Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 Waraysi aan la yeelanay Abdirashid Ibrahim Sh. Abdirahman oo ka mid ah Macalimiinta Jamacada Hargeysa Qaybta Computer ada

A/Rashiid:  Bishii August 2004 Waxa Jaamacada ka qalin jebisay difacadii u horeysay oo ahaa 68 arday. Ardaydaa ilaa 3 mooyee intoodii badnayd hada way shaqo galeen, iyagoo hada ka shaqeeya Hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada wadaniga ah, shirkadaha dalka iyo xafiisyada dawladaba, taasna amaanteeda waxaa iska leh maamulka jaamacadda Hargaysa

Waraysigan oo aanku ku qaadnay khadka internetka waxa uu u dhacay sidan:

SDWO: Mudo intee leeg baad Abdirashiid Jaamacada ka shaqaynaysay?

A/Rashid: Guled waxan hada jaamacadda Hargaysa ka shaqaynayay muddo hal sano ku siman.

 

SDWO: Maadaama aad tahay shaqaale ka tirsan Jaamacada Hargeysa, shaqadaad ka qabato jaamacada wax ma nooga sheegi kartaa?

 

 

A/Rashid: Waxaan hada jaamacadda Hargaysa ugu shaqeeyaa as an IT gaar ahan waxaan ku shaqeeya PC Technician, waxaa kaloon ku shaqeeyaa Computer lecturer.

 

SDWO: Tani iyo maalintii aad biloowday Jaaamacada inaad ka shaqayso isbedel intee leeg baad is odhan kartaa way ku talaabsatay, se bal isbedeladaas wax nooga yara taataabo?

 

A/Rashid: Isbedel aad u balaadhan ayay maamulka jaamacaddu qaadeen, isbedeladaasi waxaa ka mid ah dhinaca dhiska iyo horumarinta compus-ka jaamcadda oo runtii ay aad ugu dadaaleen maamulku, dhirayn iyo cagaarin farabadana waa lagu sameeyey mudadii aan joogay jaamacadda.

 

SDWO: Jaamacada Hargeysa ardayda dhigataa waa misa guud ahaan?

 

A/Rashid: Ardayda Jaamacadda dhigataa waa  1088 oo arday.

 

SDWO: Tirada macaliimiinta wax ka dhigtaa waa imisa guud ahaan?

 

A/Rashid: Jaamacadda waxaa lectureska bixiya 60 macalin.

 

SDWO: Imisa qaybood bay u kala baxdaa Jaamacadu waxyaabaha lagu qaataa?

 

A/Rashid: Waa su’aal muhiim ah, Jaamacadda Hargaysa waxaa ilaa iyo hada ka hirgalay shan kuliyadood oo kala ah: Kuliyada Business Administration, Kuliyada Medicine-ka, Kuliyada Science ka, Kuliyada sharciga, iyo kuliyada shareecada islaamka, ilaa hada shantaas kuliyadood ayaa si fiican u hirgalay waxaa iyaguna jira institutes kale oo jaamacadda ka hirgalay sida Institute of land and soil surveying, waxaa isagana dhawaan la rajaynayaa in uu bilaabmo Institute kale oo ah Public administration ah. Dhinaca kale waxaa iyana jaamcadda ka hirgashay qabtii Distanc learningka taasi oo ay suurto galisay African Virtual University oo ah jaamacad ku taal Nairobi, oo iyaduna iskaashi la leh jaamacaddo ku yaal maraykanka oo ay ka mid yihiin, Indiana University, Georgetown University, New Jersey institute of technology, waxaa kale oo future-ka iyana la rajaynayaa in ay qaybaas e-learning ka hirgasho kulliyada Computer Science.  

 

SDWO: Saacadaha la dhigto Jaamacadu waa goorma?

A/Rashid: Jaamacadda labada galinba way shaqaysaa, habeenkii iyadana waxa socda courses distance learning ah oo ay wadaan Jaamacaddo maraykanka ku yaal iyo jaamacad la yiraahdo African Virtual University oo Nairobi ku taalaa.

 

SDWO: Qaybta IT ga waxyaabaha lagu qaato maxaa ka mid ah?

A/Rashid: Waxaa hada qaybta IT ga  ka socda courses IT ah, kuwaasi oo ay bixiso jaamacad ku taal wadanka maraykanka oo la yiraahdo New Jersey Institute of Technology. 

SDWO: Macalimiin khibrad u leh IT da imisaa idinla jooga?

 

A/Rashid: Waxaanu hada ku shaqaynaa saddex macalin oo IT ah.

 

SDWO: Computerda Jaamacada lagu isticmaalo tiradoodi intee bay dhantahay?

     

A/Rashid: Computerada jaamacada lagu isticmaal  waa ku dhawaad 50 computer.

 

SDWO: Operating Systems ka (Windowska) Jaamacadu Isticmaasho waa kee?

 

A/Rashid: Technologyidan Casriga ahi waxay kuu saamaxaysaa in wax kasta oo caalamkan ku cusub aad si ilbidhiqsiyo ah ku hesho, Operating systems ka jaamacadu isticmaasho waa OS yadan shirkada Microsoft ee Windows ka loo yaqaan inta badana waxaanu isticmaalnaa Windows XP Professional iyo Home Edition iyo Windows yadii ka horeeyey.

 

SDWO: Internet Jaamcadu ma leedahay, haday leedahay se ardaydu  ma isticmaali karaan?

 

A/Rashid: Way leedahay Jaamacaddu internet, ardayduna way isticmaalaan, gaar ahaan waxa aad u isticmaala ardayda cilmi baadhista ku jirta.

 

SDWO: Libraryga Jaamacada Buugaag intee leeg baa taala, se ardayda ma ku filanyahiin, sidee bay u isticmaalaan ma meeshay ku dhex akhirstaan mise waa loo ogol yahay inay guryaha u qaataan?

 

A/Rashid: Buugaagta jaamacadda taalaa waa 9000 oo bug, runtiina meesha dhibta weyni ay ka jirtaa waa buugaagtii oo aan ku filnayn ardayda, buugaagta library waxay u badan  yihiini English books, ardaydu waxay u isticmaalaan, buugta qaar guryahooda ayay u qaataan qaarna libraryga ayay ku dhex akhristaan.

 

SDWO: Ardaydii u horeysay waatii dhowaan ka qalin jebisay Jaamacada Hargeysa,

tiradoodi intey leekeeyd, se subject yada ay barteen maxaa kugu badnaa?

 

A/Rashid: Guled sidaad sheegtay dufcadii u horeeysey ee arday ah ayaa ka qalin jabisay Jaamacadda Hargaysa sannadkii hore 10 August 2004 tii, ardaydaas qalin jabisay tiradoodu waxay dhamayd 68 arday, waxyaabihii ay barteen waxaa ka mid aha, Management (41 arday), Accoutning (16 arday) iyo Science (9 arday), ardaydaas qalin jabisay waxay u badnaayeen management.

 

SDWO: Ardaydaas qalinjebisay xagey ku danbeysay bay kula tahay maadaama aan intooda badani shaqooyin dalka ka heli karin, maadaama shaqooyinku ay iska kooban yahiin dalka gudahiisa?

A/Rashid: Guled waa su’aal aad iyo aad muhiim u ah, ardaydii qalin jabisay intoodii badnayd hada way shaqo galeen, iyagoo hada ka shaqeeya Hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada wadaniga ah, shirkadaha dalka iyo xafiisyada dawladaba, taasna amaanteeda waxaa iska leh maamulka jaamacadda Hargaysa oo runtii dadaal dheer u galay sidii ay ardaydaasi shaqo ugu raadin lahaayeen kuna guulaystay in ardayda intii badnayd ay shaqo gasho, ilaa hadana tiro yar oo aan badnayn oo aan odhan karo 3 arday ama in kayar ayaa shaqo la. Mida kale Guled waxaa jaamacadda Hargaysa faan weynu ah, in ardaydii qalinjabisay meel kasta oo ay shaqo imtixaan u fadhiistaan ay kaalinta koowaad iyo ta labaad ay iyagu galayaan, taasina waa sumcad ay u soo hooyeen ardaydaasi qalin jabisay jaamcadda runtii way ku amaanan yihiin.

 

SDWO: Jaamacada fee ga lagu dhitaa bishii waa imisa, se ardaygaan awoodeen ma laga reebayaa inuu jaamacada soo galo markuu ka soo gudbo dugsiga sare?

 

A/Rashid: Fee ga bishii ardayga laga qaadaa waa $30 dollar, ta kale  jaamcaddu waxay bixisaa scholarship, scholarshipkaasi ay bixiso waa mid ay ugu talo gashay dadka dan yarta ah iyo dadka laga tirade badan yahay, ardaygii scholarshipkaasi ku guulaystaana jaamacadda wuxu ku dhigtaa Free scholarship. 

 

SDWO: Gebogebadii maxaad u soo jeedin lahayd qurbo jooga Somaliland meel kaste oo ay ku suganyahiin?

 

A/Rashid: Jaamacadda dhibaatooyin farabadan ayaa jira dhibaatooyinkaasi waxaa ka mid ah:

 

Text books: Jaamacadu waxay aad ugu baahan tahay caawimo farabadan oo ah dhinaca text books-ka wax lagu baranayo, maanta dhibta ugu badani waxay ka taagan tahay dhinaca text books oo runtii aad ugu yar jaamacadda, textbooks aad loogu baahan yahay waxay noqonayaa, Law textbooks iyo Medicine Textbooks.

 

Ta kale ee dhibi ka jirtaa waxa weeye dhinicii Fee-ga: arday badan ayaa jirta oo aan awoodin in ay iska bixiyaan Fee-ga una suurto gali waydaa in ay sii wataan waxbarashadooda jaamacadeed, hadaba iyadoo ay dhibaatooyinkaasi jiran waxaan Qurba jooga somaliliand meel kasta oo ay ku sugan yihiin u soo jeedinayaa in ay dhibaatooyinkaasi wax kala qabtaan jaamacada haday noqoto dhinaca text books iyo haday noqoto dhinaca fee-ga oo ay sponsor ship soo siiyaan ardayda midh iyo laba si ardayda saboolka ah ee dhibaato dhaqaale awgeed aan waxabarashada u sii wadi Karin ay u waxbarashadooda u sii wataan iyadoo jaamacadduna taas kaalinteeda ka qaadatay oo scholarshipyo siisay, ardayda saboolka iyo ardayda laga tirada badan yahayba..

 

Waraysigan waxa qaaday

Guled Abdi Sheekaash - SDWO News Desk London

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE