Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA   

AQOON ISWEYDAARSI KU SAABSAN QIIMAYNTII DOORASHADA BAARLAMAAKNA OO LAGU QABTAY BURCO

Click here - The  History of  Somaliland

  SDWO (Burco) Aqoon isweydaarsi balaadhan oo lagaga hadlayo sidii loo Qiimayn  lahaa dhaliilihii ka dhashay qabashadii doorashada baarlamaanka Soomaliland, oo ay  ka qayb galeen in ka badan 60 xubnood oo isugu jira saddexda xisbiga qaran, murashixiinta, ururada bulshada iyo komishanka gobolka togdheer iyo sool ayaa si rasmiya looga furay xarunta jaamacada Burco ee g/togdheer.

 

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UThe Mad Mullah who shamed us in Somaliland                             UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

Aqoon-isweydaarsigan oo socondoona muddo 3 cisho ah oo ay iska kaashadeen fulintiisa akaadeemiyada nabada iyo cilmiga FOPAC iyo komishanka qaranka waxaa mudadan uu socdo ay ka qabgalayaashu kaga doodi doonaan qodobo ay ka mid yihiin dhaliilihii komishanka, saxaafada iyo cidii kale ee ku lug lehayd doorashada.

 

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo saaka ka hadlayey furintaanka aqoon iswedaarsigan ayaa waxa uu xusan inay dhaliilaha ugu weyn ee Gobolka Togdheer ay u tirinayaan dhinaca maamulka komishanka gaar ahaan dhinaca adeega iyo tirooyinka goobaha codbixinta. 

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu intaas ku ladhay inay komishanka saxaan dhaliilaha soo ifbaxay, oo duuduub lagu liqo cidii la canaanayo “qaylada Hargeysa kamaanu seexan balse kaalintii Burco komishanka waanu ka sugaynaa ayuu yidhi”. 

Shurki X.Boondaro oo ka mid a xubnaha komishanka qaranka ee Hargeysa ayaa iyaduna si gaara uga hadhashay in dhaliisha lawada lahaa ee aanay cid keliya u gaar ahayn, balse qiimayn lagu soo saarayo cida libta heshay iyo cidii khasaartayba “annagu komishan ahaan waan ka faa’iidaysanaynaa casharada cusub” ayey tidhi. 

Dhinca kalena waa markii kowaad ee ay komishanku si rasmiya u dabagalaan dareenka ay wax qabadkooda dadweynuhu ka qabaan. 

Reported by Yusuf Ilkacase, Burco SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE