Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Ciyaarahii Olmpic aduunka iyo fadeexadii Gabadhii u ordaysay Somaliya

 

Fartuun Abokor Cumar -  Waxay ahayd gabadh somaliyeed oo ka soo qayb gashay tartankii Olmpic aduunka ee lagu qabtay dalka Giriiga bishii August 2004. 

Fartuun waxay rabtay oo ay u timid inay ka qayb qaadato tartanka 100 meter ee gabdhaha iyadoo ku ordaysay magaca Somaliya.    Hase yeeshee waxa ay ceebtii ugu weynayd ka dhacday markii ay Fartuun soo bandhigtay inay iska timid uun meesha ee aanay wax tababar ah soo arag ama aan loo soo sheegin sida loogu ordo garoomada caalamiga ah ee sidii Somaliya uun fagax la iska odhanayn ee uu qof waliba uu line u gaar ah leeyahay kuna ordo line kaas.

 

 

Sida sawirka aad ku aragtid, Fartuun oo ay ahayd inay ku orodo Line ka 5aad ayaa markii siidhigii la afuufay ee uu orodkii bilaabmay ay ka soo baxday line keegii una soo gudubtay line kii 6aad oo ay ku ordaysay gabadhii ka socotay dalka Maraykanka halkaasna ay ku hadhay maadaama sharcigii ay jebisay khadkeediina ay ka baxday.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE