Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Qurbo-Jooga iyo Burburinta Mustaqbalka ay ku hayaan dhalinyarada.

True Story 

Marka hore waxaa mahad iska leh ilaaha (SW) abuuray dhulka iyo samaawaadka iyo wixii makhluuqaaad ah ee ku nool ilaaha inaga yeelay dad muslimiin ah inaguna manaystay diinta qiimaha badan ee islaamka ah  aduunyada dusheeda maalinta aakhirona inoogu balan qaaday inuu naf walba xisaabin doono wixii ay samaysay ee wanaag ah ama xumaan ah. 

Intaa ka dib waxaan jecelahay inaan u gudbiyo maqaalkan Halganews, SDWO, Somalitalk wargeyska madaxa banaan ee  jamhuuriya  gaar ahaan bogga xaawo iyo aadan dhacdo iskugu jirta naxdin ,. Amakaag iyo u qaadan waa taas oo si toos ah iigu dhacday aniga oo ka mid ah dhalinyarada ku sugan Hargeysa Somaliland. 

Waa Maxay sababtaha keenay in Dumarkii reer Hargeysa ay door bidaan raga dibada ka yimaada (Qurbo Jooga)? 

Halkan waxa aan idinku soo bandhigayaa sheeko maalintii salaasadii 17-8-04 ka dhacday Hargeysa, sheekadaas oo dhex martay laba qof oo is jecel doonayayna in ay nolosha wada wadaagan mustaqbalka 

Wiil reer hargeysa ah magaciisana la yidhaado A.H.A. iyo Gabadha Magaceeda la yidhaado A. I. Y, oo labaduba jooga hargeysa, wiilkii ayay gabadhu jeclaatay wayna la soo xidhiidhay si uu jacaylka ula qayb sado, markii ay la soo xidhiidhay inankii A.H.A waxayna u sheegatay jecelkii ay u qabtay isla markiiba inankii oo gabadha aqoon u leh ehelkoogana ay isku fiican yihiin ayaa waxa u soo dhowayay si fiican, isagoo gabadhaa si fiican aqoon ugu lahaa iyada iyo ehelkoodaba. 

Hadaba maalmo ka dib ayay si fiican u wada hadlay iyagoo adeegsanaya tilifoonka gabadhii A.I.Y waxay u sheegtay jacelka ay u qabto doonaysona in ay mustaqbal wada yeeshan, waxa u jawaabay inankii A.H.A oo ku yidhi waa caadi si fiicana u soo dhowayay isagoo weliba go’aan saday in uu iyada ku koobnado lana wadaago jacaylka ay wado maadama uu si fiican u garanayo aqoona u leeyahay dhamaan ehelkooga aadna ay isku fiican yihiin. 

Hadaba markii ay wada xidhiidhayeen mudo laba bilood ah ayuu u soo bandhigay in ay is guursadan sannadkan (2005) labaad, laakiin markii denbe talooyin iyada lala taliyay ayaa meherkoogi dib u dhigay inankiina wuu ka caqbalay talooyinkii, talooyinkaas oo haa “HA ISKU DEG DEGINA EE HORTA WAKHTI YARA SHEEKAYSTA”. 

Mudo ka dib ayuu hadana sannadkan bishii lixaad u soo bandhigay in uu mehersado oo uu guursado, hadana gabadhii waxay ku tidhi fadlan dib in yar noogu dhig iyadoo kula talisay in uu horta uu helo guri haba ahaado sandaqad ay galaan alaabo yaanay yaaline, inankii wuu qaatay talada fiican ee ay gabadha fiicani soo jeedisay, Talow maxay isku badashay gabadhii fiicnayd sida fiicana u talinaysay?! Waxayna ku balameen in ay is guursanayaan. 

Illaahay (SW)  uu yidhi (Ballanka oofiya, illaahay wuu idin waydiin doona ballan Rasuulkuna (CSW) waxa uu xadiis ku yidhi mar uu ka hadlayey calaamdaha munaafiqiintu waa saddex, Waxaan ka mid ahaa munaafaqa hadii uu ballan qaado kama run sheego. 

Hadaba labada qof ee kala ah A.H.A iyo A.I.Y waxay ahaayeen laba qof oo aad isku jecel ilaa xad dhinacyo badana iska aaminay, waxa kale oo intaa dheera gabayada amaanta ah iyo casharada diiniga ah ee uu siinayo inanka A.H.A, kuna wacyi gelinayo in ay dhamaan casharada diiniga ah ay qaatado, casharadaas oo ka hadlaya jacaylka faa’iida leh iyo jacaylka dibaatada leh iyo casharo kale oo ka hadlaya arooska illaahay (SW) iyo Rasuulkiisu amaaneen khayr badana ku jiro una diidaya waxyaaba aanu khayrku ku jirin. 

Gabadhii ay iskaga soo daba dhacayaan casharada diiniga ah iyo amaanaduba ee uu u soo dirayo wiilka ay is jecelka ku beertay aadna ay isku jecel yihiin, mid kastaan faamiligoodi dad ka mid ah uu baray dad badana ay u diyaar yihiin arooska. 

waxana ka mid ahaa hadalad uu ku amaanayay

 A. adaa

Inta Ugub Curdina

Arla deena Jira

Aynigaa u Mudan 

Waxaad Tahay Aqoon

Mid u ehela

oo aan iin lahayn

Waxaad tahay iftiin

Arligoomugdi ah

Ugu deeqay nuur

 

Waxaad tahay udgoon

Ubax rays ka kacay

Oo eegmada u roon

 

Waxaad tahay ilays

Abid aan damayn

Illo biyo leh iyo

Waxaad tahay indhaha

Arageena sugga

 

Ma awaali karo

Sida eebaheen

Kuu abuurayee

Edeb kuugu ladhay

 

Asaagaa badh baa

Ibtilaysan oo

Ixtiraam a qoon

 

A. adigu

Asal waxaad ku tahay

Sifihii islaam

Isir baad u tahay

 

A. hablii

Asluub iyo xishood

Ilnugeyl dartii

Hadii ay arkaan

Rag agtooda mara

Aayar dhawrsan jiray

 

A. ma tihid

Kuwan aafada ah

Kuwan erayadii

Af-soomaaliga ah

Ka abaarsadee

Akhlaaqdan ka madhan

 

A. ma tihid

Kuwan uu ibliis

Uu af-duubayee

Illinkii ka lumay

 

A. ma tihid

Kuwan oogadiyo

Jidhkoodii ilaahay u sugay

Asaraar gashee

Asal dooriyee Usgag siistay

 lacag

 

A. ma tihid

Kuwan awdanee Orda suuqyadee

Afar qaadayee Ayad iyo xadiis

Aan u deeqinee Ka engagan iimaan

 

Waxa aan anigu ku idleeyay hadal

Ruux ayaan leh baa

A. adiga afadiisa iyo

Oori kaa dhigtoo Aroos kula galee 

 

AAN OON BAXEE ALLA YAA HADABA

IGA DHIGA ANIGA!!!!!

Bal aan idinku daree amaan labaa oo loo diray A.I

 

Waxaad iila maan tahay
sida mayay arooryad

Maansheeyay dunidoo

Maadh iyo tigaad iyo

Ubax iyo mankii baxay

Ishu mililicayso

Nooluhu mafsuud yahay

masalkaaga  oo kale
nin muhdaa ma heli karo
waxaa tahay mid iga mudan
muxubiyo kalgacal badan

 
milaygii la joogaba

maalin iyo alaylkii

maankayga deeqdo

maskaxdayda idilkeed

adigaa u magan oo

minit qudha ka bixi Karin

macbuudkii I uumaan

ku mahadshaa had iyo jeer

maalintuu I kaa baray

masalkaaga  oo kale
nin muhdaa ma heli karo
waxaa tahay mid iga mudan
muxubiyo kalgacal badan

 


Magacaagu waa luul

Midabkaagu waa dhiin

Maskaxdaadu waa taam

Miyir iyo aqoon iyo

Lagu ladhay man iyo dahab

Sida xarafka miimkaad

Maanka iigu qoran tahee

Abidkaa ha moogan

masalkaaga  oo kale
nin muhdaa ma heli karo
waxaa tahay mid iga mudan
muxubbiyo kalgacal badan

 

milgo iyo amaantaa

ruux tirshaa ma madhin karo

marwo sharaf leh baad tahay

muslin khaalis baad tahay

waxan maaganahayo

aan ka maagin baa jira

hadii mowle ii qoray

macaaneey Insha'allaah
marwadeydi baad noqon
 

Maxaa la odhan karaa talow ma amaanta ayaa dumarka uga darta? Mise wayralai gelisaa?!!!!! Gabadha waxa ku dhamaa murtidii iyo gabayadii ninkii jaclaa uu tiriyay, laakiin wax natiija ah kamuu gaadhin amaantii iyo gabayaadiina Xumaan ayay isku badaleen.

 Bal aanu sii yara wadno sheekadii

 

Ayaa markii muddo sannad ku dhow la wada xidhiidhayay, qof kastana qofka uu sugayaa uu ahaa qofka kale ayaa hadaba bishan waxa ku dhacay wiilkii wax aanu weligii ka fikireen in ay samayso jacyalkiisu. Balse way samaysay. 

Laakiin qofkii aan sidaa u aaminay ee aan ka dhigtay qof igala mid ah wixii aan aaminsanaa oo dhan waxaa igaga timid dhacdo aad u naxdin badan oo aanan noloshaydaba kuna fikirin xataa aanan ku arag riyo ka dib waxay iyadoo  ka tagtay wixii aanu isku ogayn oo dhan bilawday in ay laba wiig xidhiidhka iga jartay, waxayna xidhiidh la bilowday nin qurbo jooga Somaliland ah dhowaana ka yimi wadamada Carabta

Ninkii isaga ahaa ee is lahaa A.I.Y adiga ayay guriga ku joogta kuna sugaysaa waayo waxay ahaayeen laba qof oo aad isku jecel, lana odhan karo qofba qofka kale ayuu u yahay noloshii uu ku noolaan lahaa aduunka mana noolan karo hadii uu waayo, hadalkaas oo ah hadal ay somalidu isticmasho la’aanta ma noolaan karo, oo ay is ticmalan laba qof oo aad isku jecel dhibkata oo jacaylkooga ah isku maraya, waxa uu ku war helay uun meherkeedi dhacaya maalin kor ku xusan. 

Maah maahyo somaliyeed ayaa ahaa 

Kas caano galeen caqli ma gelin

Dumar kuna way shukaansadaan kowna way ka guursadaan.

Naagi Kolba waa ninkii ku denbeeya uun

Waxa la yidhi somalidu Been way sheegtaa laakiin been ma maah-maahdo

Waxay ku noqotay yaab iyo amakaag wax alle iyo wuxu sameeyana wuu garan waayay waayo arinkii wuxuu markayaa meherkii oo weliba isla maalintaa la soo doonayo lana xidhiidhi karay gabadhii ay is jeclayeen waayo waa aroosadba, Runtii inkii isaga ahaa illaahay uun ayaa garanaya sida uu noqday iyo is badalka ku yimi, waxana uu in badan isku dayay inuu niyadiisa ka saaro wax khuseeya gabadhii uu jeclaa laakiin ilaa imika wuu owaadi wayay, waayo maantaba la bixinayaa Gabadhii uu jacelaa, illaahayna waxa uu ka baryay in uu illaahay ka saaro waxyaabaha niyadiisa ku jira, dhibaatada jacaylkaasina iyo arinka lagu sameeyayna ku hayo dhibaatadiisa illaahay u fududeeyo isagoo weliba intaa ku daraya salaada oo uu badinayo iyo quraan dhagaysiga. Waxana uu illaahay ka baryaa in illahaay gabadh ka fiican kana khayr badan ugu badalo aamiin 

Maxaad isku keen barteed igaga baxdeed igu ilawday

Jacaylkaa adaa I baday, adaa I badoo igu beeray hadana I baxnaani wayay 

Dhookhiyo naftaadaa ii heshiiyee waxaan daayay baa dib u bilowayee durba nabal xanuunbaa la darisee adiguna runtii imaad dawayn iska daansho daansho walaalo idishayay walaal ha igu diganine

Sida aad wada og tihiin dad faro badan dumarku waxay aad u xiiseeyaan dadka dibada jooga ama doofinaya, hadaba mid ayaa haysatay dhalinyaradii reer hargeysa ee hagaagsaned una diyaar ah in ay guursadan hablahana si fiican ula dhacmayey kagana bixin jirin. Midaa haysta oo ah in hablihii ay mudada dheer ay wada xidhiidhayeen aadna ugu kalsoona ay kaga baxeen rag dibadaha ka yimina guursadeen, waa sida ay qisadani ku socotee, habda raga dibadaha dhibaatada ay dhalinyarad ku hayaa maaha oo kaliya nin gabadhii uu la sheekaysanayay laga qaado lagana guursado, laakiin waxa dhacda in ay dhalinyaradii guurkii ay ku qaali gareeyeen bixinayaana lacag aad u badan 1000$ iyo wax ka badan. 

Taas oo ayna awoodeen dhalinyaradu, dhalinyaradaas oo isku jira rag shaqaysanaya iyo kuwa bilaa shaqo ah oo ay badan tahay kuwa bilaaa shaqada ah. 

Waxa aan halkan ka soo jeedin lahaa laba talo, oo kala ah.

 Talooyinku socta

 Qurbo-Jooga Somaliland, Dumarka iyo Talo ku socota Waalidka 

Waa Ta Koowade 

Qurbo-Jooga Somaliland ee inta ay yurub sannado badan ka soo shaqaystaan imikana Somaliland, iyagoo u socda arimo dhow ah in ay wadanka soo indho indheeyan iyo in ay Mashaaric ka furtaan inkastoo ayna badnay mashaaricida ay furanayaan laakiiin ay u soo Guurdoontaan, iyagoo dadka diranaya odhanaya Gabadh aad u fiican ii soo eeg oo aan guursado, Arrimahasi runtii ma xuma laakiin waa in ay mid ogaadan Gabadha loo soo helo waa in ay waxyaabo badan ka ogaadan oo ayna ka marin dhinaca waalidka, In ay gabadhaa cod hore xidhiidh wada lahaayen oo ay wax isku ogaayeen, taas hadii ay ogaadan wixi ku haboon ayay ku dhaqaaqi karaan, mid kale ha ogaadan, Meherkan ay lacagta badan bixinayaan ee ay dhalinyarada ku qaali garaynayaan ha ka daayan. Isagoo lacag yar ku mehersaday ayuu hadana wixii uu siin karo reerkiisa waa xididkee uu siin karaa.

Waa ta labaade 

Markaa waxan odhan lahaa dumarka qaarkood iska ilaaliya waxyaaba aad dhalinyarad aad ku samaynaysaa kuna kacaysaan, calafkuna waa wax jira, walaahi gafkaa ay samaynayaan maalin kale ayay garan doonan, waxana dhigi karta guurkooga in ay dhibaato ku timaado. Waayo qof jacayl iyo wanaag iyo walaaltinimo u hayay ayay cidlo kaga tagtay iyadoo weliba aan waxba u sheegi. Waa la yaab laakiinse waa wax dhici jiray. Runtii waxa aan filayaa dhalinyarado dumarka aad u xumeeya iyagana waxan odhan lahaa Marna ha xumaynina dumarka iyagu haba idin xumeeyaane, weligeyna anigu ismaan odhan dumar xumee ismana lihi.

 Waata Sadexaade 

Waalidka mid ayaan odhan lahaa garashka guurka waa Meherkee fudeediya oo lacagtan badan ee aad la rabtaan hablihiina joojiya, waxana yaraan lahaa dhibaatada badan ee ka dhacda hargeysa iyo dhalinyaradan rag iyo dumarba leh ee meel kasta tuman sannado badan, ma sidaas ayuu noqonayaa mustaqbalka aad la rabtaan ubadkiina? Waalidkii waxa uu raba lacag badan in lagu soo doono gabadhii, gabadhiina waxay rabtaa in meherkeedu noqdo shay aad u qaali ah ama lacag badan, waxa kale oo ay rabtaa in arooskeedu ka dhaco meel aad u heer saraysay, runtii arimahaa ma awoodan dhalinyarada hargeysa diin aahna ma fiicna ee u noqda dhinaca khayrku ku jiro alle ha idin garan siiye. 

Akhristayaasha qiimaha badan waxa sheekhadan iyo hadalkan faraha badan iga keenay arinkaa igu dhacay runtii dhibaatasiisana alle uu og yahay, balse waa wax ragi soo wada maray.

Email:  khayr_inshaallah@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISATION