Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha iyo Xukuumada Somaliland oo casho sharafeed ugu sameeyay magaalada London Sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada Arimaha dibada qaybta geeska Afrika iyo xubno kale oo ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee London
![]()
SDWO (London 4/2/05) Gudoomiyaha xidhiidhka jaaliyadaha iyo xukuumada Cabdifatax Siciid Axmed ayaa xaflad casho sharafeed ah ugu sameeyay hotel weyn oo Somali ah oo ku yaala magaaldan London oo la yidhaah Golis Restuartant Mr Martin Lamport oo ka socday xafiiska arimaha dibada qaybta arimaha geeska Afrika (Deputy Head – Horn of Africa Section – Africa Dept).
Cabdifatax oo aanu wax ka weeydiinay ujeedada ugu weyn ee casho sharafeedka waxa uu noo sheegay inuu xafladan oo uu ugu talo galay sii xoojinta iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo xafiiska Arimaha dibada gaar ahaan qaybta Afrika, waxa uu Mr Martin uu uga mahadnaqay soo dhoweeynta iyo casho sharafeedka qaaliga ah ee uu Cabdifatax u sameeyay isagoo ku hadlaya afka jaaliyadaha Somaliland iyo xukuumada Somaliland. Isla markaas waxa uu Cabdifatax noo sheegay inuu ku soo casuumay kulankan Afar wasiir oo xukumada Somaliland ka socda oo ku sugan London si ay isbarasho u dhexmarto masuulkan sare, hase yeeshee nasiib daro wasiiradaasi way ka cudurdaarteen kulankaas iyagoo soo sheegtay cudurdaar caafimaad. Waxa kale oo halkaas lagu soo casuumay xubno sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye UK oo iyaguna aan halkaas ka soo daahirin. Wax kale oo casho sharafeedkaas lagu soo casuumay oo ka soo qayb galay Axmed Muuse Geedi oo ka socday UCID, Siciid Yusuf Ducaale oo ka socday UDUB, Cabdiraxmaan Ciise Diin maamulaha hayada miino baadhista ee Hello Trust Hargeisa, iyo xubno ka tirsan jaaliyada Somaliland ee ku sugan London, Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee waqooyiga London Maxamed Cumar Maygaag, Guled Cabdi Sheekash Gudoomiyaha ururka Somaliland Democracy Watch Organisation, Cabdixakiin Maxamed Sheekh Jamhuuriya London, Kaysar Cabdilaahi Somali Voice News Paper - Bristol UK, Cali Jamac oo ganacsade ah iyo xubno kale oo dhawr ah.
Intaan la cashayn ka hor waxaa bilaabmay is barasho iyo aqoon is weydaarsi dhexmaray masuulkaas ka socday dowlada Britain iyo xubnahii reer Somaliland ee casho sharafeedka ka soo qayb galay ha ugu cadcadaadee Axmed Muuse Geedi (Sanjab) hadladaduna waxay u badnaayeen kuna saabsanaayeen qadiyada Somaliland. Mar wax laga weeydiiyay mawqifka dowlada ingriiska ee ku jihaysan Somaliland wuxuu yidhi dowlada Britain waxay eegaysaa bal wax ka soo baxa dowlada somaliya loogu dhisay Kenya iyo waxqabadkeeda iyo sida ay koonfurta nabad uga dhalin karto, hase yeeshee wuxu yidhi arintan maaha mid weligeed soconaysa oo la sugayo ee arintu waxay gaadhi doonta heer la kala ogaado in dowladaasi shaqaysay iyo inay shaqayn weeyday, taasi oo ay dowlada Britain markaas ku go,aan qaadoonto. Dhinaca doorashooyinka isagoo ka hadlay wuxuu yidhi aad baan u rajaynaynaa in dowlada Somaliland doorashada barlamanka qabato oo taariikh saxa oo ay dhacayso la cayimo, mar lagu wargeliyay in taariikhda loo cayimay 29ka March, wuxuu yidhi taariikhdaas wax hortaagan xeerkan dooroshooyinka ee muranka dhaliyay. Isagoo ka hadlay sida dowlada Britain ugu diyaar ahayd inay Somaliland ka caawiso dooroshooyinka wuxuu yidhi dalkan Britain waxay soo kiraysay nin khabiir ku ah xeerarka dooroshooyinka oo ka socda koonfurta ameerika oo ay dowladu bixisay kharashkii uu ku hawlgalay oo dhan sidii xeer doorshooyin loogu samayn lahaa Somaliland, hase yeeshee wuxuu yidhi wax nasiib daro ahayd markii xeerarkii la soo dhameeyay ee loo geeyay xukuumada Somaliland in aanay somaliland xeerkaasi aanay qaadan oo ay iyagu samaysteen mid awood dheerad ah siinaya xukuumada – waa dooroshooyinkii madaxweyninimadee. Halkaasina uu ku khasaaray kharashkii iyo hawshii dowladan Britain.
Xaga aqoonsiga isagoo ka hadlaya wuxuu ku celceliyay in Somaliland saaxiibo dhab ah ka samaysato dalalka afrika oo uu aqoonsigeedu ku xidhanyahay gaar ahaan kuwa ay jaarka yahiin iyo Koonfur Afrika wax weyn ku leh goonada qaarada Afrika, sidoo kale wax uu yidhi dowlada Maraykankuna iyadii oo aan cidna la tashan ayay aqoonsankartaa Somaliland halka Britain anay talaabo gaara qaadi karin iyadii oo aan la tashan midowga yurub iyo qaramada midoobay. Isagii oo ka hadlaya xadhigii Samsam wuxuu yidhi aad baan ugu faraxsanahay in inantaas loo soo celiyey xoriyadeedii. Waxa uu aad ugu amaanay Somaliland inay ka jirto saaxafada xorta ah halka ay Ertria ay suxufiyiinbadani xabsiyada ay ku jiraan.
Gebogebadii wuxuu Mr Martin aad ugu mahadnaqay dadkii casho sharafeedkaas kala soo qaybgelay isagoo si gaara ugu mahadceliyay qabanqabiyahii kulankan Mr Cabdifatax Siciid, iyo hotelkii kulanku ka dhacay isagoo aad ugu mabsuuday cuntadii halkaas uu kala kulmay, waxaanu ku buuriyay jaaliyada Somaliland inaanay ka caajisin u ololeynta sidii Somaliland aqoonsi loogu raadin lahaa halkaasna laga siiwado.
Cabdifatax ayaa balan qaaday inuu casho sharafeed tanoo kale ah u samayndoono wasiirkii dhowaan booqday Somaliland ee Mr Chris Mulling, xunbahii baaarlamanka ee mudo sii horeysay booqashada ku tegay Somaliland iyo Mr Martin laftiisaba iyo xubno ka tirsan jaaliyada Somaliland ee degan London.
Guled Abdi -SDWO News Desk