Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Abwaanka xaga suugaanta Somalilada ku caanka ahaa Axmed Faarax Idaajaa oo aad ugu farxay dilkii loo geystay shaqaalahii Ajaanibka ahaa ee Berbera iy Hargeysa Dhexdooda ka dhacay

SDWO (London 8th April 2004) Qoraalka Hoos ku qoran oo ku saabsan sheeko cajiib ah oo dhexmartay nin dhalinyaro ah iyo ninkale oo Somaliya ka caana ayaa waxa na soo gaadhsiiyey muwaadin reer Somaliland ah oo ku nool magaaladan London lana yidhaahdo Cabdimajiid oo ah ninka sheekadan ka qaybqaatay.  Qoraalkiisiina wuxuu ku bilaabmay sidan: 

Binu Adamku maalin walba waxaan la kulanaa dareeno badan oo kala duwan, kuwa kaa Farxiya, kuwo kaa nixiya iyo kuwo kaa yaabiya kuguna noqda u qaadan waa. 

Hadaba halkan waxaan jeclaystay inaan idiinku soo bandhigo sheeko layaab leh oo nadhexmartay aniga oo ah Cabdimujiid iyo ninkale oo ka mid ah dadka uu dhibo marka ay maqlaan magaca Somaliland. 

Bishu waa bishii March ee sanadkan 2004ka, Meeshu waa xaafad ka mid ah xaafadaha ay ka koobantahay magaalada London oo la yidhaah Tottenham, Bartu waa Internet Café ku yaala dariiqa Tottenham High Road, oo la yidhaah Shabeele Internet Café. 

Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii Internet Café kaas ku sugnaa,  Waa Maalmahaii nimankii argagaxisada hubaysnayd ay jidad goynta ku dileen gabadhii Kiiniyaatiga ahayd isla markaasna ay ku dhawaceen ninkii Jarmalka ahaa jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera. 

Waxa halkaas soo galay ninka la yidhaahdo Axmed Faarax Idaajaa oo aan filayo in intiina badani wada garanaysan, Mr Idaaja wuxuu ka hadlijirey idaacadii taliskii hore ee siyaad bare ee Xamar, imikana wuxuu soo daayaa barnamijka suugaanta ee ka baxa laanta afsomalilaga ee BBC da. 

Markuu sidaas u soo galayba waxa loogu bushaareeyay in dad ajaanib ah lagu dilay Hargeysa,  bal hadaba tolow sidey noqondoontaa jawaabtiisu ayaa madaxayga ku wareegaysay maadaama uu yahay nin weyn oo caan ah dhulkii Somaliya la isku odhan jirayna aad looga yaqaano.   Hase yeeshee waxa u qaadan waa igu noqotay markii uu Axamed Faarax Idaajaa uu farxad iyo rayrayn darteed uu is hayn kari waayey oo uu  boodbooday isagoo leh alylehe maantaan hadaba si fiican u qayli karayaa, weliba cida dishaan garanayaayoo waa habar jeclo. 

Arintaas uu ku kacay Mr Idaajaa aad ayaan uga damqaday markaasbaan ku idhi waar ninweynbaad tahaye ma waxaad ku farxaysaa dhibta iyo dilka dhacay,  isagoon ka filayn goobtaas inuu joogo qof somalilandera ayuu intuu igu soo jeestay yidhi waar muxuu ahaa Barawaanigani, markaas baa dadkii meesha joogay hal marwada yidhaahdeen waar barawaani maahee waa nin reer Somaliland ah, isagii oo wejigiisa khajilaadi ka muuqato ayuu hadana ku sii adkaystay oo uu yidhi waaba yaab Isaaqu noocana miyey ka leeyahiin, halkaas ka dibna arintii waxay gaadhay inan gacan ula tago ninkaas oo aan halkii isku dilnay, isla markiibana waa nala kala qabtay. 

Axmed Faarax Idaajaa waxaan odhan lahaa Ilaahay u toobakeen oo xasuuso xadiiskii odhanayey waxaad naftaada la jeceshahay walaalkaana la jecloow, hadii dhibi ka dhacdo Somaliland wax alla waxay kugu soo kordhinayso ayaan jirine iska saar nacaybka iyo xumaanta huursan ee qalbigaaga madoobeeyay. 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION