Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

JAMHUURIYA ONLINE WAA INAY KA WAANTOWDO U ADEEGA CADOWGA SOMALILAND.

SDWO (London 7th April 2004) Waxa qof wal oo soo boqda shebekeda wararka ee Jamhuuriya online argagax iyo yaab ku ridaya maqaalka lagu soo bandhigay ee uu qoray ninka isku sheega Professor Samatar, sababtoo ah maqaalkan waxa laga filayay laguna arkay shebekadaha cadowga somaliland ay maamulaan.  Sida aan ka wada warqabno Mr Samatar waxa uu wakhtigiisa iyo maalkiisaba ku lumiyaa dagaal uu kula jiro Jamhuuriyada Somaliland oo sidiii dhacday markii uu Madaxweyne Riyaale qudabdii taariikhiga ahayd ka jeedinayey Barlamanka Ingiriiska uu dadkii soo gelayey ee somalilanders ka ahaa ku soo dhexdhuuntay sidii tuuga oo kale isagoo u haystay inuu khalkhal gelin karo qudabadii baarlamanka oo uu  keligii baarlamanaka ingiriisku wax ka dhegaysandoono ileyn waa professor is caashaqaye,  Hase yeeshee waakii su,aashiisii uu ku fashilmay oo isagoo khajilsan baqanayana uu orodka kaga baxay golaha.

Hadaba qoraalka uu ka diyaariyey ee uu ugu yeedhay - The Secessionist Campaign in London: An Eye-Witness Somali Report - by Professor Samatar, isagoo ka beensheegaya wixii halkaas ka dhacay niyad samina uga dhigaya kuwa neceb jiritaanka somaliland.

Hadaba Jamhuuriya waan ognahay waxay ku doodaan inay madaxbanaanyahiin oo ay dhexdhexaad yahiin se taasi uma banaynayso iney shacabka somaliland soo gaadhsiiyaan qoraalada cadowga somaliland, isla markaasna inay jaanis siiyaan maaha cadowga somaliland, Jamhuuriya weryiyaasheedu goobjoog bay ka ahayeen wixii maaalintaas baarlamanka ka dhacay, wuxuu qorayna way arkaan inuu beenyahay, markaas jamhuuriya online baa looga fadhiyaa inay qanciyaan shacabka somaliland waxa ku kelifay inay Mr Samater siiyaan platform uu ka weeraro somaliland markii uu platform kii Baarlamanka uu ku guuldaraystay.

Waxa kalo oo Jamhuuriya aan xasuusinaynaa markay leeyahiin waa joornaal madaxbanana, hadana aduunka kelmadaas sida dantu ku jirto ayay u adeegsadaan oo hadaan tusaale u soo qaadano CNN ka, ALjaziira, Sky Newska kuli dhexdhexaadnimo ayay sheegtaan hadana mararbaa jirta aanay  dhaafin danta gaarka ah ee dalka ay metelaan. Markaa mararka qaarkood bay Jamhuuriyo u baahantahay inay danta dalka eegaan, qofkii doonaya inuu maqaalka ka jawaabaa wuxuu ka soo akhrisan karaa kuwa cadowga deedna markaasuu kaga jawaabi karaa website dada somaliland, Runtii website aan somaliland ahayn oo jawaabta iyo danta somaliland soo qorayaa ma jiro. 

Anagoo ku hadlayna magaca inta jecel Somaliland waxaan Jamhuuriya Online ka codsanaynaa in si degdeg ah ay qoraalkaas uga saraan meesha sababtoo ninka qoraalkan soo qoray ayaad siiseen jaanis uu umada somaliland uu qoraalkuu ku weeraray uu idiinku soo dhiibo.  Waxanan idinkula talinaynaa inaad waxaas oo kale ka waantoowdaan. Hadii kale labadiina akhriste ayay noqondoontaa inaad kala doorataan, Akhritayaasha Somaliland iyo Akhristayaasha cadowga Somaliland sababtoo ah labadaba mawada raaligelin kartaan. 

Hadal iyo dhamaan nin doc ka yeedhi somaliland waxba kama qaadi karo.

Long Live Somaliland

Guled Cabdi - SDWO SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE