Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Warsaxaafadeed: Waxa wax aad looga xumaado ah una xanuun badan in 13 sano ka dib aan aragno isla markaana ay soo noqoto in dhalin aad u yaryar  iyagoon maxkamad la soo taagin habeen madoow la xukumo 

Waxa loo baahanyahay inay xukuumadu arinka qaboojiso oo anay u arag dadka cadow oo ay u aragto shacbkeedii oo gadooday 

Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO London 20/05/04) – Maanta waxay somaliland dimoqradiyadii ay ku taamaysay mudada dheer ay u tahay maalin madoow, waa maalin aad looga tiiraanyooda, waa maalin walwal badan, waa maalin xasuus hore dib u soo celinaysa, waa maalin niyadjab ku abuuraysa mujaahidiintii u soo halgantay xornimada manta la hadhsanayo, waa maalin dadkii ku shahiiday halkgankii ka dhigaysa looma ooyaan isla markaana meel kadhac weyn u aha agoontii iyo ooriyihii ay ka tageen. 

Waxa wax aad looga xumaado ah una xanuun badan in 13 sano ka dib aynu aragno isla markaana ay soo noqoto in dhalin aad u yaryar iyagoon maxkamad la soo taagin habeen madoow si qarsoodi ah loo xukumo. Go’aan kaasi waxa uu ku noqday dhamaanba muwaadiniinta Somaliland wax laga argagaxo dad badan ka yeedh siisay illaahow riyow nooga dhig maadaama ay maskaxdood dib ugu soo celisay falakii ay ku kici jirtay dowladii hore ee faqashtu. 

Hadaba hadaanu nahay bahada Somaliland Democracy Watch Organisation  aad baan u dhaleecaynayaa xukunkii lagu qaaday dadkaasi dhalin yarada ahaa iyo gudidii lagu magacaabay gudida nabadgelyada ee fulsiay, maxaa yeelay arinkan ay ku talaabsadeen maaha arin nabad galyo wax kataraya ee waa arin nabad galyada khalkhal galinaya awoodii maxkamadaha iyo dastuurkan meel ka dhac weyn u ah. 

Sidoo kale waa wax laga damqado awooda xad dhaafka ah ee ciidanka booliska Somaliland ku isticmaaleen dadkoodii, dhalinyaradoodii iyo caruurtoodii.  Waxay noqotay arin aan la filayn 

Maanta dadka intooda badani waxay isweeydiinayaan isbedlka weyn ee ku yimid xukuumada Somaliland oo isu rogtay dowlad xoog adeegsanaysa sidii tii hore ee dalka laga xoreeyay oo noqotay(Aggressive Government) markaa xukumada waxaan u soo jeedin lahayn inay dadka ula dhaqanto si sidan ka dabacsan cidina cid xoog kuma muquunin karto oo taliskii horeba halkuu maray waan ogeyn, markaa waxa loo baahanyahay inay xukuumadu arinka qaboojiso oo anay u arag dadka cadow oo ay u aragto shacbkeedii oo gadooday, isla markaa ay xukuumadu is weeydiiso dheriga karka waxa ka keena waa kulaylkee tolow maxaa dhacay sidee wax looga qaban karaa. 

Waxaan u aragnaa in dhibaatadani ka dhalatay shacbiga oo dareemay inaanay xukuumada Somaliland habayaratee dhegaysanin cabashooyinkooda tani oo soo taagnayd tani iyo maalintii gooni isutaaga Somaliland oo kolba heer soo maraysay, marbay taagnayd in dadku ku ciilbaxaan joornaalada oo ay cabashooyinkooda ku soo bandhigaan ilaa ay maanta ay soo gaadhay in mudahaardaayo dhacaan, hadii xukuumadi dhegaysanweydo shacbigiidoortay waxa timaada sida dalal badan oo dunida ka tirsan ka dhacday in shacbigu ay mudaharaado balaadhan iskugu soo baxaan oo ay keentay in  xukunkii laga riday dowladahaas. 

Waxaan u soo jeedinaynaa in ay xukuumadu magacaawdo gudi madaxbanaan oo la  kulanta dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhan soona baadha cabashooyinka jira iyo sida wax loogaqaban karo, si dalkan looga badbaadiyo qas iyo qalalaase hore leh. 

Waxaanu ku taageersanahay ururka xuquuqal Iinsaanka ee somaliland soo jeedintoodii ahayd in la baabiiyo oo la kala diro gudida lagu  magacaabay gudida nabadgelyada qaranka oo sidii taliskii hore ee afweyne booliska dhexdiisa habeen madoow wax ku xukumaya. Dalku maxkamad dastuuriya buu leeyahay ee in gudi ka awood saraysa maxkamadii dalka ugu saraysay lamagacaabo wax dastuurku dhigayo isla markaana uu  ogolyahay maaha. 

Shacbigana waxaan u soo jeedinaynaa in mudaharaadyada sinabadgelyo ah lagu sameeyo oo aan dhagaxtuur la samayn, meelna aan la jejebin ee cabashooyinkooda si nabadgelyo ah ay ugu soo bandhigaan wadooyinka waaweyn ee dalka. 

LONG LIVE SOMALILAND 

ALL MAHAD LEH 

Guled Cabdi Sheekhaash-  Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha Guud ee SDWO

Cabdiqani Cismaan Xandule – Afhayeenka SDWO

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION