Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click here - The History of  Somaliland  

Kulankii Madaxweynaha iyo jaaliyada Somaliland ee Norway.

 Depression is increase in Somalis  - Do you know What causes depression?

Oslo (Jam) - Habeenkii sabtida ayaa waxa uu madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii la kulmeen dadweynaha jaaliyada Somalailand ee wadanka Norway. Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay hudheelka weyn ee Radisson SAS oo ku yaal badhtamaha magaalada Oslo. Hudheelkaasu ahaana halka ay weftigu u hoydeen.

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay dadwayne aad u farabadan iyadoo laga kala yimi dhamaan wadamada Iskandinayfiyada. Dadweynaha ayaa aad u xiiseynayey kulankan waxaana guudahaan dadweynaha ka muuqatay farxad aad u weyn.

 

 

 

 

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa dadweynaha uga waramay hawlaha ay u soo safreen. Weftiga ayaa sheegay in ay masuuliyiinta Norway kala shireen arrimo khuseeya soo saarista batroolka iyo horumarinta dalka.

Waxa joogay masuuliyiin reer Somaliland ah oo uu ka mid ahaa Wakiilka Somaliland ee Norway Maxamed Maxamud Aden (Lenin) iyo wakiilka Sweden Xuseen Wadaadyare.

 

Waxaa kaloo kulankan ka soo qayb suxufiyiin ay ka mid ahaayeen Tv Somaliland Europe oo Sweden ka yimi, tifaftiraha Halgan News oo Finland ka yimi iyo wakiilka Jamhuuriya ee Norway.

Kulankan ayaa waxaa khudbadii madaxweynaha iyo wasiirka warfaafinta wehelinayey majaajilo, heeso iyo suugaan. Dadweynaha ayaana makhsuud sacabka kala joojin.

Waxaa kulanka ka kadib, Madaxweynaha, weftigiisa iyo martisharafta lagu casuumay casho sharaf uu soo qabanqaabiyey Ururka Jaaliyada Somaliland ee Norway.

Madaxweynaa ayaa aad ugu mahadnaqay soo dhaweynta diiran ee ay heleen isaga iyo weftigiisu isagoo xusay in aanu ilaabi doonin.

Source: Jamhuuriye.info

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION