Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Gabay Cusub - Qoomamo

Waxa tiriyey: Yusuf Dhamac Xasan

Hadaan ahay Yuusuf Dhamac Xasan, waxaan tiriyey Gabaygani oo magic baxay
QOOMAMO wuxuu soo baxay  05/02/05 mar aan  eegay dhibaatada inaga haysata
madax xumida ayaan tiriyiy,


Waxaa kale oo ayaan-daro ah wasiirada iyo madaxda maanta wadankii
dheeftiisii iyo dheecaankiisiiba cunaya iyagoo maanta intay yurub yimaadaan ama xaasaskoodii soo diraan iska dhiibaya yurub ama ameerica oo isku dhiibaya QOLOOYIN KALE anigoon hebel hebel u magacaabayn lakin waxaa qoraysa taariikhda,



waxaanan ku hal qabsanayey nin aanu saaxiib nahay oo la yidhaahdo ismaaciil
maxamed gadiid oo ahaa mujaahidiintii kusoo dhaawacantay halgankii SNM
,wuxuuna yidhi :-




1.  Indhawayda qaaflayda gabay, qun uguma luuqayne
2.  Maqotomin maansooyinkii, qarrada waynaaye
3.  Qalin iyo waraaq kuma filoo, qaadi maayaane
4.  Qod-qodka iyo faalada warkaad, xalayto soo qaaday
5.  Ee qaranka Somaliland ka hadlayaan, kaa qancinayaaye

6.  Iga qoro ismaaciilow adaan, qodob ku seegayne
7.  Xornimadaynu qaadanay ragii, qiirada ku dhoofshay
8.  Hashii qabashadeedii rag badan, qumucu googooyey
9.  Hashii qadowga loo galay amase, qaaxo iyo hawd
10. Hashii qabowga iyo siigada aad, quruxka dheeraatey

11. Hashii qoy-qoys loogu dhintee, asayda loo qaaday
12. Hashii qoontu kugu gaadhay, qoortiyo jidhkaaga
13. Qori caaradii iyo hashii, qasabka lagu keenay
14. Qawl loo dhan yahay markii, qaraarka lagu goostay

15. Ee qaranka Somaliland goaan, la isla wada qaatay
16. Ninkii shalay qalaayey ayey, qamar u guursheene
17. Meel qudha Islaam inaan laba jeer, lagu qaniinaynin
18. Quraankay ku taal ee indhahaanay, qun ugu eegayne
19. Dadkaygaan qiyaas lahayn oo, qaybi hurudaaye
20. Waakaas xukun qarqoosh dalkii, qabtay talidiiye

21. Waa niman qaamaysan oo, geesiyaal qalaye
22. Imisay qodinka dhagarta miskiin, qudha ka gooyeen
23. Imisay qunbulud ku rideen ama, qori ku toogteen
24. Imisay qoys gubeen Aabe iyo, wiilal kala quustay
25. Qayrkood intay ka reebeen, oo qaawan suuqyada

26. Imisay qaaxo hoosiyo tiibii, qufac ku beereen
27. Qaangaadh soo koraya intay, iilka qabadsiiyeen
28. Imisay qarsheen miino oo, dhalaanka qoor-goysay
29. Qudhmis-dhala intay Haween, qisaas ku laayeen
30. Quraysh loo hanwaynaa intay, qani u sheegteen


31. Gabadh qurux lahayd intay bareen, qaadkiyo sigaarka
32. Oo hadana qarsato xumaatiyo, qabxad ku sheegeen
33. Qalin laguma soo koobi karo, qoonta igu taale
34. Qaxar igu abuur maamulkani, qoomamiyo ciile
35. Maxaa madax qaliban I baday, tan iyo qiiraale

36. Ilamaa qiyaamihii wasiiradii, qaxwaynaayey
37. Ee qasnaduhu u yaaleen, qololka jiifkooda
38. Nimaan qarad lahayn ma jiro, iyo qasti gooniya e
39. Waakuwaas qaxoontiga ku yimid, qaaradaas yurube
40. Wasiir qarankii ceebeeyey, oo qarxiyey sirtoodii

41. Mudane ingiriisku qaabilay, oo sooshalka loo qaado
42. Mo qormo raadsaday, meel uu dajiyo qoyskiisa
43. Ayey shicibkayga qiiraysani, qiilka sugayaane
44. Been qaawan dadkaygow, miyaan laga qatoobayn

45. Hadii qaafka gabay mar uun, qalbi dawaynaayo
46. Abwaanadu qumaati iyo horay, qudhun u sheegeene

47. Ismaaciilow qowm kaygaa I gabay, qaadirka ilaahe
48. Haday qayd iyo sabigii yihiin, lama qadhaabteene
49. Qaxoonti uma doonteen, gaaladii qaloocnayde

50. Qasiisnimo darteed ragaa, qoodhii isu guurshay
51. Ee qolqolada is fuushanee, qaawan gabigoodu
52. Quruun Ilaahay caasiday, qado uma doonteene

53. Qoorta ima daaliyeen koodh, qabowgaas dartiiye
54. Dhalin qalidan oo gaalada, qaatay dhaqankooda
55. Haween qubay xijaabkii, kama qandhoodeene

56. Nimaan qiimahaygaba aqoon, oon I qadarinaynin
57. Qaabilaad ma waydiisteen, hadaan qasab I yeelsiine

58. Intuu daacad qatan yahee, tuugu qaxwaynaayo
59. Inta qaantayda maqan dhamaan, diirad qabanayso
60. Qasnadaha ragii hayey, qufulkiyo maftaaxooda

61. Qasri kii ka jeexdiyo, ninkii qabyo ka hoos jiifay
62. Cashuur qaadyo wasiir, intuu qalinku baadhaayo
63. Ee kii qardaas xaday iyo tuug, qaadi xukumaayo

64. Nimaan qadayn iyo taajir intuu, qodob masaynaayo
65. Inta qaraabada la yahay, qiirada iyo beenta
66. Inta qolo la dhaafayo, ama qabiilka iyo reerka

67. Inta qalbigu ooman yahay, qoodha madaxdayda
68. Inta quraankiyo xadiis, la iska qarinaayo
69. Qadarkeedu intuu sidan yahee, qaadir hiilinaayo
70. Qurbahaas I daa,  ciiradaan kaga qarsoonaane


YUUSUF DHAMAC XASA
LONDON
AAR9923@HOTMAIL.COM


SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE