Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA

“Maayar waliba dhaliil waa ka tegay ee waxaan layaabanahay waxa  tayda laambada sudhay

Click here - The Great History of  Somaliland   

Duqii hore Burco…………………………………………Shir jaraa’id 

SDWO (Burco) Duqii hore ee magaalada Burco Cabdi Axmed Iidle (C/Burco) ayaa maanta  markii u horaysay ku tilmaamay midaan sifo sharci ku iman deynta hal bilyan iyo badh ah ee uu ku wareejiyey maamulka cusub, taasi oo uu sheegay inuu ku jiro madmadow, islamarkaana aanay maamulkiisii hore wax luga ku lahayn sifahay ku qaamowday oDawlada Hoose. Sidaa waxa uu ku sheegay shirjaraaid oo maanta i u qabtay warbaahinta gobolka togdheer. 

Duqan hore oo markii u horeysay la hadlay saxaafada tan iy intii xilka laga qaaday oo ay ka soo wareegtay muddo laba bilood ahi waxa uu shirkaasi jaraaid ku cadeeyey inay deynta lagu leeyahay Dawlada Hoose aanay u muuqan mid ku timi sifo sharciya ee ay salka ku hayso dayn ku ururtay sifo musuqmaasaqa, isla markaana ay Dawlada Hoose ku biiriyeen maayaradii isaga ka horeeyey.Duqu waxaa kale oo uu dhinc isaga leexiyey inaanay deyntaasi gelin maamulkii uu isagu ka tirsanaa ee ay la kala wareegeen maamulkii ka horeeyey, oo ay maamulkiisa kaga tageen deyn aan dhemayn 100,000,000 Sh. SL. 

Deynta Dawlada Hoose  oo ay leeyihiin dadweynaha oo xil wareejintii duqan lagaga dhawaaqay inay dhantahay hal bilyn iyo badh Sh Sl waxayna ka mid tahay arintani caqabadaha maamul ee hor yaala Dawladda Hoose iyadoo deyntaas ay sheeganayaan dadweynihii adeega lagaga qaaday. 

Duqa Burco Cabdi Axmed Iidle waxa kale oo shirkiisii jaraaid kaga hadlay qodoba dhowra oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen waxqabadkii ay maamulkiisu kaga tageen Dawladda Hoose oo ka xusay: dayactir uu ku sameeyey xarunta Dawladda Hoose, 3 qol oo booliiska oo loo dhisay, 2 iskarago iyo hal bus oo uu iibiyey, moos 15km oo lagu wareejiyey magaalada iyo dhismayaal kala duwan oo gacan lagu siiyey wasaaradaha waxbrashada, dhinca nadaafada iyo waliba dhul danguuda oo la siiyey dadka qabsaday goobaha danta guud sida: Jaamacada Burco, cisbitaalka waalida iyo wasaarada caafimaadka. 

Shirkiisaas jaraaid ka dib waxay wareiyayaashu weydiiyeen su’aalahan:- 

S) Cabdi waa maxay sababta kugu dhalisay xiligan oo laba bilood laga joogo xil wareejintaadii shirkan jaraaid.. 

J) Ilaa xiligaas waan diyaar garoobayey oo waxaan iska hubinayey inay saxtahay waxaan sheegayaa taas ayaa kaliftey inay xiligan soo gaadho. 

S) Deynta aad ka hadashay sidan ugamaad hadlin xiligii aad ku wareejisay maamulka cusub maxaad hore ugu sheegi wayday inaanay sharci ahayn. 

J) Horta deynta anigu maan gelin deyntan sidaas ayaan ugu imi mushaharka Shaqaalahan intii markii aan xilka qabtay ay lahaayeen ayaan kaga tegay oo taydii Waan bixiyey, waxaanaan moodayey in xil-wareejinta sidaas lagu sheegay 

S) Cabdi Burco deyntan waxaa ku jira mushahar shaqaalehii aad xukumaysay iyaguna Ma sharci darro ayey ku galeen 

J) Iyagu sharci darro kuma laha, laakiin waxaa siinwaayey maamuladii hore, anigu wixii ay Igu lahaayeen sanad iyo afar bilood wayga qaateen. 

S) Cabdi mafilaysaa inaad shirkaagan jaraaid aad u adeegsanayso difaac aad kaga jirto  Dhaliilaha lagugu xamanayo mudadii aad xila haysay. 

J) Sidaas aniga ilama aha, isamana difaacayo anigu wixii aan qabtay waanigaas sheegay, Ee cidii kale ha sheegato, maayar walibana dhaliil waa la tagey laakiin waxaan la Yaabanahay waxa tayda laambada sudhay

S) Laakiin dhanaca kale, miyaanay adiga laftaada masuuliyadi kaa saarnayna siday dadweynuhu  u heli lahaayeen deyntoodii mudadadii aad xilka haysay

J) Horta deynta, waanigaa cadeeye oo aniga layguma laha, mana cadda sabaha lagu galay iyo sharciyadeedu inbadan oo ka midana waan bixiyey laakiin inta badan waxay ku timi sifo musuqmaasaq ah.

Reported by Yusuf Ilkacase, Burco