Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Nin Somaaliya oo ay ku cadaaday inuu isku dayey inuu gabadh ardayad ah uu ku kufsado meel dariiq ah laakiin ay Kamarad fiidyoow ku taaley 

Metro newspaper: A Sex attacker made legal history yesterday when he was convicted despite his victim never being found 

SDWO (London)  Wargeys ka soo baxa magaalada London  oo magaciisa la yidhaah METRO, cadadkiisii soo baxay 15kii June 2005, ayaa waxa uu bogga sare ciwaan uga dhigay nin somaaliya oo ay ka u cadaatay inuu gabadh kufsaday. 

Ninkan oo wargeysaku uu magaciisa ku sheegay Farxan Cismaan oo dadiisu tahay 27 jir isla markaasna dalkan ingriiskana ku joogay qaxootinimo ayaa waxa qabatay oo duubtay kamaradaha ku xidhan wadooyinka waaweeyn ee dalkan Britain goor aroor hore ah isagoo gabadh aan ilaa hada la garanayn laakiin loo malayno inay tahay ardayd wadan kale ka timid oo waxbarasho u joogta London uu isku dayey inuu ku kufsado meel wado dadku maraan oo dhulka hoos marta,  Waxa cajaladaas laga daawaday isagoo gabadhaa garaacaya oo aad u gilgilaya isla markaasna ku qaylinaya deedna dhulka ku riday, ka dibna uu dharkii ay xidhnayd uu ka jeexjeexay uuna isku deeyay inuu kufsado laakiin nasiib wanaag waxa meeshii soo maray nin lagu qiyaasay ilaa 20  - 30 jir oo ka riday ninkaas gabadhii uu rabay inuu kufsado, isla markiibana gabadhii inteey degdeg dhulkii uga kacday oo ay urursatay dharkii uu ka jeexjeexay ayay oroday. 

Farxaan Cismaan markiiba waxa lagu qabtay meel aan ka dheereen halkii uu denbiga ku galay oo ahayd xaafad kutaal koonfurta magaalada London oo la yidhaah Elephant & Castle taasi oo lagu gartay dharkii uu xidhanaa markii uu denbiga gelayey oo laga arkayey kamaradaas loo yaqaan  (CCTV – Close Circuit Television). 

Ilaa hada waxaan la helin gabadhii uu kufsanayey Farxaan iyo ninkii markhaatiga ahaa ee ka riday gabadha, Police kuna waxa uu raadiyey codsiyo badana u direen inay gabadha iyo ninkii markhaatiga ahaaba la soo xidhiidhaan police ka, hase yeeshee ilaa hada wax xidhiidha lamay soo sameyn police ka. 

Denbiga noocan oo kale ah ayaa noqday kii ugu horeeyay ee noociisan oo kale ah ee ka dhaca dalkan Britain oo qof lagu xukumo denbi aanu joogin qofkii denbiga laga galay ee ay kamaradi uun qabatay, isla markaasna uu Farxaana laftiisu qirtay inuu denbigaa uu galay. 

Farxaan Cismaan waxa la xukumi doonaa bisha soo socota ee July marka ay warbixinaha oo dhami soo dhamaystirmaan.  Dalkan Britain ayaa sharciga u yaala denbiga Kufsigu uu yahay xabsi aad u dheer. 

Detective Sgt. Rupper Bonny ayaa yidhi way cadahay in loo baahanyahay in Farxaan sharciga la horkeeno, sababtoo ah talaabaduu ku dhaqaaqay waxay ahayd mid laga argagaxo, sidoo kale waxuu yidhi waxa loo baahanyahay in gabadhii dhibanaha ahayd iyaduna ay timaado si taageero mooraal ah loo siiyo. 

SDWO News Desk

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION