Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Shabakadda Wararka SDWO Oo Si Weyn Looga Akhristo Magaalada Hargeisa

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA 

SDWO (Hargeisa) Shabakada internet-ka ee SDWO oo ka mid ah warbaahinta Si fiican looga Wararka dalka oo dhan ee fadhigeedu yahay Magaalada London ayaa wararka, maqaalada wareysiyada, iyo wararka ay baahiso waxaa si aad ah looga Akhrista Caasimadda Somaliland Ee Hargeisa,

Dadweyne aad u fara badan oo aan ku sugnaa goobo kala duwan oo laga daalacdo Internet-ka oo ku yaal xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa ayaa waxay inta badan isha ku hayaan wararka iyo macluumaadka saacad saacad ugu soo baxa bogga Internetka ee SDWO.

Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Wargeysyadda, Dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxay si aad ah ugu xiran yihiin Shabakadda wararka SDWO kuwaasi oo marka aad la sheekaysato midba uu kuu sheegayo waxa uu sida gaarka ah ugu xiran yahay in uu noqdo saaxiibada hawada kala socda SDWO

Mid ka mid ah dhalinyaro ku sugneyd goob Internet ayaa ii sheegay in waxa ugu badan ee uu xiiseeyo wararka iyo Ciyaaraha SDWO ay tahay sida hufnaanta iyo wararka runta ku dhisan ee ay SDWO baahiso kuwaasi oo ka dhacaya gobolada kala duwan ee dalka Somaliland.

"Walaahi sida runta ah anigu ma aqaan asxaabta SDWO laakin sida aan ku arkey waa dad aad ugu carbisan saxaafada runta ah, waxay inoo soo gudbiyaan warar xaqiiq ah oo inta badan sida jirta ah, waxaan oran lahaa sidaa kuwada oo waligiin haka caajisinna shaqada aad u haysaan Ummada Siba Ciyaaraha" ayuu yiri Maxmed Hassan oo ka mid ahaa Dhalinyarada ku jirtey xiligaas Akhrista wararka SDWO.

Shiine Cilmi Kaahin SDWO Reporter Hargeisa

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION