Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

18TH May ayaa iska leh?

Waxa qorey: Abdirahman Mahmoud

Waqti fiid ah aniga oo ka soo laabtay ciyaar kubbada cagta ah oo loo 
abaabuylay in aan kaga qayb qaadanno aniga iyo asxaabtaydu xuska 
sanguurada 13-aad ee qaranamida jamhuuriyadda Somaliland ayaa mid ka mida asxaabtayda aadka iigu dho-dhowi iigu wacay inta aanaan  guriga ku laaban in aan sii fiirinno wargeysyasda internet-ka ee Somaliland iyo waxa aya ka qoreen maalintaas la yaabaka leh.

Wax yar uun ka dib markii aan furay  e-mail aan farriimaha ku helo 
aniga oo naaliwaya wax hambalyo ah oo ka socota asxaabta aannu kala baahnay ayaa waxan maqlay sxb-kay oo leh qof ayaa ku dhaawacmay mudaharaadkii 18th May. Isla markiiba waxaan si cod dheer u idhi waar naga tag shabakadihii kacaanka ayaad furtaye!!! 18 May iyo maxaa iskaga dan ah mudaharaad!!! Saaxiib-kay inta uu soo kacay ayaa uu dul yimi computer-kii aan isticmaalayay wuxuuna gacantiisa ku qoray afaratan xaraf SDWO.com (somaliland democratic watch organization).

Khabarkii dabayl raac. Warkii aan akhriyay wuxuu xambaarsanaa laba 
farriimood 1-in madaxweynaha lagu mudaharaaday 18th May  2- iyo in 
ciidanka boliisku isticmaalay awood ka mug weyn banaan bixii cadhaysnaa. Intaas markaan akhriyay aayaa waxa igu soo dhacay cinwaankan(headline) aan qoraalka siiyay "18th May ayaa iska leh".

Mabda'a ahaan waxa sharaf u ah dadweynaha Somaliland in ay mudaharaad samayn karaan si ay fikirkooga ugu cabbiraan. Dacwadi se way ka iman kartaa goorma iyo halkee? ... Qiil looma heli karo dhaawaca maalintaas dhacay oo si adag ayaa loo dhalleecaynayaa mashaqadaas iyo in laamaha nabad galyadu ay siticmaalaan "excessive force" ama awood dheeraad ah. Inkastoo aynu isla ognahay in aan ciidankeennu lahayn tababar ku filan oo ay ku waajahaan mudaharaad baaxadaas leh, haddana maalintaas hawsha ay qabteen ma ay yareyn.

Canaan badan -in my view- waxa iska leh dadka mudaharaadka sameeyay, mucaaradka dhiirri galiyay iyo saxaafadda  Somaliland sida ay usoo gudbiyeen warkaa oo aad u dhadhan hoosaysay. Qof xishoonayaa xattaa ma akhrisan karo.Waxaan odhan karaa xatta 21-Oktoobar haddii la mudaharaado sidaa uma ay dabooleen. Sida dad badan ay uga qanceen in idaacadda A/Qaasim ee laanta Afsoomaaliga ee BBC hore loogu yaqaanay ayaan  rajaeynayaa in dad badni 
ay uga samraan akhrinta wargeysyada Somaliland.

Saxaafadda Somaliland qaar ka mid ah waxaabad mooddaa in ayaga laftoodu ay ka mid ahaayeen dadkii meesha ka buuqaayay marka aad akhrido sida warkoogu uu ugu salaysanyahay dawlad ayaa mucaarad lagu noqdaa kaliya! Qofka muwaadinka ahi mucaarad wuu noqon karaa balse taas lafteedu waxay u baahantahay inaad kala garato xaqa aad leedahay iyo ka lagugu leeyahay. 


Maaha in saxaafaddu Qaddiyad "an issue" nooga dhigto arrin foolxumo ku ah kuwii sameeyay dadka kale ee muwaadiniinta ahna xishood awgii la foorarsadeen. Maaha in saxaafaddu dhiirri galiso dad ku mudaharaaday astaantii iyo calaamadii ugu weyneyd ee qaranku yeesho i.e., 18th May.


Haddaba ma is warsannaa yaa masuul ka ah dhacdada maalintaas dhacday? Mudaharaadkaasi ma wuxu ahaa mid lagaga soo horjeedo madaxweyne Riyaale mise S/land as a whole? Haddii Riyaale lagu diidanaa banaan-baxaasu maxaa loogu beegi waayay maalin kale oon ka ahayn 18th May? Carqaladaynata xafladaasu 18th May ma waxay taabanaysaa Riyaale ama Udub mise shucuurta dhamaan S/Land? Yaa lagu xumaynayay huu-haada raqiiska ah ee 18th May lagu carqaladeeyay? 18th May miyaanay ahayn maalin u dhex ah Udub iyo 
Kulmiye iyo dhamaan S/LAND? ...  Dabcan dhacdadaasu waxay daaha ka qaaday arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin 

1) In aan la fahmin mucaaradnimo waxa ay tahay. 

2) In aan la garan meelaha dawladda lagu diidi karo iyo meelaha lagu 
qasbanyahay in lagu taageero hogaanka qaranka sida 18th May.

Udub maamulka u hogaanka u yahay waxa maalmahan danbe aad ugu caddaatay " dictatorial nature" tilmaanta kali talisnimo ee ay leeyihiin.Caddaymo badan ayaynu u haynaa si xun u isticmaalka awoodda siyaasadeed ee xisbiga Udub. 


Laakiin taas macnaheedu maaha in maalinta qaranka, 18th May, 
madaxweynaha lagu mudaharaado.  18 May waa maalin loo dabaaldego loona dabaal degi doono qaranimada S/L iyo 
dhalshada Maandeeq. Waa hanti ay leeyihiin muwaadiniinta S/Land kooda yar ,kooga weyn, siyaasigooga , iyo shicibkooguba. 18th may waa maalin astaan u ah soo noqoshada rajadii iyo karamadii S/Land.  18TH May waa maalin astaan u ah isa saamixid iyo isku soo dhowaansho maaha maalin kala yaac iyo dhagax tuur sida mudahaarka raqiiska ahi sawiray. 18Th May waa maalin ka turjumeysa 
dad iyo dal dantooda gartay. Mucaaradka maalintaas xadrada kabaha la soo galay waxaynuy leenahay idin kala garanmaynee guulyasta.


AbdiRahman Mahmoud
somalilander555@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE