaaci doonaan himiladooda, geedi socodkooda, dimoqraadiyadooda, Dastuurka iyo sharcigooda, xuquuqal insaankooda, xoriyatul qawlkooda, qadyadooda, iyo jiritaanka Maandeeq ee cadowga gudahu iyo debedu uu ku hayo weerarada joogtada ah ee kala duwan ee sida dadban iyo badheedkaba ahiba loogu fulinaayo.

 

Waxa loo baahan yahay in mudaharaadkaas sharciyanka ah ee heerka qaran ahi ay ummadu ku saleeyso diidmadooda ku wajahan tayo la’aanta  xukumada, maamul xumada, wax qabad la’aanta, wada shaqeyn la’aanta xukumada iyo xisbiyada mucaaridka, kelitalisnimada, ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku dhaqanka Xukunka Deg Dega ah kaasoo khayral dastuuri ah baalna maraya maxkamadaha dalka, cadaalad darada guud ee dalka ka jirta, eexashada sumeysan ee la caadeystay, ku tagri falka hantida qaranka, lunsadka hantida qaranka, miisaaniyada sannadka 2004/2005 ee dhacan, dhaqaale xumada, daryeel la’aanta bulshada, shaqo la’aanta, horumar la’aanta guud, musuq maasuqa dhinac walba saameeyey, iyo dhul boobka badheedhka ahi.

 

Waxa kale oo loo baahan yahay in mudaharaadkaas looga digaa Xukumada Riyaale inay ka waantoobaan khalkhalida nabadgelyada guud iyo xasiloonida dalka, xaalad abuurka sumeysan, hurinta colaadeed, ku xad gudubka xuquuqda muwaadiniinta, xidh xidhida muwaadiniinta ee sida bilaa sharciga ah looga qafaalanayo suuqyada, guryahooda, iyo hudheelada ay jiifaan; kala qaybinta midnimada ummada iyo kala dhantaalida dalka (Galbeed iyo Bari), iyo isku dirka beelaha walaalaha ah, hurinta dagaal sokeeye; waana in looga digaa Xukumada Riyaale munaafaqada iyo dhoobeynta siyaasada gudaha iyo debeda ee dalka, mooqif la’aanta iyo ka tabaabushe la’aanta ku wajahan Shirka Dib u Heshiisiinta Kooxaha Somalia ee uga socda dalka Kenya, shisheeye kalkaalnimada, iyo u adeegida cadowga gudaha iyo debeda ee ka soo horjeeda qadyada iyo jiritaanka Somaliland falalkaas oo dhami oo noqonaya dembiyada la xidhiidha Khiyaamo Qaran iyo Qaran Dumisnimada taasoo ay si cad u dhex dabaalanayso xukumadu una baahan in fiiro gaar ah loo yeesho wax ka qabasho deg deg ah laga qaado si loo badbaadiyo ummada iyo Maandeeqba. 

 

Hadaba, waa in ay ummadu hada kacdaa oo si deg deg ah isu habeeysaa oo ay mudaharaadkan ku muujiyaan muwaadinnimadooda, himiladooda, iyo awoodooda dastuuriga ah kaasoo ay ku baraarujin doonaan Xukumada Riyaale iyo Xisbiga talada haya ee UDUB ee aragtida gaaban ee ra’yiga ka araday ee indhaha la’ ee dhegaha ka fureystay shacbigii soo doortay kuna soo ceshan doonaan xuquuqdooda iyo xaqooda sida badheedh ahi loo duudsiiyey mudadaas dheer.

 

Sidaas daraadeed, waxa loo baahan yahay in mudaharaadkan qaranneed loo qaban qaabiyo si heer sare ah loona fuliyo si nabadgelyo leh oo xilkasnimo iyo ilbaxnimo dheeraad lehi ku dheehan tahay; waxaan halkan uga soo jeedinaya dhamaan ururada bulshada, hay’adaha wadaniga ah ee samafalka, iyo hay’adaha wadaniga ah ee u dooda xuquuqal insaanka inay iyagoo ka shidaal qaadanaya mudaharaadkii ardayda iyo dhalinyarada ee dhacay 18 May 2004, dhaawacyadii axmaqnimada ahaa ee caruurtaas loo geystay, iyo xukunka deg dega ah ee khayral dastuuriga ah ee sida qarsoogida iyo mugdigu ku jiro ay ugu riday Gudiga Nabadgelyada ee Gobolka Hargeysa taasoo ku tumatay dastuurkii iyo sharcigii dalka u yaalay baalna martay maxkamadihii dalka.

 

Ugu dambeyn, waxaan halkan uga soo jedinayaa Xukumada Riyaale inaaney hor istaagin dalabka  mudaharaadkan sharciga ah ee qaranneed ee dalka ka dhaci doona waana inay si hagar la’aan ah oo xilkasnimo leh loogu ogolaadaa muwaadiniintaas xaqooda daba taagan ee ka doodi raba hogaankan guracan iyo kelitalisnimadan dalkooda ka dhex aasaasantay ee dhabada mugdiga ah ku majaro habaabinaya ummada iyo dalkaba ee khatartu ku jirto ee sida badheedhka ah loogu jujuubaayo si waxyeelooyin iyo burbur loogu geysto; waana in Boolisku ka waantowba cadaadiska iyo waxyaabaha ka gadoodsiin kara ummadaas rabta inay si  nabadgelyo ah oo sharaf leh uga mudaharaadi doona dhamaan magaalooyinkooda waaweyn ee  dalkooda hooyo.

 

Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa in Radio Hargeysa, TV-Hargeysa, iyo dhamaan Saxaafada xorta ahi inay wararka mudaharaadkaas qaranned ay si cilmiyesan oo heer sare ahi ay dalka iyo caalamkaba uga hagar bixiyaan ama ugu soo bandhigaan banaan baxaas muhiimka ahi kaasoo muujin doona dimoqradiyada dalka ka jirta iyo sida ummada reer Somaliland ay ugu bislaatay qadyadooda taasoo niyad jab weyn ku noqon doonta cadowga gudaha iyo debeda ee Maandeeq ictiraafkana dardar hor leh gelin doona.

 

Haddi Xukumada Riyaale ay ishortaagto qabashada mudaharaadkan qaranneed, waa in markaa la qaban qaabiya SHIRWEYNE QARAN kaasoo lagu ridi doono xukumadan ina majaro habaabinaysa iyo shaqsiyaadkan ina hor taagan ee mooqifkoodu cadeyn ee aan daacada inoo ahayn ee hawlaha mugdiga iyo shisheeye kalkaalnimada inagula dhex wareegaysa; waana in shirweynaha qaran lagu soo doortaa dowlad ku meel gaadh ah oo mudo laba ama saddex sannadood dalka hogaamin doonta taasoo ummada iyo dalkaba gaadhsiin doonta  doorashooyin xalaal ah oo ka turjunta rabitaanka shacbiga hubaal ah inay inoo horseedi doonto halka aanu hiigsaneyno ee guushu, gobanimadu, midnimadu, nabadgelyadu, horumarku, iyo bash bashka iyo barwaaqadu ku jirto.

 

Guul iyo Gobanimo,

 

Faarax Cali Jaamac,

Ottawa, ON Canada

fjama022@uottawa.ca

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE